|
Hargeysa (Halganews)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Md. Sh. Maxamuud Suufi Muxumed, ayaa shalay xadhigga ka jaray masjidkii ugu quruxdaa ee laga dhiso caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Masaajidkan quruxda badan oo uu dhismihiisa fuliyey muwaadin dhallinyaro ah reer Somaliland oo lagu magacaabo Cabdicasiis Cumar Cismaan oo ku yaal xaafadda Jigjiga-yar ee magaalada Hargeysa, waxa uu ka kooban dhisme laba dabaq ah oo u dhisan hab casri ah, waxana ku baxday lacag lagu qiyaasay ilaa $400 kun oo doollarka Maraykanka ah.
Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey furitaankii masjidka cusub ayaa waxa qaybgalay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Diinta iyo Awqaafta, Badhasaabka Gobolka Hargeysa, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, ganacsato, aqoonyahanno, culimaa’udiin tiro badan iyo dadweyne kale oo fara badan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamed Cali oo hadal kooban ka jeediyey xafladdii furitaanka masjidka cusub, ayaa sheegay inuu masjidkani kii 334aad ee ku yaal caasimadda Hargeysa, taas oo uu tilmaamay inay marag u tahay sida bulshada reer Somaliland ugu baraarugeen diinta islaamka iyo Alle caabudka. Sidaa darteed, waxa uu dadweynaha xaafadda ugu baaqay inay soo camiraan masjidka oo ay ku gutaan cibaadada loogu dhisay.
"Mucjso ayaan u arkaa in wiil dhallinyaro ahi uu diinta islaamka u hanneeyo dhismaha masaajid ay ku baxday $400 kun oo dollar, waayo muwaadinka masjidkan dhisay waxa uu ku jiraa cahdigii shabaabnimada ee loogu xarragada iyo quruxda badnaa." Sidaa waxa yidhi Xuseen Cabdi Caamir oo ku hadlayey magaca odayaasha xaafadda masjidka laga dhisay, waxaannu sheegay in bogcadda masjidka laga bineeyo ay dadweynaha xaafaddu masaajid u qoondeeyeen 1977kii oo hadda laga joogo 31 sannadood, intaasna ay wadajir u ilaalinayeen. Waxaannu si weyn ugu mahadnaqay muwaadinka fuliyey dhismaha masjidka.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Md. Sh. Maxamuud Suufi Muxumed oo isagu xadhigga ka jaray masjidka cusub, ayaa si faahfaahsan uga warramay ajarka iyo xasanaadka uu leeyahay qofka dhisa masaajid, sidaa awgeed waxa uu mahadnaq iyo ammaan u soo jeediyey Cabdicasiis Cumar Cismaan oo ah muwaadinka fuliyey dhismaha masaajidka cusub oo la sheegay inuu yahay kii ugu quruxda badnaa ee laga dhiso caasimadda Hargeysa, sida ay isku raaceen culimada waaweyn ee Somaliland.
Waxa kale oo iyaguna munaasibaddaa ka hadlay culimaa’udiin ay ka mid yihiin Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir, Sh. Aadan X. Xiiray (Siiro), Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg) iyo Sh. Maaxamed Aadan Cadhoole, kuwaas oo dhammaantood si qoto dheer sharraxaad uga bixiyey fadliga iyo ajarka uu xagga Ilaahay ku leeyahay qofka masaajid dhisa iyo kaalinta masaajidadu kaga jiraan diinta Islaamka, waxaanay ammaan u soo jeediyey muwaadinka dhisay masjidka cusub.
AA.Sheekh, Hargeysa.
|