Calanka Somaliland
 
Sl-radio
Radiyow Horyaal
Radiyow Hargeisa
Bbc Somalilga
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
Radio-shabelle
Codka Somaliland
Radiohormuud
Radiogolis
Radiowaaberi
Radio-Waaheen
S-land-links
Aftahan.com
AwdalNews
Caynabo
Hadhwanaagnews
Hoyga-suugaanta
Hargaysanews
Hargeysa.org
Haatuf
Jamhuuriya
Qarannews.com
Radio-Somaliland
Redsea-Online
Somalilandforum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland-center
Somalilandfuture
Sl-Democracy-Watch
Sooyaal.com
Saaxil-net
Tvsomalilandeurope
Somaliland-Today
Togdheer-Online
Togdheersports
Sanaag-Web
Somaliland-talk
Golis-News
Somaliland-Edu
somalilandnews.info
Somaliradio
Radiyow-Garoowe
Radiyow-SBS
Radiyow-S-Sweden
Radiyow-Copenhag
Radiyow-Warsan
Radiyow-Banadir
Radiyow-Xoriyo
Radiyow&Tv-Jabuuti
Radiyow-Qaran
Radiyow-Dalmar
Radiyow-Sagal
Radiyow-Som(USA)
Rstvonline.com
Xisbiyo/ngo
Academy 4 P & Dev
IPR-Institute
Qurbaawi-journal
Systo.org
S-Pictures/Ahmed
S-Chamberofco
Taste Of Africa
Ururka-Sirag
Xisbiga-Kulmiye
Xisbiga-Udub
Xisbiga-Ucid
Ganacsilinks
Ambassador-Hotel
Dahabshiil-Company
Daallo-Airline
Damal-Airline
Maansoor-Hotel
Star-Africanair
Burao-cityplaza
Login Form





Lost Password?
No account yet? Register
 
Mujaahidka Todobaadka: Muj:Jaamac Cali Cilmi

Mujaahid_jaamac_Cali_Cimi_yar- 4.jpgMarxuun Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed ee Caanka ka ah Ciidamada dhex-dooda, sababaha ugu mihiimsan ee uu caanka ku ahaan waxa ka mid ahaa aqoontiisa tacliimeed oo aad u saraysay, isagoo leh aqoon iyo astaamo hogaamineed oo hufan (Leadership qualifications), Asluub iyo hab-dhaqan aad u wanaagsan. Marxuumka Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii sida xun loogu cadaadiyey hab-dhaqankii caanka ahaa ee dawladdii keli-taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee la odhan jirey Kacaan-diidka, taasoo aakhirkii sababtey inuu ka ruqsaysto Ciidamada

 
a
Dimuqraadiyada Kulmiye iyo Dictaatooriyada UDUB Waa Kaaf iyo Kala Dheeri 'CALI GUULEED'
Monday, 24 March 2008

Shirweynihi KULMIYE waxa la qabanayaa bisha March 29 – 31 ee sannadkan 2008 waana lagu tartamayaa. Tartan daayoo Shirweynihii UDUB oo wakhtigiisii dhaafay laba sanno iyo dheeraad cidi ma hadalheyso. Sida xisbiga UDUB looga bartay cidda tidhaahda Riyaalaanu isla soo sharaxeynaa xisbigaba waa laga saara sidii ku dhacday Dr. Cabdi Aw Daahir. Maantana kuma ayaa talow UDUB laga sari doonaa? Ma Axmed Yuusuf Yaasin ayuu noqon; ma Saleebaan Gaal ayuu noqon; ma Cabdilahi Darawal ayuu noqon mise kuwa kale. Dhagtaado ha taagnaato. Dimuqraadiyda KULMIYE iyo Dictaatooriyada UDUB Waa Kaaf iyo Kala Dheeri.

Dimuqraadiyada KULMIYE aan idiin balbalaadhiyo. Sida dadka daneeya siyaasada Somaliland aay la socdaan xisbiga KULMIYE dhexdiisa waxa ka jira loolan ku waajahan ciddi ku guuleysan laheyd jagooyinka kala ah: Jagada Madaxweynaha, ta Ku-xigenkiisa iyo hogaanka xisbiga shanta (5) sanno ee soo socda. Hadaba dadkii arrimaha daneynaayay waxa aay is weydiinayaan shirweynihii KULMIYE maxaa dib u riday iyo su’aalo kale oo la mid ah. Sidaa awgeed waxa aay ila noqotay ina aan a) iftiimiyo culeyska ku gadamaan hawsha qabanqaabada shirweynaha iyo b) dariiqada uu KULMIYE u raacay sidii aay dariiqada (process) lagu soo kala saaraayo murashaxiinta aay u noqoto mid aan mugdi ku jirin (transparent) oo xor ah oo xalaal ah ( free & fair).

Hadaba si nuxurkuna aanu u baahin waxa aan isku koobaaya labada jago ee kala ah ta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa aniga oo culeyska saari doona ina uu qoraalkani ka jawaabu su’aalo soo noqnoqonaaya oo ay ka mid yiheen: Qabanqaabada shirweynaha dariiqee loo maray? Ergooyinka (delegates) shirweynaha ka soo qeyb geleya sidii loo soo xulayaa? yaa se soo xulaaya? Labada murashax siddi loo soo dooranayaa? yaa se soo dooranaaya? Kulmiye yaa u sharaxan? Shuruudaha ku xidhani waa maxay? Shirweeynihi xisbiga maxa dib u dhigay? Siiraanyo shanttan sanno ka dib ma isa soo sharixi doona? Labada jagaba ma loo tartamayaa? IWM

Dariiqadee (process) Loo Maray Qabanqaabinta Shirweynaha

Si xisbigu shirweynihiisii uu u qabsado waxa loo saaray laba gudi oo lagu kala magacaabay a) gudida QABANQAABADA iyo b) gudida MARJACA. Gudida qabanqaabada waxa aay ka koobnaayeen ila afartan (40) oo isugu jirra rag iyo dumar, aqoonyahanu, xildhibaanu iyo madax kale oo ka soo kala jeeda gobolada. Waxaana loo xilsaaray ina aay soo darsaan talana ka soo jeediyaan a) tirada ergooyinka shirweynaha ka soo qeybgelaaya b) sida ergooyinka loo soo xulaayo c) cabiraada dhaqaalaha shirweynaha ku bixi doona d) dib u eegista, wax ka bedelka iyo soo diyaarinta xeerka xisbiga iyo e) soo diyaarinta barnamijka xisbgu wadanka ku maamuli doono (Political Manifesto), IWM

Gudida MARJACA oo ka koobneyd inta badan golaha fulinta waxa loo xilsaaray ina aay talada aay gudida qabanqaabado soo jeediso aay ansixiyaan, waxna ka badeli karan waxna ku dari karaan. Wixii aay labada gudi isla gartaana aay hor geeyaan madasha shirweynaha oo iyago ansixn kara, waxna ka bedeli kara waxna ku kordhin kara.

Ergooyinka Sidee Loo Qeybiyay

Ergooyinka waxa loo qeybiyay guud ahaan gobolo dabeetana degmooyin dabeetana xaafado marka hoos loo sii dhaadhaco. Qeybtana waxa lagu saleeyay oo uugu mudneyd codkii uu xisbigu ka helay gobolada, degmoyinka iyo xaafadaha saddexdii doorasho (dawlada hoose, tii madaxtooyada iyo tii baarlamanka ) oo la isku celceliyay (average).

Markii sidaa wax lagu qeybiyay waxa soo baxay dhaliilo badan waxaana la ogaadaey wixii shaleyto wax lagu kala helay iyo waxa maanta yaala ina aay aad u kala fogyiheen oo gobol amba degmo amba xaafad aan shaleyto xisbiga looga codeyn ina aay maanta xisbiga soo galeen amba meelihii aan laga codeyn berigee hore maanta xisaabta lagu daro. Sida awgeed waxa la goostay ina gogosha la fidiyo. Dabeeto waxa la go’aansaday lix (6) ardaa oo kale ina mid walba qeyb meel loo dhigo. Lixdaa qeybood oo kala ah 1) Meelihii aan dorashaba ka dhicin sida Sool 2) Goboladee aanu xisbigu cod weyn ka helin oo ergooyinka loo kordhiyo sida Oodwyne 3) Gobolka Seylac oo in kasta oo sanaadiiq la geeyay codeyntii qaadacay khaasatan tii baarlamanka 4) dumarka iyo dhalin yarada oo iyaga si gaar ah loo xishmeeyay 5) dadka la haybsooco iyo 6) Qurba jooga

Waxa kale oo iyana la is la qaatay xilka aay xisbiga u hayaan awgeed ina (1) xildhibaanada iyo (2) hogaanka xisbiga oo ila lix ku dhaw (Gudoomiyaha, labada ku-xigeen, xoghayaha IWM) iyo gudomiyayaasha lixda gobol aay si calaa-duul ah ku soo galaan ergooyinka iyo gudida dhexeba (supper delegates). Waxa xusid mudan cidda qudha ee xil aay xisbiga u hayaan wax lagu siiyay ina aay intaa tahey. Metalan Canab Cumar Ileeye oo ah gudoomiyaha garabka haweenka, Muusa Bixi Cabdi oo xisbiga u qaabilsan nabadgelyada (Security shadow minister), Maxamed Kaahin oo ah afhayeenka xisbiga, Maxamed Cabdi Iskeerse oo qaabilsan maaliyada (Finance shadow minister) iyo qaar kale o badan oo uu ka mid yahey Axmed Xuseen Ciise oo qabilsan arimaha dibada (Foreign shadow Minister) midna xilka aay hayaan wax laguma siinin.

Cabashadii qeybtu halkaa kuma dhamaan. Hadaan idin xasuusiyo waxa xeerka xisbiga ka mid ah qofka xisbiga iska soo sharaxayaa waa ina uu xubin ka noqdaa golaha dhexe. Waxa soo baxday ina murashaxiinta QAAR KA MID ihi inna qeybaha wax lagu qeybiyay ee kor ku xusan oo dhan aanay midna ku soo geli karin ergooyinka/golha dhexe. Sababtu waxa weeyi ninka taageerayaashiisu xisbiga u codeeyeen ee ku lahaa doorashadii baarlamanka murashax cod helay (amba ha soo baxo amba yaanu soo bixine) ee uu qofkii murashaxa ahaa ku soo darro ergooyinka/golaha dhexe amba ka midka ah lixda qeybood aan kor ku xusay ee sida gaarka ah qeybta loo siiyay ayuunbaa soo geli kara. Haddaba markii la ogaaday inna nin ka mid ah murashaxiinta aay taageerayaashiisu u codeeyeen xildhibaankiisiina ka soo baxay xisbiga UDUB waay ku cadaatay KULMIYE waayo murashax xisbigii doorasho ka doonaaya oo taageerayaashiisii aay UDUB yihiin waxa ay noqotay af-kala qaad. Hadaba sida loo maareeyay waxa aan ku sharxi qodobka golaha dhexe ee la soco.

Xilka Ergooyinka

Tirada ergooyinka ka soo qeyb galaaya shirweynaha waxa aay ku bilaabantay markii hore saddex-boqol iyo kow iyo todobaatan (371) haddana waxa aay mareysaa in ku dhaw shan boqol (500). Dadka had iyo jeer yidhaahda shirweynhii KULMIYE maxaa ku dhacay waxa aay u heystaan ina labada murashax (nominee) lagu soo dooranaayo shirweynaha. Sida uu qoraayo xeerka xisbigu shirweynaha lagu soo dooran maayo labada murashax ee waxa soo dooranayaa golaha dhexe. Xilka ergooyinka (shirweynaha) waxa uugu muhiimsan saddex arrimood oo kala ah 1) ina aay soo doortaan golaha dhexe ee iyago soo doorandoona labada murashax 2) ina aay ansixiyaan xeerka iyo barnaamijka xisbiga iyo 3) ina aay doortaan hogaanka sarre e xisbiga sida gudoomiyaha, ku-xigenada, xoghaye IWM.

Soo Xulida Ergooyinka

Soo xulida Ergooyinka waxa iska kaashaday madaxda gobolka, kuwa degmada, kuwa xaafadaha oo uu hormod ka yahay gobol walaba murashaxii laga soo sharaxay (amba hasoo baxo amba yaanu soo bixini); Waxaana ansixiyay gudida qabanqaabada. Gobolada iyo cidda aan xildhibaanu laheyn waxa soo xulaaya ciddi uuga qeyb gashay wada hadalada

Labada Murashax Yaa Soo Dooranaaya iyo Arrimaha Golaha Dhexe

Labada murashax (nominee) wax soo dooranaaya golaha dhexe. Golaha dhexana waxa lagu soo dooranaayo shirweynaha waxaanu ka koobanyahay ilaa iyo 150 qof. Golaha dhexe waa ina uu ku fadhiistaa bil gudaheed (within a month) marka la soo doorto si uu u soo doorto labada murashax. Hadaba sidii aan kor ku xusay ninka u sharaxan jagada Madaxweynaha, ta Kuxi-keenka amba hogaanka sare e xisbiga (gudoomiyaya iyo IWM) waxa waajib ah sida ku qayaxan xeerka xisbiga ina uu ka mid noqdo golaha dhexe. Taasi waxa aay dhibaatu ku keentay murashaxii taagarayaashiisu UDUB u codeeyeen. Hadaba markii uu xisbigu yaqiinsaday ina murashaxiinta mid ka mid ihi ina aanu golaha dhexe ku soo gele karin sida wax lagu qeybsaday dib ayaa la isugu noqday waxana la soo jeediyay ina si gaar ah xubinnimo golaha dhexe looga siiyo murashaxaasi si uu tartanka uuga qeyb galo. Taasi waxa aay noqotay mid horleh hase yeesho e waa la isla wada qaatay.

Jagada Madaxweynaha Yaa U Sharaxan

Aan idiin horeysiiyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkisa laba jeer ayaa loo kala codeynayaa ee isku mar loo wada codeyen maayo. Haddan u soo noqdo jagadaa Madaxweynaha waxa u sharaxan afar (4) murashax oo iyago ilaa hadda ku dhawaaqay. Kuwaasi oo kala ah 1) Xildhibaan Maxamed Xaji Maxamuud Omerxaashi 2) Daa’uud Khaire 3) Axmed Xuseein Ciise iyo 4) Axmed Maxamed Maxamud (Siiraanyo). Inta badan wadanka gudihiisa dadku waay la socdaan cidda labbada jago murashaxa u ah iyo taageerada aay kala heystaan hase yeesho ee qurbaha warka lama wada hayo ama si qaldan ayaa loogu waramay waxaana laga dhaadhiciyay ina uu Axmed Xuseen Ciise oo qudhihi Siiraanyo la tartamaayo. MXMOmerxaashi iyo Dauud Khaire damacooda kumaay dhawaaqin waxa aad uugu imaneysaa uun qurbaha! Sababtuna waxa laga yaabay ina aay tahey Axmed Xuseen hodheel weyn ayuu kireystay Tvga qarankuna aad ayuu u baahiyay oo uu weliba kusoo celceliyay mida kale Axmed qurbaha ayoo aad uuga ololeeyay halka Xildhiban MXMOmerxaashi iyo Daa’uud Khaire waa marka hore aanay xukuumado marna u ogoleyn ina aay warkooda ka baahiso Tvga qaranka waa marka labaad e iyago waxa aay doorbideen ina aay xisbiga gudihiisa ka ololeeyaan.

Jagada Madaxweynaha Yaa La Filayaa ina Uu Ku Soo Baxo

Jagada Madaxweynaha yaa la filayaa ina uu xisbiga gudihiisa ku guuleysto? Jawaabtu waa ALLAHU aclam. Arrintasi waxa aay u taalaa golaha dhexe ee la dooran doono aniguna hada ka hordhic maayo. Hase yeesho ee waxa muuqata ina murashaxiinta aay ka mid yiheen xildhibaan Maxamed Xaji Maxamuud Omerxaashi, Daauud Khaire iyo Siraanyo aay culeyska saareen sidii aay taageero uuga heli lahaayeen wadanka iyo xisbiga gudihiisa (khaasatan ergooyinka iyo golaha dhexe) halka Axmed Xuseen Ciise uu xooga saaray jaaliyadaha dibada. Waxa kale oo iyana la ogsoon yahey ina taageerayaasha Maxamed Maxamuud Omerxaashi, kuwa Daauud Khaire iyo kuwa Siiranyaba aay xisbiga xoog ku leeyihiin halka tageerayaasha Axmed Xuseen Ciise u badn yihiin xisbiga UDUB

Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Yaa U Sharaxan

Waxa jagada Ku-xigeenka u sharaxan inta aan anigu ka warqabo lix (6) murashax. Kuwaasi oo kala ah a) Muuse Bixi Cabdi b) Ibraahim Meecad c) C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Zeylici) d) Ismaaaciil Aare e) C/raxmaan Aw Cali Faarax iyo f) Hoori oo iska casilay wasiir ku xigeen. Ragaasi wax si cad uugu dhawaaqay damacooda iyo qaar aan ku dhawaaqin oo si hoos ah u kaambeyn-gareynaya intuba waay leeyihiin. Waxa kale oo iyana dhici karta ina ragan qaar ka tanaasuleen aaney se ku dhawaaqin. Dhegtaadu ha taagnaato

Jagada Ku-xigeenka Yaa La Filayaa ina Uu Ku Soo Baxo

Allahu aclam. Jagada Madaxweyne-ku-xigeenka in kasta oo aan weli bir lagu gooynin waxa KULMIYE uu u xaglinayaa ina jagada loo xidho gobolada darafyada. In kasta oo aay taasi ka baxsan tahey dimuqraadiyaddi kana soo horjeedo distoorka hadana waxa dadka qaar ku doodayaan ina uu KULMIYE tixgeliyo sunnihii Boorama la isla qaatay halka qaar kalana ku doodayaan metalan reer Awdal Ku-xigeen u codeyen maayaan iyaga oo Madaxweyne u sharaxan yahay halka aay qaar kalana ku doodaayan yaan cidna loo xidhin ee ha loo wada tartamo. Si kastaba ha noqoto ee anigu hadaan ahay Cali Guuleed tixgelinta sunnihii Boraama waxa aay kow ka aheyd arrimihii aan damacaygii uuga tanaasulay.

Murashaxnimada Shuruudaha Ku Xidhan

Jaggada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa qof kasta oo isu soo sharaxayaa waa ina uu buuxiyaa shurudaha sagaalka ah (9) ee uu distoorku ku xidhay kuna qayaxan qodobka siddetanaad (Article 80). Labba sagaalkaa shardi ka mid ihi waxa aay odhanayaan waa a) ina aanu dhalsho amba jinsiyad dal kale haysan b) waana ina uu xaaskiisu tahey qof muslim ah kuna dhaqanta diinta Islaamka. Waxa kale oo inta u raaca ina uu buuxiyo shuruuda kale oo uu xisbigu ku xidhay oo dhawr ah oo aanan hadda u gelaheyn. Waxa kale oo aan iyana la isla meel dhigin shurudaha murashaxa ee aay tahey ina uu distooriyan buuxiya ma xisbiga xaq u leh ina uu socodsiiyo marka murashaxiinta la kala saaraayo mise komishanka doorashada?? Maxaa dhacaaya haddi qof aan shuruudaha Komishanka buuxin xisbigu soo saaro? Arrimahaase waa kuwo aan weli la isla meel dhigin.

Siiranyo Ma Isa soo Sharixi Doonaa 2013

Waxa aan inta uuga gudbayaa Siraanyo mar saddexaada ma isa soo sharixi doona? Waxa laga war qaba ina uu Siiraanyo markii uugu horeysay ka qeyb galay doorashadii madaxtooyada ee 2003. Waxa kale oo la ogsoonyahay ina uu tan soo socota ee dhicidoonta 2008 uu u taagan yahey. Hadaba waxa aay dadbadani is weydiinayaan Siiraanyo mar saddexaad ma isu soo sharixi doonaa doorashada ku beegan 2013? Hadaba markaan dad Siiraanyo ku dhadhaw iyo qaar xisbiga arrimihiisa u dhuun daloola weydiiyay sua’aasha waxa la isku raacsan yahey ina aay doorashadan 2008 uugu danbeyso oo aanu ta dhici doonta 20013 aanu ka qeyb galaheyn.

Shirweynihii Xisbiga Maxaa Dib U Riday

Waxa hubaal ah ina aay dad badani aad uuga xumaadeen ina uu shirweynihi dib u dhacay. Waxa se iyana hubaal ah ina xisbiga loo garaabi doono marka aay dadku ogaadan baaxada hawsha ku gadaaman qabanqaabada shirweynaha sida aan kor ku iftiimiyay marka si dimuqradi ah oo aan qarsoodi laheyn oo taagerayaasha xisbiga iyaga oo aan cidna la duudsiyin ergooyinka iyo golaha dhexe looga soo dhex xuli lahaa. Marka laga reebo qeybtii codkii baarlamanka lagu kala helay oo aheyd tii aan muranku ka taagneyn cabasho ma yareeyn.

Qabashada shirweynaha dhawr walaxood ayaa dib u dhigay waxa se uugu muhimsaneyd 1) gobolo iyo degmooyin laha xisbiga ayaanu ku soo biireynaa ee hanna la sugu 2) waxa ka mid ah oo in badan la isku celcelinaayay qeybihii loo dhigay gobaladii aan laga codeyn 3) kuwii loo kordhiyay ee aan markii hore cod fiican xisbigu ka helin 4) tirada qurba jooga 5) goboladii markii hore xisbiga sida weyn uugu codeeyay iyo kuwii imika soo galay sidii la isugu dheelitiri laha 6) ergooyinka iyo golaha dhexe dariiqada lagu soo xulaayo 7) waxa lagu saleynaayo 8) cidda soo xuleysaa 9) tirada ergooyinka iyo ta golaha dhexe 10) kharashka ku bixi lahaa shirweynaha oo aan weli fari ka qodneyn 11) Gudoomiyaha Siiranyo ma waxa uu xilka wareejinayaa marka uu doorashada qaranka ku guuleysto mise marka uu ku guuleysto murashaxnimada xisbiga? 12) Madaxweyne Ku-Xigenka ma gobolada darafyada ayaa loo xidhaya mise waa loo siman yahey sida jagada Madaxweynaha? 13) Ramadaanta iyo ciida ha la is dhaafiyo 14) hogaanka xisbiga yaa qaban doona shanta sanno ee soo socda 15) xeerkii xisbiga oo dhawr jeer lagu noqnoday 16) turjumaadii barnaamijkii xisbiga oo wakhti qaadatay 17) waxa kale oo qar ku doodayeen inta aan shirka la qabsan hala hubsado waxa ay Guurtidu yeeli doonto iyo muddada aay kordhin doonto halka qaar kalana ku doodaayeen mar haddii doorashadii aay dib u dhacday Guurtiduna in aay kordhin doonto aan war loo heyn wax degdeg ihi ma jiro halka qaar kalana ku doodayeen waa ina uu shirwenihi sida uugu dhakhsaha badan u dhacaa. Sababaha aan kor ku xusay waxa aay ka mid yiheen wax yaalaha shirkii markii hore la is lahaa wuu fududanayaa dip u dhigay.

Gebogebo

Marka hore waxa aan ka affif dhiganayaa ina afka xisbiga iyo ka gudida qabanqaabada midna aanan ku hadleyn. Waxa aan kor ku iftiimiyay dariiqada uu KULMIYE u maray siddi shirweynuhu uugu qabsoomilaha ee uu labada murashaxna ku soo saari lahaa. Dad ka qaar ayaa laga yaabaa ina aay dhibsadaan sida saraaxada leh ee aan arrintan u soo bandhigay. Ujeededdo waxa aay tahey ina dimuqraadiyada KULMIYE ku dhaqmo iyo dhawr walaxood oo uu KULMIYE axsaabta kale kaga duwan yahay aan shacbiga ogeysiiyo: 1) waa ta uugu horeysa e waxa xusid mudan ina aanu wax loolan ah iyo wax dimuqraadiyad ihi midna ka jirin labada xisbi ee kale (UCID & UDUB) 2) waa ta labaad e loolanka KULMIYE gudihisa ka jiraa waxa uu ka turjumayaa habdhaqanka dimuqraadinimo ee ka hirgalay KULMIYE 3) waa ta saddexaad e dariiqadaasi (process) waa mid xisbiga gudhihiisa la isla qaatay in badana laga soo shaqeynaayay kuna timid wada tashi iyo isu tanaasul aakhirkiina lagu wada qancay 4) waata afraad e waxa aan u soo bandhigayaa ina uu shacbigu ogaado in isku-duba-ridka shirweynuhu aanu aheyn wax hawl yar marka tartan dimoqraadiyad ku dheehani jiro oo KULMIYE loo garaabo 5) waa ta shannad e in uu shacbigu ogaado ina aay KULMIYE ka go’antahey ina uu caddaalada isagu iskaga bilaabo 6) waa ta lixad e ina uu shacbigu ka markhaati noqdo ina murashaxiinto aay dariiqada wax lagu soo saaraayo horeyso iyo denbeysaba aay la socdeen kuna wada qanceen 7) waa ta todobaad e waxa aan leeyahay UDUB iyo UCIDna ha ku deydaan 8) waa ta sideedaad e waxa aan uuga affiif dhigayaa murashaxa sidaasi maanta tartanka kaga qeybgala ina aanu berito kaga caban karin natiijada ka soo baxda amba murashaxa ku guuleysan waaya tartankaasi aanu odhan waa la iga eexday 9) waa ta uugu danbeysa e waxa aan murashaxiinta ku boorinayaa ina haddi laga guuleysto aanay xisbiga taageeradii kala noqon uuna ololeeyaan.

Loolanka siyaasiga ah ee KULMIYE gudihiisa ka aloosani waa mid qaranimada, dimuqraadiyada iyo ictiraaf raadiskaba wax weyn ka tari kara madaxda xisbiguna ku amaanan yihiin. Haddaba Sua’ashu waxa aay tahey wax la qariyo qudhun baa ku jira ee UDUB maxaa u qoondeysan; talow sidee ergooyinka lagu soo xuli doona, dariiqadee murashaxiinta lagu soo kala saari doona, murashaxiinta tartanka ka qeybqaadan doona shacbiga ma u soo bandhigi doona inta aan doorashada la gaadhin?

KULMIYE waxa uu go’aansaday ina uu dimuqraadiyada iyo cadaalada isago dhexdiisa iskaga bilaabo sida aan soo iftiimiyay. UDUBna sida looga bartay cidda tidhaahda Riyaalaanu isla soo sharaxeynaa xisbigaba waa laga saara sidii ku dhacday Dr. Cabdi Aw Daahir. Maantana kuwama ayaa talow UDUB laga sari doonaa? Ma Axmed Yuusuf Yaasin ayuu noqon; ma Saleebaan Gaal ayuu noqon; ma Cabdilahi Darawal ayuu noqon mise kuwa kale. Dhagtaado ha taagnaato. Dimuqraadiyda KULMIYE iyo Dictaatooriyada UDUB Waa Kaaf iyo Kala Dheeri

Ali Gulaid, San Jose, CA

 

 
< Prev   Next >

.

Sh adan siiro.jpgHalganews iyo Qudbadaha jimcaha ee Masaajidka Xawaadle qudbadahan oo taxane joogta  ah jimce walba  halkan ka dhagayso Qudbadii Jimcahan 29.02.2008 iyo Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadan siiro)

 
Qoraalkan riix si aad u hesho ama aad u dhagaysato Qudbadihii Hore ee Sheekh Aadan Siiro

 

Hawl Galkii Badbaado ee lagu furtay Jeelka Mandheera 3/1/1983kii

Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno....

 
Hawl-galkii Birjeex Ee lagula Baxay Col.C/lahi Askar

Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo.....

 
Labadaa dil midkood gacan ku dhiiglaha isagu geystey waxa laga raafey Cali-Xaydh

midi waa geesiyadaa oo marka cadawgu kula dagaalamayo nin-ba ninka uu ka qaalisan yahay ayuu abaaraa, Aadan Shiine iyo C/Qaadir Koosaar-na geesiyaal bay ahaayeen, waa ta labaad'e waa dagaal bilaw ah oo cusub, oo ku socda in la tirtiro taariikhda halgankii lagu xoreeyey dalkan, waa ta saddexaad'e waxa looga jeedaa fidmo laga abuuro dadka dhexdiisa, taas oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qaranimada Somaliland, anigu sidaasaan qabaa, waayo cidna umay qabsan SNM dilalkaasi, haddana iyadiibaa dib loogu soo celiyey markaa anigu ma garanayo waxa looga jeedo ee aan sidaa ahayn...

 
Gabay Gees ka gees Mujaahid Dr. Cabdi Salam Yasiin ayaa tiriyay waaba gabay Khuseeya Halganka

Runa anaantii anoon sharax badan ka bixinayn Dr. C/sallaan Yaasiin oo ahaa mid ka mida halgamayaashii xiliga dheer u halgamayay  in dadku mar uun baadilku ka tago C/salaan waa mid ka mida shantii nin ee fadhiday Miiskii lagaga dhawaaqay SNM 06.04.1981kii sida Sawirka sarena aad ku aragtaan C/sallaan waa ninka taagan  ee hadlaya hadaba Dr. C/sallaan Yaasiin oo halgankii ka dib lamaqal in badan oo ay xaruntiisu tahay Dalka Saudi arebiya halkaas oo uu ku noolyahay Dr. C/sallaan ayaa hadaba tiriyay Tix la magac baxday Gees ka gees oo ka hadlaysa wakhtigii tagay iyo Wakhtagn Xaadirka ah ba isaga oo ereyadiisa ay ka mid yihiin...

 
Sannad guuradii 14-aad ka soo wareegaty Qaranimada Somaliland

Kudhawaaqista madaxbanaanida Somaliland waxa ay kadambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulayastay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare kadib markii uu halgan dheer u soo galay,waxaanu ururkii S.N.M lsmarkiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Somaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland....

 
31 May Maalin Kulansatay saddex munaasibadood oo Taariikhi ah Faysal Cali Sheekh, Jamhuuriya

Waxa kale oo Ciidanka SNM hawlgal ku qaadeen 29kii May 1988 Xerada Cadaadley oo sagaashan (90km) dhinaca Bari ka xigta Hargeysa. Hawlgalada Ciidamada SNM ee Hargeysa wuxu ahaa gulufkii dagaal ee taariikhda SNM ugu muddada dheeraa, dagaalkii Mujaahidiintii SNM oo 2:00 duhurnimo ee 31kii May 1988 ay ka soo dhaqaaqeen Tuulada Bali-Samatar oo waxyar u jirta xuduudda, waxay duhur cad iyaga oo saaran Kolanyo Baabuur ah ku soo jiidheen Ciidamaddii qaybta 26aad ee loogu talogalay Difaaca Magaalada ee Teedsanaa inta u dhexaysa Xuduudda iyo Magaalada iyada oo Kolonyaddii Ciidanka ay ka war heleen Diyaaradihii Sahanka Cadowga oo Markii Ciidamada SNM xuduudda ka soo gudbeen dul marayay

 
Baroor-diiq Geeridii Abdirahmaan Ahmed Ali iyo Halgankii SNMta. Hargeysa...November 15th '03...SNN

Cabdiraxmaan Tuur oo labaatan sannadood Safiir ahaa, labaatan kale oo xigayna jabhad iyo hoggaamiye ahaa iyo geel-dhaqasho halkee ayay iska soo galaan. Waa habeen aanu booqasho iyo kormeer ku maraynay tuulooyinka xuduudda ku taxan ee gobollada bari. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee SNM. Waxaanu la soconnay wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SNM. Yicib-yabooh ayaanu goor fiid ah ku soo hoyannay. Garo� oo Cabdiraxmaan ayaa marti loogu ahaa Yicib-yabooh. Kollay habeenkaa qarbe-qarbe ayuu xaalku iska ahaayoo, sabaayad ayaanu ku cashaynay. Cadihii iyo sooryadii maalintii xigtay ayay is-raaceen.

 
HALACSIGA MAALIN-QORKA: HESHIISKII SIYAAD BARRE & MENGISTU XAYLE MARIAM EE 1988kii

Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray?...

 
Goormay Kuugu darnayd!? waxaa ka sheekaynaya Mujaahid Haybe Axmed Gure (Haybe-Laambad)

Waxa ay iigu darnayd anigoo u madax ah ciidankii 11aad ee deggenaa xeebta Bula-Xaar iyo Boolay anagoo tiradayadu ay ahayd 150 nin oo naftood hurayaal ah oo aanwaxba cunin 4 caano maal oo ah 2 habeen iyo 2 maalmood ayaa nala ogaaday oo nala soo weeraray. Waxa na soo weeraray ciidan aan ku qiyaasay 500 nin iyo Tignikadoodii. Markii aanu ka warhelnay in weerarku nagu soo maqanyahay ayaan fayliyay ciidankii dabadeed waxaan idhi, “Waa dalkeenii iyo dadkeenii waynu u dhimanaynaa ee difaaca”. Ninka ugu badani 50 midh oo rasaas ah ayuu sitaa, waxaan ku wargeliyay,oo ku idhi, “Rasaastii iyo cuntadiiba cadawga ayaa inoo sida ee sidaa ku ogaada”.....

 
  @copyright (C) 2003 - 2007 Halganews