|

Mujaahidka Todobaadka: Muj:Jaamac Cali Cilmi
Hargeysa (Halganews)- Allaah ha u naxariistee waxa dhawaan magaalada Hargeysa ku geeriyooday Muj. Jaamac Cali Cilmi oo ka tirsanaa halgamayaashii ururka SNM.
Maxruunka oo sida la sheegay u geeriyooday xannuun dhinaca beerka ah oo uu muddo u jiifey Cusbitaalka Manhal ee Hargeysa, waxana aaska jinaasaddiisa ka qaybgalay saraakiil ka tirsanaa ururkii SNM, Shirguddoonka Golaha Wakiillada, masuuliyiin ka socday xukuumadda, hoggaamiyayaasha axsaabta qaranka iyo dadweyne aad u tiro badan
Muj. Jaamac Cali Cilmi Alleh naxariistii janno ha ka waraabiyee, taariikh-nololeedkiisii oo koobana waa sidan:
Marxuun Mujaahid Jaamac Cali Cilmi waxa uu ku dhashay Magaaladda Burco.
Waxbarashadiisii:
Dugsiga Hoose Dunbuluq School. 1959
Dugsiga dhexe Ahmed Gurey School. 1962
Dugsiga sare Sheekh Secondary School. 1966
- Wuxuu ku biirey Ciidamadii Somaliya 1966 dabayaaqadeedii, wuxuuna tababarkiisa ku soo qaatay Kulliyadda Ciidammada Qaahira Kuliya Xarbiya, dalka Masar, soona dhammaystay 1968.
- Shaqadii ugu horreysay wuxuu ka qabtay Gorayo-Cawl.
- Ciidammada Soomaaliya wuxuu ka soo qabtay xilal kala duwan ayna ka mid ahaayeen;
1. Abbaanduulaha qaybta 54aad ee Gaal-kacayo.
2. Taliyaha Ururka 17aad Dayax-gaal-kacayo.
3. Taliyaha Ururka 94aad ee dhuusa-mareeb.
4. Taliyaha Guutada 15aad – qaybta 26aad.
5. Taliyaha guutada 34aad ee qaybta Beer- qaybta 26aad.
6. Ku xigeenka hogaanka tababarada taliskii guud ee Wasaaradii Gaashaandhiga Soomaaliya.
7. Waxa kale oo uu Marxuunku ka soo shaqeeyey oo Taliye ka noqday Ciidankii Cadaadley.
8. Hoggaanka Cilmi-baadhista Wasaaradda Gaashaandhigga.
9. Marxuunku wuxuu ka qayb-galay Dagaaladii Soomaaliya iyo Ethiopia, wuxuuna ku dhaawacmay Magaaladda Tiridhaba (Airport).
Marxuun Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed ee Caanka ka ah Ciidamada dhex-dooda, sababaha ugu mihiimsan ee uu caanka ku ahaan waxa ka mid ahaa aqoontiisa tacliimeed oo aad u saraysay, isagoo leh aqoon iyo astaamo hogaamineed oo hufan (Leadership qualifications), Asluub iyo hab-dhaqan aad u wanaagsan.
Marxuumka Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii sida xun loogu cadaadiyey hab-dhaqankii caanka ahaa ee dawladdii keli-taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee la odhan jirey Kacaan-diidka, taasoo aakhirkii sababtey inuu ka ruqsaysto Ciidamada, ka dib markii Dad fara badan, oo odayadii, waxgaradkii magaalada Burco lagu xidh-xidhay waa kacaan-diid, isagoo Marxuunku ahaa Taliyaha Guutada 34aad ee Beer-degan, waana uu diidey inuu fuliyo amarradii cabudhinta iyo xadhigga lagu fulinaayey dadweynaha, isla markiina xilka laga qaaday.
Marxuunku Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka ruqsaystay Ciidamada 1983, ka dibna wuxuu u baxay Dalka Sucuudi Arabiya, iyadoo ujeeddadiisu ahayd inuu hal-ganka ku biro.
Gudaha intii uu joogey wuxuu ka mid ahaa ragga sida joogtada ah daba-galka loogu samayn jirey dhaq-dhaqaaqooda.
Wuxuu Ethiopia yimi 1984-kii, mudadii uu hal-ganku socdayna wuxuu ka soo qabtay xilal waaweyn oo ay ka mid yihiin;
1. Taliyaha Qaybta Bari.
2. Xoghayaha (Wasiirka Gaashaandhiga). Ciidamada Xoreynta SNM, isla markaasna ah Guddoomiyaha Gudida Dagaal gelinta (Chairman of the war Committee)
3. Marxuum Muj. Jaamac Cali Cilmi, wuxuu hogaaminaayey Ciidamadii xoreynta ee hawl-galkii waynaa ee xoreynta dalka iyo bur-burkii aasaasiga ahaa ee dawladdii keli-taliyihii Maxamed Siyaad Barre bud-dhiga iyo xuddunta u ahayd.
Marxuun Muj. Jaamac Cali Cilmi (Alla ha u naxariistee) wuxuu ahaa mas’uuliyiintii qaybta ballaadhan ka soo qaatay hirgelintii, taaba-gelintii, iyo dhidibo u aasiddii halgankii SNM.
Marxuunka waxa lagu xasuustaa, astaan uu u ahaa Alle ka cabsi, wuxuu ahaa Nin Cibaadada aad ugu wanaagsan, asluub iyo akhlaaq wanaagsan dadka kula dhaqma.
Wuxuu ahaa nin hoggaamin wanaagsan leh, waxaana caado u ahaa inuu ahaa nin waxna qora aadna wax u akhrista, gaar ahaan qur’aanka, waxana uu ahaa nin aad u adkaysi badan oo leh dhabar adayg aanay ka muuqan wajigiisa xiliyada ay jirto xaalad adag oo qalafsani.
Alle ha u naxariistee wuxuu marxuunku ifka kaga tagay laba Hamlood iyo Hooyadood.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN.
Hadaladii ay ka yidhaahdeen Shakhsiyadii Marxuumka Masuuliyiintii iyo dadkii ay is yaqaaneen waxay ahaayeen sedan:
Guddoomiyaha Xibsiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ugu horreyn goobta xabaasha ka hadlay, ayaa waxa uu ka waramay heerkii uu Marxuunku halganka kag jira iyo aqoontii uu lahaa. Isaga oo arinmahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Wuxuu ahaa shakhsiyad aad u wanaagsan oo Alle ka yaab leh, diintana aad u yaqaanay. Aniga waxaannu isku baranay halgankii dheeraa ee ummaddani u soo gashay xoraynta dalkan oo uu kaga jiray kaalin hoggaamineed. Wuxuu ahaa ninkii xerada tababarka ee Awaare ciidanka ku hayey oo ahayd xeradii ay ka soo bixi jireen mujaahidiintii SNM. Waxaan aad u xusuustaa markii dalka la soo galayey 1988-kii dagaalkii waddanka lagu soo galay oo ahaa halgankii ugu weynaa ee SNM dalka ku gashay, wuxuu sabab u ahaa dhiciddii Siyaad Barre.”
Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Md. Maxamed Axmed Xasan (Baashe), oo isna halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay in qof waliba dhimanayo, balse qof waliba uu la tagayo wixii uu ummadda ka galabsaday, waxaannu Ilaahay Marxuunka uga baryey inuu u fududeeyo xisaabta aakhiro.
“Dhammaanteen waa in aynu Ilaahay uga barinaa in uu su’aasha qabriga u fududeeyo, wixii uu ummadda ka soo mutaystay ifkana Ilaahay aakhiro ha ugu beddelo khayraad,” ayuu yidhi Talaate Codle.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna erayo kooban goobta xabaasha ka yidhi, ayaa sheegay qof kasta oo bini’aadam ahi marka uu adduunyada ka baxo uu raad ka tago, kaas oo noqda mid wanaagsan ama mid xun, isla markaana wixii uu adduunyada kaga tagay uun aakhirana lagu abaalmariyo.
Isaga oo Md. Samaale arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Geerida iyo noloshaba Ilaahay baa abuuray, wuxuuna u abuuray sida uu Qur’aanka inoogu sheegay si bini’aadamka uu u tijaabiyo qof waliba waxa uu Ilaahay la hortagayo. Jaamac halgamaa taariikhdiisa ku soo qaatay inuu ummadda wax u qabto ayaa laga waramay, Ilaahay waxaynu uga baryeynaa inuu taa u dhabeeyo, nin ehlu-diin ah inuu ahaa ayaa laga warmay, Ilaahay waxaynu uga baryeynaa inuu ugu shafeeco qaado.”
Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ka waramay taariikhdii Marxuunka ee xilligii dhalashadiisa ilaa heerarkii shaqo ee uu soo qabtay, isaga oo sheegay in xilligii dawladdii keligii Taliskii Siyaad Barre uu ahaa ninka keliya ee diiday dadkii xidh-xidh la yidhi inuu xidh-xidho.
“Jaamac xilkii u dambeeyey ee uu dawladdii Siyaad Barre ka hayey waxa uu joogay Beer markaasuu ciidamada ka tagay, waa la xidhi kari waayey, laakiin xilligii 1982-83-kii ee dadka la xasuuqayey ee la xidhayey, waxa uu ahaa ninka keliya ee sarkaal ah ee taliye guuto ah ee dadkii loo geeyey si uu xidh-xidho, yidhi la xidh-xidhi maayo ee amar-diido sameeyey, markaasuu ka tagay ciidamada,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu intaa ku daray, “Jaamac qoys kamuu dhiman ee qarankan Somaliland ayuu ka dhintay.”
Sidoo kale Mujaahid Muuse Biixi oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in isaga laftiisu uu
haysto waxyaabihii wanaagsanaa ee uu Marxuun Jaamac ummadda uga tagay.
Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Jaamac wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee isaga oo dirays sida oo xafiis fadhiya kitaab Qur’aan ah la soo baxay ee maalin walba meesha ku dhammeeya. Ilaahay ha u naxariistee laba tallaabo oo wanwanaagsan ayaan ku xasuustaa, wuxuu i baray in aan Qur’aanka dib u barto. Intii aannu is naqaanay oo dhan ninkaasi Jimce walaba Qur’aanka ayuu dhammayn jiray,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Mujaahid Cabdillaahi Askar, ayaa sheegay in Marxuun Jaamac uu ahaa nin if iyo aakhiraba u shaqaystay oo haddii taariikhi qiimo iyo macno leedahay ummaddan uga tagay taariikh waarta oo jiilal badani iska dhaxli doonaan.
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo isna erayo kooban halkaa, ayaa tilmaamay inay habboonaan lahayd inay aaskiisa ka soo qaybgalaan madaxda dalka ee kuraasta ay ku fadhiyaan uu keenay Marxuun Jaamac. “Waxaan is lahaa kuwa maanta dalka kuraastiisa ku fadhida ee uu isagu keenay ayaa aaskiisa ku badnaan doona, laakiin maqnaanshahoodu wuu i dhibay,” ayuu yidhi Dr. Gabboose.
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay dad fara badan oo isugu jiray saraarkiil ka tirsanayd ciidammadii SNM, masuuliyiin iyo eheladiisiiba, waxaanay dhammaantood ka warameen qiimihii, sharaftii iyo taariikhdii uu ummadda uga tagay, iyaga oo dhammaantood dadkaasi ka markhaati kacay wanaagii uu lahaa Alle ha u naxariistee Marxuun Jaamac Cali Cilmi.
Maqaal uu Mujaahid Axmed Mire ku sifaynayo shaqsiyaddii Marxuum Jaamac Cali Cilmi oo faahfaahsanna waxa uu u dhignaa sidan:
"Marka hore waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskii, carruurtii, qaraabadii iyo eheladii uu ka geeriyooday mujaahidkii weynaa JAAMAC CALI CILMI oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa 18kii March 2008, Ilaahay naxariistiisa ha ugu deeqo jannat al-firdowsna hoy ha uga dhigo. Mar labaadka waxaan tacsi u dirayaa dhammaan mujaahidiintii SNM meel kasta oo ay joogaan iyo dadweynaha Somaaliland oo uu ka baxay mujaahid aad u qiimo badani. Ilaahayna samir iyo iimaan ha innaga siiyo, isagana ha u denbi dhaafo jannadiisa ha ka waraabiyo. Aamiin….
Mujaahid Jaamac Cali wuxuu ahaa halyey ku sifoobay waddaninimo oo u banbaxay inuu dalkiisa iyo dadkiisa ka xoreeyo dulmigii, xassuuqii iyo quudhsigii ku habsaday xilligii dawlad ku sheeggii Siyaad Barre dalka ka talinaysay. Wuxuu ahaa mujaahid hawlkar ah oo xilqaad leh oo aad u xishmeeya sharciga iyo kala dambaynta oo ah midda keliya ee urur ama qaran ku jiri karo. Wuxuu ahaa nin xirfad sare u leh aqoota ciidamada hibana Eebbe u siiyey hoggaaminta. Wuxuu ahaa geesi go’aan leh oo ku hal-adag xaqa. Wuxuu ahaa hoggamiye dadku u simanyahay oo caddaalada jecel.
Marxuumka alle ha u naxariistee wuxuu ahaa shakhsi xishood badan, ahlu diin ah cibaado badan, quraan rug ah oo carrabkiisa laga nabad galo. Wuxuu ahaa nin farxad badan, samo talis ah oo dadka oo dhan wanaag la jecel. Waxa lugu xasuustaa maalintii ay SNM ugu adkayd ee ay taagneyd in hubka laga ururiyo kaalintii caddayd ee uu iska taagay ee ahayd geeri amma gobanimo.
Raggu maalinta adag ayuu kala baxaa maalintaa haddii aan isaga iyo mujaahidiinta kale aanay go’aankaa adag iyo nafhuriddaa u badheedhin manta Soomaliland ma jirteen. Waxa uu madax ka ahaa dugsigii ugu wynaa ee lagu tababari jiray mujaahidiinta oo tirada iyo tayada cududeed ee ururka kor u qaaday taasi oo dhiirrigelin iyo kalsooniba u noqotay in ururku u babac-dhigo ciidammadii dawladda Siyaad Barre.
Wuxuu nasiib u yeeshay inuu kaalin lama illaawaan ah ka qaato dhismaha, dagaalgelinta, qorshaynta iyo hoggaaminta ciidamada SNM, isaga oo ahaa xoghayihii Gashaandhigga ee ururka SNM xilligii gudagalka ee1988kii. Taariikhdu iyadaa is qorta, waxanse u sheegayaa dadka Somaliland waar dadka taariikhda leh ilaashada oo daryeela si taariikhdiinu u jirto mid masuul ah iyo ummad weynba. Wanaagga isu qira, ruux walba mudnaantiisa siiya, xaqa iyo dhismaha wadankiina u midooba oo geeridu yay noqon tan keliya ee idin kulmisa.”
Hadii aanu nahay Bahda Halganews waxaanu tacsi u diraynaa eheladii qaraabadii iyo dhamaan shacbiwaynaha uu ka geeriyooday Marxuumku anaga oo ilaahay uga baryayna in uu janadii fardawsa ka waraabiyo eheladiisii, qaraabadii iyo asaxaabtiisiina samir iyo iimaan ka siiyo Inaalilaahi wa inaa ilayhi Raajicuun
Diyaarintii Halganews, Fadlan wixii taariikh aad haysaan noogu soo dira
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
ama
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
.
|