Calanka Somaliland
 
Sl-radio
Radiyow Horyaal
Radiyow Hargeisa
Bbc Somalilga
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
Radio-shabelle
Codka Somaliland
Radiohormuud
Radiogolis
Radiowaaberi
Radio-Waaheen
S-land-links
Aftahan.com
AwdalNews
Caynabo
Hadhwanaagnews
Hoyga-suugaanta
Hargaysanews
Hargeysa.org
Haatuf
Jamhuuriya
Qarannews.com
Radio-Somaliland
Redsea-Online
Somalilandforum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland-center
Somalilandfuture
Sl-Democracy-Watch
Sooyaal.com
Saaxil-net
Tvsomalilandeurope
Somaliland-Today
Togdheer-Online
Togdheersports
Sanaag-Web
Somaliland-talk
Golis-News
Somaliland-Edu
somalilandnews.info
Somaliradio
Radiyow-Garoowe
Radiyow-SBS
Radiyow-S-Sweden
Radiyow-Copenhag
Radiyow-Warsan
Radiyow-Banadir
Radiyow-Xoriyo
Radiyow&Tv-Jabuuti
Radiyow-Qaran
Radiyow-Dalmar
Radiyow-Sagal
Radiyow-Som(USA)
Rstvonline.com
Xisbiyo/ngo
Academy 4 P & Dev
IPR-Institute
Qurbaawi-journal
Systo.org
S-Pictures/Ahmed
S-Chamberofco
Taste Of Africa
Ururka-Sirag
Xisbiga-Kulmiye
Xisbiga-Udub
Xisbiga-Ucid
Ganacsilinks
Ambassador-Hotel
Dahabshiil-Company
Daallo-Airline
Damal-Airline
Maansoor-Hotel
Star-Africanair
Burao-cityplaza
Login Form





Lost Password?
No account yet? Register
 
Mujaahidka Todobaadka: Muj:Jaamac Cali Cilmi

Mujaahid_jaamac_Cali_Cimi_yar- 4.jpgMarxuun Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed ee Caanka ka ah Ciidamada dhex-dooda, sababaha ugu mihiimsan ee uu caanka ku ahaan waxa ka mid ahaa aqoontiisa tacliimeed oo aad u saraysay, isagoo leh aqoon iyo astaamo hogaamineed oo hufan (Leadership qualifications), Asluub iyo hab-dhaqan aad u wanaagsan. Marxuumka Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii sida xun loogu cadaadiyey hab-dhaqankii caanka ahaa ee dawladdii keli-taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee la odhan jirey Kacaan-diidka, taasoo aakhirkii sababtey inuu ka ruqsaysto Ciidamada

 
a
Xeel-dheere Faaqida Arrimaha Geeska Afrika oo ka Xog-warramay Xaaladda Somaliland
Monday, 24 March 2008

Calanka Somaliland.JPGShir-jaraa’id oo uu Dr. Maxamed Cabdillaahi ku qabtay shalay magaalada Hargeysa waxa uu faahfaahin kaga bixiyey ujeeddada socdaalkiisa iyo arrimo dhawr ah oo ku saabsan aragtidiisa ku wajahan geeddi-socodka dumuqraadiyadda, mooshin ku saabsan saxaafadda oo xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada iyo qadiyadda ururka QARAN.

 

Hargeysa (Halganews)- Xeel-dheere faaqida arrimaha Geeska Afrika oo lagu magacaabo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ah aqoonyahan reer Somaliland oo wax ka dhiga Jaamacadda London University ee dalka Ingiriiska, ayaa ka xog-warramay aragtidiisa ku wajahan xaaladda uu xilligan ku sugan yahay dalka Jamhuuriyadda.

Shir-jaraa’id oo uu Dr. Maxamed Cabdillaahi ku qabtay shalay magaalada Hargeysa waxa uu faahfaahin kaga bixiyey ujeeddada socdaalkiisa iyo arrimo dhawr ah oo ku saabsan aragtidiisa ku wajahan geeddi-socodka dumuqraadiyadda, mooshin ku saabsan saxaafadda oo xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada iyo qadiyadda ururka QARAN.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo uu socdaalkiisa ku wehelinayaan koox khubaro ah oo isugu jira ajanabi iyo kuwo reer Somaliland ahi, waxa xusay in socdaalkoodu ku qotomo u kuurgelidda horumarka dhinaca dumuqraadiyadda ee Somaliland.

Ugu horreyn isaga oo faahfaahin ka bixinaya ujeedada safarkooda iyo waxa u qorshaysan waxa uu yidhi; "Waxaan dalka imi shalay (doraad), waxaanuna wada soconay koox reer Somaliland ah iyo koox kale oo ajanabi ah, ujeedada socdaalkayagu waxa weeye in aannu u kuurgalno, indho indhayn ku samayno nidaamka dimuqraadiyadaynta ee ka socda Somaliland iyo arrimaha kale ee horumarinta mujtamaca haddii ay noqon lahayd dhinaca bulshada, dhaqaalaha iyo nidaamyada siyaasadeed ee dalka ka socdaba. Markaa ujeedada socdaalkayagu wuxuun bay ahayd in aannu u kuurgalno horumarka dalka iyo sidii aannu afkaar aannu ku caawinayno uga dhiiban lahayn barmaamujyadaa socda."

Intaa kadib su’aalihii suxufiyiintii shirkaa jaraa’id ka qaybgalay ay waydiiyeen Dr. Maxamed Cabdillaahi iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

S: Kooxda ajaanibka ah ee kugu wehelinaysa socdaalkaaga xaggee ayey ka socdaan?

J: Waxa jirta qolo ka socota dalka Sweden oo ka tirsan qaar ka mid ah axsaabta siyaasaddda ee dalkaas oo doonaya inay arrimahan wax ka ogaadaan, inta kale waa muwaadiniin reer Somaliland ah oo qurbaha ku nool.

S: Dr. Maxamed, waxa jira xeer saxaafadda lagu xakamaynayo oo ay xukuumaddu soo diyaarisay, iminkana horyaala Baarlamanka si ay u ansixiyaan, maadaama aad u socotaan hawlaha dimuqraadiyadda oo arrintaasina tahay mid ka horimanaysa, anjandaha ma idiinku jirtaa in aad Madaxweynaha kala hadashaan?

J: Arrintan ku saabsan qaynuunka saxaafadda in badan baa qolooyinka qurba-jooga ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqal insaanka ama barmaamujyada dimuqraadiyadaynta ay ka hadleen, aniga laftaydu waan ka hadlay dhawr jeer oo hor, waxaanay ka mid tahay arrimaha aannu doonayno intaanu halkan joogno in aannu kala hadalno masuuliyiin dalka ka tirsan. Anigu shakhsiyan waxaan u arkaa, horta dalku hore wuxuu u lahaa qaynuun saxaafaddeed oo hore u jiray oo baarlamaanku ansixiyey, markaa iyada oo aanay caddayn baahi ku saabsan in loo baahan yahay qaynuun kale, waxay arrintaasi noqonaysaa mid cusub oo u baahan in dib loogu noqdo. Haddii sharciga la beddelayo waa inay cadaataa kii hore godoloolooyinka uu yeeshay iyo baahida loo qabo, taasina weli ma cadda. Markaa qaynuunkan cusub wuxuu u muuqdaa inuu yaraynayo xorriyadda saxaafadda iyo xorriyatul qoylka dalka Somaliland.

Arrintaa waxaannu u aragnaa mid ka horimanaysa barmaamujka dimuqraadiyadaynta Somaliland, waxaannuna rajaynaynaa in arrintaasi dib looga fiirsado, baahi loo qabo qaynuun saxaafadda xadeeya in loo baahan yahay ma arko anigu shakhsiyan, waana arrin aannu hore ugala hadalnay mudanayaal Baarlamanka Somaliland ka tirsan oo Ingiriiska noogu yimi.

S: Indho indhaynta iyo u kuurgelidda aad dimuqraadiyadda Somaliland ku samaynaysaan heerka ay marayso, wixii aad kala kulantaan ee dib-u-dhac ama horumar ah xaggee ayaad kula noqonaysaan?

J: Barmaamujka dimuqraadiyadda ee Somaliland waa iskaashi dhexmaray hay’addaha dawladda Somaliland ka kooban tahay iyo hay’addo caalami ah oo fara badan. Markaa waa mid laga wada qaybgelayo ee maaha mid u gaar ah Somaliland. Waxyaabaha nooga soo baxa daraasadahaas waa kuwo aannu la wadaagayno haddii ay noqon lahayd, Golaha Baarlamaaka Somaliland, ha noqoto xukuumadda, ha noqoto axsaabta qaranka iyo hay’addaha ajanabiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Somaliland. Tusaale ahaan hay’adda Midawga Yurub [EU-da], waaa hay’ad ka mid ah kuwa mucaawinooyinka iyo farsamda siisa barmaamujka dimuqraadiyadaynta Somaliland, Dawalahadaha Ingiriiska iyo Maraykanku waxay ka mid yihin dawladaha ka shaqeeya barmaamujka dimuqraadiyadaynta Somaliland sidii uu u najixi lahaa, waddamo kale oo muhiim ah baa jira oo u baahan in wararka la wadaago. Markaa wararka aannu halkan ka helaynaa waa kuwo la tali ah oo dhinacyada iska kaashanaya arrintan aannu siin doono, laakiin annagu ma lihin awood aannu ku fulinayno ama aannu amar ku fulinayno, balse waxaannu leenahay saameyn aannu ku samayn karno kooxaha siyaasadeed ee Somaliland iyo kuwa saaxiibka la ah Somaliland.

Dimuqraadiyadaynta Somaliland waxay ku kooban tahay sida aniga ay iigu muuqato nidaam lagu qaybsado talada dalka, laakiin Somaliland weli umay gudbin inay dimuqraadiyadda ku dhaqanto heerarkeeda kala gedisan, matalan waxa dalka ka dhacay doorashooyin kuwo kalena iminka ayey soo socdaan, waa tallaabooyin wanaagsan oo horumar ah, laakiin dimuqraadiyaddu waa inay intaa ka sii daadegtaa, dimuqraadiyaddu waa tallo wadaag, in xukuumadda, Baarlamaanka iyo axsaabtu ay wada shaqeeyaan, in ururrada bulshada lala shaqeeyo.

S: Madaxweynaha Somaliland waxa uu magacaabay gobolo iyo degmooyin cusub, arrintaasi sidee ayaad u aragtaa, dimuqraadiyadda wax dhibaato ah ma gaadhsiinaysaa?

J: Horta markii dalka aan imi warkii ugu horreeyey ee aan maqlay wuxuu ahaa in Madaweynuhu uu soo saaray go’aan lagu kordhinayo gobollada dalka. Anigu waxaan ogaa iyadoo xeerkii kordhinta iyo kala xadayntu aannu weli dhammaan, markaa arrintan cusub ee Madaweynuhu ka soo dabatuuray waxay aniga iila muuqataa mid cusub oo aan la garanayn halka ay kaga beegmayso, waayo weli waxaan dhammaan kala xaddayntii lixdii gobol ee hore u jiray halkay ku kala joogaan, markaa in lix gobol oo kale maanta ku soo kordhaan iyadoon tii hore la xallin waxaan u arkaa inay tahay arrin cusub oo kedis ku ah dalka, una baahan in aad looga fiirsado. Waa arrin keeni karta haddii aan laga fiirsan xasilooni darro.

S: Sidee ayaad u aragtaa furashada ururro siyaasadeedyo ka qaybgala tartanada doorashooyinka, sida QARAN oo xukuumaddu xaaraantinimaysay oo iyaguna ku dacwoonaya inay xaq u leeyihiin ka qaybgalka siyaasadda?

J: Horta anigu shakhsiyan waxaan u arkaa in la fududeeyo oo loo furo ka qaybgalka siyaasadda ee Somaliland. Qofka kasta oo reer Somaliland ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto ama isagaba la doorto, arrintaasi oo ah xuquuq uu distoorku u ogol yahay. Markaa waxaan qabaa inuu ka qaybgalka siyaasaddu uu noqdo mid furan oo xor ah, laakiinse waxa jira qaynuun iyo sharciyo kale oo loo baahan yahay in lagu dhaqmo, markaa uma dhuun-daloolo sharciyadaasi sida ay yihiin, laakiin waxaan fikriyan aan qabaa in ka qaybgalka siyaasaddu uu noqdo mid aan xaddaysnayn, balse ballaadhan oo furan.

Waxa jira dhalliilo fara badan oo barmaamujka dimuqraadiyadda Somaliland u baahan yahay inuu ka gudbo oo rag badani ay ka hadleen, sida rag ku jira Guriga odayaasha ee boqortooyada Ingiriiska, waxay aad uga hadleen dad fara badan oo loo xidhay arrimo la xidhiidhay afkaarta ay aaminsan yihiin ee siyaasadeed iyo qolo ka tirsanayd saxaafadda oo muddo xidhnayd, arrintaasi waxay bar madaw ku noqotay barmaamujka aqoonsi doonka ee Somaliland, khaasatan marka la eego dalka Ingiriiska.

S: Waxaad sheegtay in aad horumarka dalka u kuurgalaysaan, ma jiraan barmaamujyo gaar ah oo aad tixgelin siinaysaan?

J: Ma jiro barmaamuj gaar ah oo noo astaysani runtii, laakiin waxaannu rajaynaynaa oo kuwa aannu xiisaynayno ka mid ah, matalan dalka waxa ku soo fool leh doorashooyin siyaasadeed, waxa jira barmaamujkii aqoonsi doonka Somaliland oo arrimo fara badan iminka ku soo biireen, markaa waxyaabahaa ayaa ka mid ah arrimaha aannu doonayno si gaar ah in aannu talo uga bixino sidii loo kobcin lahaa oo aannu wada hadal kala yeelan lahayn masuuliyiinta dalka iyo hay’addaha maxalliga ah ee shacabka Somaliland leeyihiin.

AA.Sheekh, Hargeysa.

 
< Prev   Next >

.

Sh adan siiro.jpgHalganews iyo Qudbadaha jimcaha ee Masaajidka Xawaadle qudbadahan oo taxane joogta  ah jimce walba  halkan ka dhagayso Qudbadii Jimcahan 29.02.2008 iyo Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadan siiro)

 
Qoraalkan riix si aad u hesho ama aad u dhagaysato Qudbadihii Hore ee Sheekh Aadan Siiro

 

Hawl Galkii Badbaado ee lagu furtay Jeelka Mandheera 3/1/1983kii

Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno....

 
Hawl-galkii Birjeex Ee lagula Baxay Col.C/lahi Askar

Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo.....

 
Labadaa dil midkood gacan ku dhiiglaha isagu geystey waxa laga raafey Cali-Xaydh

midi waa geesiyadaa oo marka cadawgu kula dagaalamayo nin-ba ninka uu ka qaalisan yahay ayuu abaaraa, Aadan Shiine iyo C/Qaadir Koosaar-na geesiyaal bay ahaayeen, waa ta labaad'e waa dagaal bilaw ah oo cusub, oo ku socda in la tirtiro taariikhda halgankii lagu xoreeyey dalkan, waa ta saddexaad'e waxa looga jeedaa fidmo laga abuuro dadka dhexdiisa, taas oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qaranimada Somaliland, anigu sidaasaan qabaa, waayo cidna umay qabsan SNM dilalkaasi, haddana iyadiibaa dib loogu soo celiyey markaa anigu ma garanayo waxa looga jeedo ee aan sidaa ahayn...

 
Gabay Gees ka gees Mujaahid Dr. Cabdi Salam Yasiin ayaa tiriyay waaba gabay Khuseeya Halganka

Runa anaantii anoon sharax badan ka bixinayn Dr. C/sallaan Yaasiin oo ahaa mid ka mida halgamayaashii xiliga dheer u halgamayay  in dadku mar uun baadilku ka tago C/salaan waa mid ka mida shantii nin ee fadhiday Miiskii lagaga dhawaaqay SNM 06.04.1981kii sida Sawirka sarena aad ku aragtaan C/sallaan waa ninka taagan  ee hadlaya hadaba Dr. C/sallaan Yaasiin oo halgankii ka dib lamaqal in badan oo ay xaruntiisu tahay Dalka Saudi arebiya halkaas oo uu ku noolyahay Dr. C/sallaan ayaa hadaba tiriyay Tix la magac baxday Gees ka gees oo ka hadlaysa wakhtigii tagay iyo Wakhtagn Xaadirka ah ba isaga oo ereyadiisa ay ka mid yihiin...

 
Sannad guuradii 14-aad ka soo wareegaty Qaranimada Somaliland

Kudhawaaqista madaxbanaanida Somaliland waxa ay kadambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulayastay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare kadib markii uu halgan dheer u soo galay,waxaanu ururkii S.N.M lsmarkiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Somaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland....

 
31 May Maalin Kulansatay saddex munaasibadood oo Taariikhi ah Faysal Cali Sheekh, Jamhuuriya

Waxa kale oo Ciidanka SNM hawlgal ku qaadeen 29kii May 1988 Xerada Cadaadley oo sagaashan (90km) dhinaca Bari ka xigta Hargeysa. Hawlgalada Ciidamada SNM ee Hargeysa wuxu ahaa gulufkii dagaal ee taariikhda SNM ugu muddada dheeraa, dagaalkii Mujaahidiintii SNM oo 2:00 duhurnimo ee 31kii May 1988 ay ka soo dhaqaaqeen Tuulada Bali-Samatar oo waxyar u jirta xuduudda, waxay duhur cad iyaga oo saaran Kolanyo Baabuur ah ku soo jiidheen Ciidamaddii qaybta 26aad ee loogu talogalay Difaaca Magaalada ee Teedsanaa inta u dhexaysa Xuduudda iyo Magaalada iyada oo Kolonyaddii Ciidanka ay ka war heleen Diyaaradihii Sahanka Cadowga oo Markii Ciidamada SNM xuduudda ka soo gudbeen dul marayay

 
Baroor-diiq Geeridii Abdirahmaan Ahmed Ali iyo Halgankii SNMta. Hargeysa...November 15th '03...SNN

Cabdiraxmaan Tuur oo labaatan sannadood Safiir ahaa, labaatan kale oo xigayna jabhad iyo hoggaamiye ahaa iyo geel-dhaqasho halkee ayay iska soo galaan. Waa habeen aanu booqasho iyo kormeer ku maraynay tuulooyinka xuduudda ku taxan ee gobollada bari. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee SNM. Waxaanu la soconnay wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SNM. Yicib-yabooh ayaanu goor fiid ah ku soo hoyannay. Garo� oo Cabdiraxmaan ayaa marti loogu ahaa Yicib-yabooh. Kollay habeenkaa qarbe-qarbe ayuu xaalku iska ahaayoo, sabaayad ayaanu ku cashaynay. Cadihii iyo sooryadii maalintii xigtay ayay is-raaceen.

 
HALACSIGA MAALIN-QORKA: HESHIISKII SIYAAD BARRE & MENGISTU XAYLE MARIAM EE 1988kii

Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray?...

 
Goormay Kuugu darnayd!? waxaa ka sheekaynaya Mujaahid Haybe Axmed Gure (Haybe-Laambad)

Waxa ay iigu darnayd anigoo u madax ah ciidankii 11aad ee deggenaa xeebta Bula-Xaar iyo Boolay anagoo tiradayadu ay ahayd 150 nin oo naftood hurayaal ah oo aanwaxba cunin 4 caano maal oo ah 2 habeen iyo 2 maalmood ayaa nala ogaaday oo nala soo weeraray. Waxa na soo weeraray ciidan aan ku qiyaasay 500 nin iyo Tignikadoodii. Markii aanu ka warhelnay in weerarku nagu soo maqanyahay ayaan fayliyay ciidankii dabadeed waxaan idhi, “Waa dalkeenii iyo dadkeenii waynu u dhimanaynaa ee difaaca”. Ninka ugu badani 50 midh oo rasaas ah ayuu sitaa, waxaan ku wargeliyay,oo ku idhi, “Rasaastii iyo cuntadiiba cadawga ayaa inoo sida ee sidaa ku ogaada”.....

 
  @copyright (C) 2003 - 2007 Halganews