|
|
a
|
Madaxweyne-ku-xigeenka Kulan Lagaga Hadlayey Abaaraha la Yeeshay Hay’adaha Samafalka |
|
Monday, 24 March 2008 |
|
äHargeysa (Halganews)- Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa kulan ballaadhan oo lagaga hadlayey xaaladda abaareed ee dalka la yeeshay hay’adaha samafalka caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ee Somaliland ku sugan.
Kulankan oo ka dhacay xarunta ka hortagga aafooyinka dabiiciga ah (NERAD) ee magaalada Hargeysa shalay, ayaa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin hadal kooban uu halkaa ka jeediyey waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay in la ogaado xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka iyo deegaanada abaaruhu la soo darseen, waxaannu ku wargeliyey masuuliyiinta in ilaa maanta qorsheyaashii loogu amba bixi lahaa goobahaas.
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu soo jeediyey in wixii biyo iyo aadb ah ee hadda la hayo si degdeg ah loola gaadho deegaamadaas, balse aanay u baahnayn in wada tashi dib u dhiga laga galo, waxaannu intaa ku daray in ay lama huraan tahay sidii tallaabo wax ku ool ah looga qaadi lahaa dhulkan abaaruhu la soo gudboonaadeen.
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu ku baaqay in loo baahan yahay la sameeyo qorshe lagu xidhayo biyaha qulqula ee dooxyadu sida tooska ah ugu daraan baddaha dalkeena.
Shirkan Madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayeen wasiirrada Beeraha, Deegaanka, Qoyska iyo Caafimaadka iyo shaqada, ayaa si qoto dheer loogaga wada hadlayey sidii gurmad looga gali lahaa xaaladda abaareed ee ku habsatay deegaano ka mid ah dhulka Somaliland.
AA.Sheekh, Hargeysa. |
|
|
 |
|
Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno.... |
|
Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo..... |
|
midi waa geesiyadaa oo marka cadawgu kula dagaalamayo nin-ba ninka uu ka qaalisan yahay ayuu abaaraa, Aadan Shiine iyo C/Qaadir Koosaar-na geesiyaal bay ahaayeen, waa ta labaad'e waa dagaal bilaw ah oo cusub, oo ku socda in la tirtiro taariikhda halgankii lagu xoreeyey dalkan, waa ta saddexaad'e waxa looga jeedaa fidmo laga abuuro dadka dhexdiisa, taas oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qaranimada Somaliland, anigu sidaasaan qabaa, waayo cidna umay qabsan SNM dilalkaasi, haddana iyadiibaa dib loogu soo celiyey markaa anigu ma garanayo waxa looga jeedo ee aan sidaa ahayn... |
|
Runa anaantii anoon sharax badan ka bixinayn Dr. C/sallaan Yaasiin oo ahaa mid ka mida halgamayaashii xiliga dheer u halgamayay in dadku mar uun baadilku ka tago C/salaan waa mid ka mida shantii nin ee fadhiday Miiskii lagaga dhawaaqay SNM 06.04.1981kii sida Sawirka sarena aad ku aragtaan C/sallaan waa ninka taagan ee hadlaya hadaba Dr. C/sallaan Yaasiin oo halgankii ka dib lamaqal in badan oo ay xaruntiisu tahay Dalka Saudi arebiya halkaas oo uu ku noolyahay Dr. C/sallaan ayaa hadaba tiriyay Tix la magac baxday Gees ka gees oo ka hadlaysa wakhtigii tagay iyo Wakhtagn Xaadirka ah ba isaga oo ereyadiisa ay ka mid yihiin... |
|
Kudhawaaqista madaxbanaanida Somaliland waxa ay kadambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulayastay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare kadib markii uu halgan dheer u soo galay,waxaanu ururkii S.N.M lsmarkiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Somaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland.... |
|
Waxa kale oo Ciidanka SNM hawlgal ku qaadeen 29kii May 1988 Xerada Cadaadley oo sagaashan (90km) dhinaca Bari ka xigta Hargeysa. Hawlgalada Ciidamada SNM ee Hargeysa wuxu ahaa gulufkii dagaal ee taariikhda SNM ugu muddada dheeraa, dagaalkii Mujaahidiintii SNM oo 2:00 duhurnimo ee 31kii May 1988 ay ka soo dhaqaaqeen Tuulada Bali-Samatar oo waxyar u jirta xuduudda, waxay duhur cad iyaga oo saaran Kolanyo Baabuur ah ku soo jiidheen Ciidamaddii qaybta 26aad ee loogu talogalay Difaaca Magaalada ee Teedsanaa inta u dhexaysa Xuduudda iyo Magaalada iyada oo Kolonyaddii Ciidanka ay ka war heleen Diyaaradihii Sahanka Cadowga oo Markii Ciidamada SNM xuduudda ka soo gudbeen dul marayay |
|
Cabdiraxmaan Tuur oo labaatan sannadood Safiir ahaa, labaatan kale oo xigayna jabhad iyo hoggaamiye ahaa iyo geel-dhaqasho halkee ayay iska soo galaan. Waa habeen aanu booqasho iyo kormeer ku maraynay tuulooyinka xuduudda ku taxan ee gobollada bari. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee SNM. Waxaanu la soconnay wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SNM. Yicib-yabooh ayaanu goor fiid ah ku soo hoyannay. Garo� oo Cabdiraxmaan ayaa marti loogu ahaa Yicib-yabooh. Kollay habeenkaa qarbe-qarbe ayuu xaalku iska ahaayoo, sabaayad ayaanu ku cashaynay. Cadihii iyo sooryadii maalintii xigtay ayay is-raaceen. |
|
Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray?... |
|
Waxa ay iigu darnayd anigoo u madax ah ciidankii 11aad ee deggenaa xeebta Bula-Xaar iyo Boolay anagoo tiradayadu ay ahayd 150 nin oo naftood hurayaal ah oo aanwaxba cunin 4 caano maal oo ah 2 habeen iyo 2 maalmood ayaa nala ogaaday oo nala soo weeraray. Waxa na soo weeraray ciidan aan ku qiyaasay 500 nin iyo Tignikadoodii. Markii aanu ka warhelnay in weerarku nagu soo maqanyahay ayaan fayliyay ciidankii dabadeed waxaan idhi, “Waa dalkeenii iyo dadkeenii waynu u dhimanaynaa ee difaaca”. Ninka ugu badani 50 midh oo rasaas ah ayuu sitaa, waxaan ku wargeliyay,oo ku idhi, “Rasaastii iyo cuntadiiba cadawga ayaa inoo sida ee sidaa ku ogaada”..... |
|
|
|