Hargeysa (Jam)- Shirweynihii labaad ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa la filayaa inuu Sabtida toddobaadka soo socda si rasmi ah uga furmo magaalada Hargeysa, kadib markii wadahadal lagu xalliyey muranno xisbiga gudihiisa ka jiray oo tiraba dhawr jeer hakad geliyey qabsoomidda shirweynaha.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka ugu warramayey, ayaa sheegay in heshiis laga gaadhay waxyaabihii xisbiga dhexdiisa ka jiray oo dhan, isla markaana la isla oggolaaday in cid walba u hoggaansato wixii ka soo baxa gunaanadka shirweynaha labaad.
Su’aalihii la weydiiyey Axmed-Siilaanyo iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen:
Su’aal: Guddoomiye; waxa nagu maqaalo ah in shirweynihii KULMIYE furmayo Sabtida toddobaadka dambe, arrintaa maxaa ka jira?
Jawaab: Haa, arrintaasi waa run shirkiina wuu furmayaa, waxaannu noo furmayaa iyadoo wax waliba noo qurux badan yihiin oo wixii jiray oo dhanna wadatashi laga yeeshay.
S: Waxa jiray in dhawr jeer dib-u-dhacyo ku yimaaddeen shirka, hadda ma waxaad leedahay waannu dhammaysanay waxyaabihii lagu muransanaa oo dhan?
J: Adeer, khilaaf iyo muran ma jirin, balse waxaan kuu sheegay in waxyaabihii jiray oo dhan wadahadal lagu dhammeeyey.
S: Tirada ergooyinka shirka iman doonaa waxay ahayd 530 xubnood, ma intaas uun baa shirweynaha ka qaybgelaysa mise waad kordhiseen?
J: Wax waa lagu daray, wax dhibaato ahna kama jiraan arrintaas.
S: Guddoomiye; sida nagu maqaalo ah waxyaabaha xisbiga dhexdiisa muranka ka dhex dhaliyey waxa ka mid ahayd xulista xubnaha u tartamaya jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka, taas hadda ma la soo afjaray?
J: Wax dhibaato ahi kama jiraan, Madaxweynenimo ayaa la isu taagi karaa, Madaxweyne-ku-xigeen baa laysu taagi karaa oo xisbi dimoqraadi ah ayaannu nahay, haddase maanaan gaadhin halkii lagu xulayey ee lagu kala saarayey oo waxaannu qabanaynaa waa shirweynihii xisbiga.
S: Yaa ka mid ah xubnaha hadda u sharraxan jagada Madaxweyne-ku-xigeenka?
J: Way soo bixi doontaa.
S: Guddoomiye; waxaad adigu hore u sheegtay in aad u taagan tahay musharaxnimada Madaxweynaha ee KULMIYE, sidaa darteed ma jirtaa xisbiga dhexdiisa cid gaar ah oo lala doonayo Madaxweyne-ku-xigeenka?
J: Cid aan gacan gaar ah la leeyahay ma jirto.
S: Shirweynahan waxaad ku soo dooranaysaan hoggaanka xisbiga shanta sannadood ee soo socda, markaa maadaama aad arrimihii lagu muransaa oo dhan wadahadal ku dhammaysateen maxaad ka filaysaa inay shirka ka soo bixi doonaan; ma inuu sii xoojiyo murannadii hore, mise in uu aad isugu soo kiin dhoweyn doono?
J: Waxay ila tahay waxaad ku celcelinaysaa intii hore ee aad I weydiisay, waannu dhammaaday oo cid is-haysataa ma jirto, waa jidka dimoqraadiyaddu marto, balse dadka qaarkii ayaa nooga dhiga, halkii ay ka ahayd in naloogu hambalyeeyo, waxaanuna ku heshiinay in cid waliba u hoggaansato wixii shirka ka soo baxa. Waad ogtahay xisbiyada qaarkood oo aan shirweynaba hadal hayn, kuwaas ayey ahayd in aad wax ka weydiisaan.
Jamhuuriya Sources. |