|
Shir-jaraa’id oo uu Dr. Maxamed Cabdillaahi ku qabtay shalay magaalada Hargeysa waxa uu faahfaahin kaga bixiyey ujeeddada socdaalkiisa iyo arrimo dhawr ah oo ku saabsan aragtidiisa ku wajahan geeddi-socodka dumuqraadiyadda, mooshin ku saabsan saxaafadda oo xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada iyo qadiyadda ururka QARAN.
Hargeysa (Halganews)- Xeel-dheere faaqida arrimaha Geeska Afrika oo lagu magacaabo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ah aqoonyahan reer Somaliland oo wax ka dhiga Jaamacadda London University ee dalka Ingiriiska, ayaa ka xog-warramay aragtidiisa ku wajahan xaaladda uu xilligan ku sugan yahay dalka Jamhuuriyadda.
Shir-jaraa’id oo uu Dr. Maxamed Cabdillaahi ku qabtay shalay magaalada Hargeysa waxa uu faahfaahin kaga bixiyey ujeeddada socdaalkiisa iyo arrimo dhawr ah oo ku saabsan aragtidiisa ku wajahan geeddi-socodka dumuqraadiyadda, mooshin ku saabsan saxaafadda oo xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada iyo qadiyadda ururka QARAN.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo uu socdaalkiisa ku wehelinayaan koox khubaro ah oo isugu jira ajanabi iyo kuwo reer Somaliland ahi, waxa xusay in socdaalkoodu ku qotomo u kuurgelidda horumarka dhinaca dumuqraadiyadda ee Somaliland.
Ugu horreyn isaga oo faahfaahin ka bixinaya ujeedada safarkooda iyo waxa u qorshaysan waxa uu yidhi; "Waxaan dalka imi shalay (doraad), waxaanuna wada soconay koox reer Somaliland ah iyo koox kale oo ajanabi ah, ujeedada socdaalkayagu waxa weeye in aannu u kuurgalno, indho indhayn ku samayno nidaamka dimuqraadiyadaynta ee ka socda Somaliland iyo arrimaha kale ee horumarinta mujtamaca haddii ay noqon lahayd dhinaca bulshada, dhaqaalaha iyo nidaamyada siyaasadeed ee dalka ka socdaba. Markaa ujeedada socdaalkayagu wuxuun bay ahayd in aannu u kuurgalno horumarka dalka iyo sidii aannu afkaar aannu ku caawinayno uga dhiiban lahayn barmaamujyadaa socda."
Intaa kadib su’aalihii suxufiyiintii shirkaa jaraa’id ka qaybgalay ay waydiiyeen Dr. Maxamed Cabdillaahi iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:
S: Kooxda ajaanibka ah ee kugu wehelinaysa socdaalkaaga xaggee ayey ka socdaan?
J: Waxa jirta qolo ka socota dalka Sweden oo ka tirsan qaar ka mid ah axsaabta siyaasaddda ee dalkaas oo doonaya inay arrimahan wax ka ogaadaan, inta kale waa muwaadiniin reer Somaliland ah oo qurbaha ku nool.
S: Dr. Maxamed, waxa jira xeer saxaafadda lagu xakamaynayo oo ay xukuumaddu soo diyaarisay, iminkana horyaala Baarlamanka si ay u ansixiyaan, maadaama aad u socotaan hawlaha dimuqraadiyadda oo arrintaasina tahay mid ka horimanaysa, anjandaha ma idiinku jirtaa in aad Madaxweynaha kala hadashaan?
J: Arrintan ku saabsan qaynuunka saxaafadda in badan baa qolooyinka qurba-jooga ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqal insaanka ama barmaamujyada dimuqraadiyadaynta ay ka hadleen, aniga laftaydu waan ka hadlay dhawr jeer oo hor, waxaanay ka mid tahay arrimaha aannu doonayno intaanu halkan joogno in aannu kala hadalno masuuliyiin dalka ka tirsan. Anigu shakhsiyan waxaan u arkaa, horta dalku hore wuxuu u lahaa qaynuun saxaafaddeed oo hore u jiray oo baarlamaanku ansixiyey, markaa iyada oo aanay caddayn baahi ku saabsan in loo baahan yahay qaynuun kale, waxay arrintaasi noqonaysaa mid cusub oo u baahan in dib loogu noqdo. Haddii sharciga la beddelayo waa inay cadaataa kii hore godoloolooyinka uu yeeshay iyo baahida loo qabo, taasina weli ma cadda. Markaa qaynuunkan cusub wuxuu u muuqdaa inuu yaraynayo xorriyadda saxaafadda iyo xorriyatul qoylka dalka Somaliland.
Arrintaa waxaannu u aragnaa mid ka horimanaysa barmaamujka dimuqraadiyadaynta Somaliland, waxaannuna rajaynaynaa in arrintaasi dib looga fiirsado, baahi loo qabo qaynuun saxaafadda xadeeya in loo baahan yahay ma arko anigu shakhsiyan, waana arrin aannu hore ugala hadalnay mudanayaal Baarlamanka Somaliland ka tirsan oo Ingiriiska noogu yimi.
S: Indho indhaynta iyo u kuurgelidda aad dimuqraadiyadda Somaliland ku samaynaysaan heerka ay marayso, wixii aad kala kulantaan ee dib-u-dhac ama horumar ah xaggee ayaad kula noqonaysaan?
J: Barmaamujka dimuqraadiyadda ee Somaliland waa iskaashi dhexmaray hay’addaha dawladda Somaliland ka kooban tahay iyo hay’addo caalami ah oo fara badan. Markaa waa mid laga wada qaybgelayo ee maaha mid u gaar ah Somaliland. Waxyaabaha nooga soo baxa daraasadahaas waa kuwo aannu la wadaagayno haddii ay noqon lahayd, Golaha Baarlamaaka Somaliland, ha noqoto xukuumadda, ha noqoto axsaabta qaranka iyo hay’addaha ajanabiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Somaliland. Tusaale ahaan hay’adda Midawga Yurub [EU-da], waaa hay’ad ka mid ah kuwa mucaawinooyinka iyo farsamda siisa barmaamujka dimuqraadiyadaynta Somaliland, Dawalahadaha Ingiriiska iyo Maraykanku waxay ka mid yihin dawladaha ka shaqeeya barmaamujka dimuqraadiyadaynta Somaliland sidii uu u najixi lahaa, waddamo kale oo muhiim ah baa jira oo u baahan in wararka la wadaago. Markaa wararka aannu halkan ka helaynaa waa kuwo la tali ah oo dhinacyada iska kaashanaya arrintan aannu siin doono, laakiin annagu ma lihin awood aannu ku fulinayno ama aannu amar ku fulinayno, balse waxaannu leenahay saameyn aannu ku samayn karno kooxaha siyaasadeed ee Somaliland iyo kuwa saaxiibka la ah Somaliland.
Dimuqraadiyadaynta Somaliland waxay ku kooban tahay sida aniga ay iigu muuqato nidaam lagu qaybsado talada dalka, laakiin Somaliland weli umay gudbin inay dimuqraadiyadda ku dhaqanto heerarkeeda kala gedisan, matalan waxa dalka ka dhacay doorashooyin kuwo kalena iminka ayey soo socdaan, waa tallaabooyin wanaagsan oo horumar ah, laakiin dimuqraadiyaddu waa inay intaa ka sii daadegtaa, dimuqraadiyaddu waa tallo wadaag, in xukuumadda, Baarlamaanka iyo axsaabtu ay wada shaqeeyaan, in ururrada bulshada lala shaqeeyo.
S: Madaxweynaha Somaliland waxa uu magacaabay gobolo iyo degmooyin cusub, arrintaasi sidee ayaad u aragtaa, dimuqraadiyadda wax dhibaato ah ma gaadhsiinaysaa?
J: Horta markii dalka aan imi warkii ugu horreeyey ee aan maqlay wuxuu ahaa in Madaweynuhu uu soo saaray go’aan lagu kordhinayo gobollada dalka. Anigu waxaan ogaa iyadoo xeerkii kordhinta iyo kala xadayntu aannu weli dhammaan, markaa arrintan cusub ee Madaweynuhu ka soo dabatuuray waxay aniga iila muuqataa mid cusub oo aan la garanayn halka ay kaga beegmayso, waayo weli waxaan dhammaan kala xaddayntii lixdii gobol ee hore u jiray halkay ku kala joogaan, markaa in lix gobol oo kale maanta ku soo kordhaan iyadoon tii hore la xallin waxaan u arkaa inay tahay arrin cusub oo kedis ku ah dalka, una baahan in aad looga fiirsado. Waa arrin keeni karta haddii aan laga fiirsan xasilooni darro.
S: Sidee ayaad u aragtaa furashada ururro siyaasadeedyo ka qaybgala tartanada doorashooyinka, sida QARAN oo xukuumaddu xaaraantinimaysay oo iyaguna ku dacwoonaya inay xaq u leeyihiin ka qaybgalka siyaasadda?
J: Horta anigu shakhsiyan waxaan u arkaa in la fududeeyo oo loo furo ka qaybgalka siyaasadda ee Somaliland. Qofka kasta oo reer Somaliland ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto ama isagaba la doorto, arrintaasi oo ah xuquuq uu distoorku u ogol yahay. Markaa waxaan qabaa inuu ka qaybgalka siyaasaddu uu noqdo mid furan oo xor ah, laakiinse waxa jira qaynuun iyo sharciyo kale oo loo baahan yahay in lagu dhaqmo, markaa uma dhuun-daloolo sharciyadaasi sida ay yihiin, laakiin waxaan fikriyan aan qabaa in ka qaybgalka siyaasaddu uu noqdo mid aan xaddaysnayn, balse ballaadhan oo furan.
Waxa jira dhalliilo fara badan oo barmaamujka dimuqraadiyadda Somaliland u baahan yahay inuu ka gudbo oo rag badani ay ka hadleen, sida rag ku jira Guriga odayaasha ee boqortooyada Ingiriiska, waxay aad uga hadleen dad fara badan oo loo xidhay arrimo la xidhiidhay afkaarta ay aaminsan yihiin ee siyaasadeed iyo qolo ka tirsanayd saxaafadda oo muddo xidhnayd, arrintaasi waxay bar madaw ku noqotay barmaamujka aqoonsi doonka ee Somaliland, khaasatan marka la eego dalka Ingiriiska.
S: Waxaad sheegtay in aad horumarka dalka u kuurgalaysaan, ma jiraan barmaamujyo gaar ah oo aad tixgelin siinaysaan?
J: Ma jiro barmaamuj gaar ah oo noo astaysani runtii, laakiin waxaannu rajaynaynaa oo kuwa aannu xiisaynayno ka mid ah, matalan dalka waxa ku soo fool leh doorashooyin siyaasadeed, waxa jira barmaamujkii aqoonsi doonka Somaliland oo arrimo fara badan iminka ku soo biireen, markaa waxyaabahaa ayaa ka mid ah arrimaha aannu doonayno si gaar ah in aannu talo uga bixino sidii loo kobcin lahaa oo aannu wada hadal kala yeelan lahayn masuuliyiinta dalka iyo hay’addaha maxalliga ah ee shacabka Somaliland leeyihiin.
AA.Sheekh, Hargeysa. |