|
Hargeysa (Halganews)- “Wax-ka-beddelkii Xeer Lr.20/2001 wuu jabay, wuu dhintay, waxaannu ku shaqaynayaa xeerku sidii hore.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo ku dhawaaqay inuu buray xeerka cusub ee doorashooyinka degaannada iyo Madaxtooyada Somaliland.
ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan-cirro.
Xeerkii cusbaa ee doorashooyinka golayaasha degaanka iyo madaxtooyada Xeer Lr.20/2001 oo hore Golaha Wakiilladu wax-beddel iyo kaabis ugu sameeyeen, ayaa gebi ahaanba buray kadib markii soo celintii Guurtida ee dilista nuxurka xeerka Wakiilladu ku guuldarraystay cod aqlabiyad ah oo uu ku horistaago.
Fadhigii Golaha Wakiillada ee shalay oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha golaha Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxa uu ahaa mid loo ballansanaa in lagaga hadlo aayaha jiritaan ee Xeer Lr.20/2001 oo ah xeerka doorashooyinka golayaasha degaanada iyo Madaxtooyada, kaas oo uu Golaha Guurtidu dib ugu celiyeen Golaha Wakiillada, kadib markii uu sheegay in wax-ka-beddelka xeerkani ka horimanayso distuurka dalka, isla markaana uu ummadda ku celinayo hab-beeleed keeni kara xasilooni-darro.
“Wax-ka-beddelka Xeerkani kuma saabsana oo keliya isbeddel lagu sameeyey xeerkan qodobadiisa qaarkood ee waxa lagu soo daray wax-ka-beddel lagu sameeyey Xeerkii Ismaamulka Gobollada iyo degmooyinka Xeer Lr.23/2002 iyo ka diiwaangelinta codbixiyayaasha Xeer Lr.37/2007. Wax-ka-beddelkani wuxuu meesha ka saarayaa habka dawladnimada, wuxuuna xoojinayaa nidaamkii hore looga soo gudbay ee hab-beeleedka. Arrintaasi Golaha Guurtidu wuxuu u arkay inay ummadda dib ugu celinayso khalkhal iyo khilaafaad hor leh oo abuuraya jahawareer.” Sidaa waxa lagu yidhi lifaaqa go’aanka Golaha Guurtidu ku horistaagay meelmarinta xeerkan, waxaannu intaa ku daray, “Wax-ka-beddelka Xeerkani wuxuu ka horimanayaa dastuurka.”
Sidaa darteeda waxa lagu sheegay lifaaqan go’aanka Golaha Guurtida in sababahaa awgood goluhu uu cod aqlabiyad ah ku diiday dhaqangalka wax-ka-beddelka lagu sameeyey Xeer Lr.20/2001.
Waxaannu lifaaqu isaga oo arrintaas ka sii hadlaya uu yidhi; “Golaha Guurtida ayaa in muddo ahba ka doodayey, wax-beddelka Xeer Lr.20/2001, doodaa kadib waxa uu goluhu u magacaabay guddi ka soo talobixisa, ayaa dhegaysigii guddiga wuxuu goluhu go’aamiyey in aan loo baahnayn wax-ka-beddelka Xeer Lr.20/2001 ee doorashada golayaasha degaanka iyo Madaxtooyada, nuxur ahaana waxa loo tirtiray wax-ka-beddelkaasi.”
Intaa kadib Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan-cirro, ayaa mudanaayasha ku wargeliyey in iyaga oo raacaya hab-raaca xeer-dejintu tilmaamayana xeerarka ka soo noqda Golaha Guurtida uu goluhu cod u qaadayo xeerkan.
“Xeerka doorashooyinka goloyaasha degaanada iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah Xeer Lr.20/2001, kaas oo Goluhu ku sameeyey kaabis iyo wax-ka-beddel, waxaynu u gudbinay Golaha Guurtida. Inagoo raacayna habka xeer dejinta ee ku xusan dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobada 77 iyo 78, sida hab-raaca xeerdejintu tilmaamayana xeerarka ka soo noqda Golaha Guurtida, waxay ku soo noqdaan mar labaad Golaha Wakiillada. Sidaa daraadeed Golaha Wakiilladu isagoo nidaamkaa raacaya waa inuu u coddeeyaa isbeddelkaa iyo kaabistaa ay ku soo sameeyeen Golaha Guurtidu. Waxaana goluhu wax ku diidaa ama wax ku ogolaadaa cod,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan-cirro.
Qaar ka mid ah mudanayaashii madasha fadhiyey, ayaa cod u qaadista uu Guddoomiyuhu ka dalbay saluugay, iyagoo soo jeediyey in aan xeerka gabi ahaantiiba cod loo qaadin ee qodobadda qaarkood laga doodo.
“Guddoomiye waxa weeye doorashadii golayaasha degaanku fooda ayey inagu haysaa, xeerkana haddii aynu isku celcelino oo kolna Golaha Wakiillada uu yimaado kolna Golaha Guurtida uu tago, iyadoon xeerba jirin ayuu waqtigu ina soo gaadhayaa. Anigu Guddoomiye waxaan ku talin lahaa intaan cod la gelin in qodobada qaarkoodna aynu ogolaano, qaarna laga doodo.” Sidaa waxa yidhi Xidhibaan Cali Yuusuf oo fadhiga golaha ka dhex kacay.
Haseyeeshee Guddoomiye Cirro waxa uu u sheegay mudanayaashii dalbaday qodobada xeerkan qaar laga doodo in aanay wax dood ahi ka furnayn xeerkan, maadaama nuxurkii laga dilay.
Sidaa daraadeed waxa goluhu cod u qaaday nuxurka wax-ka-beddelka xeerkaasi oo Golaha Guurtidu dilay. Waxa madasha hoolka golaha fadhiyey 44 mudane, 29 xildhibaan waxay taageereen in xeerkan lagu daayo sidii Golaha Wakiilladu wax-ka-beddelka hore ugu sameeyey, 10 xildhibaana waxay taageereen go’aanka Golaha Guurtida ee tirtirida nuxurka wax-ka-beddelka xeerkan, halka 4 kalena ay ka aamuseen, Guddoomiyuhuna ma codayn. Sidaa awgeed Xeer Lr/20/2001 wuu jabay maadaama looga baahnaa 55 cod mudanayaasha taageersan in sidii hore ee Golaha Wakiilladu wax-ka-beddelka ugu sameeyeen xeerkan loo daayo.
AA.Sheekh, Hargeysa.
|