|
Hargeysa (Halganews)- Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa walaac weyn ka muujiyey dhallinyarada reer Somaliland ee tahriibka isugu biimaynaya badaha, isaga oo sheegay inay badi dhallinyaradii dalku haajireen.
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidaa ka sheegay xaflad deeq waxbarasho lagu guddoonsiinayey ardayda wax ka barata dugsiyada Gobolka Sool oo lagu qabtay shalay Jaamacadda Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo uu horkacayey, Guddoomiyayaasha jaamacadaha Hargeysa iyo Cammuud, arday laga soo kala macsuumay jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa, macallimiinta iyo ardayda Jaamacada Hargeysa.
Deeqdan ardaydu guddoonsiisay Guddiga taalkulaynta gobollada bari waxay ka koobnayd 5760 buug wax lagu barto ah, 5100 qalin iyo 9,000 tamaashiir ah, taas oo loogu talogalay inay wax ku bartaan 1200 arday oo ku sugan Gobolka Sool muddo sannad badhkii ah.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo munaasibadaa hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in deeqdani ka turjumayso fariin reer Sool lagu leeyahay qoriga dhiga oo aqoonta u dareera.
"Buugaagtan tacliinta lagu baranayaa waa fariin loo dirayo Sool oo la leeyahay qoriga degta ka dhiga oo buuga qaata, waa fariin muhiim ah. Tusaale fiican ayaad u dirteen Sool taas oo ah waxaannu nahay ardaydii jaamacadda Hargeysa oo intaas oo goor laga qalinjabiyey 17 sanno, idinkana qori baa la idiin xambaariyey ee qoriga iska dhiga, maanta qorigu waa qalin," ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Waxa uu Madaxweyne-ku-xigeenku kula dardaarmay masuuliyiinta jaamacadaha dalka inay kobciyaan oo lagu dadaalo sidii kor loogu qaadi lahaa cilmiga teknooliga, isla markaana loogu soo jeedsan lahaa sidii wax-soo-saar waddanka loogu soo saari lahaa.
Waxa kale oo uu Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ka hadlay tahriibka oo uu sheegay inay tahay mushkiladda weyn oo soo food saartay dhallinyaradii, iyaga oo aan garanayn meesha ay tagayaan sida ay tahay.
Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Dhallinyaradii waddanku way haajiraysaa, laakiin waxaan la yaabahanay halkay ku socdaan, sababta oo ah idinku halkan baad ka hesheen tacliintii, raggan wax idiin dhigayaana maanta waa raggii qurbaha wax ku soo bartay ee soo eedaaday, laakiin mid baan idiin sheegayaa inanka shahaadada Master-ka qaatay ee tagay Yurub waxba kama jiraan wixiisa, hore waan u sheegay oo waxaan ku idhi madbakh [qolka cuntada lagu kariyo] ayuun baad nadiifin. Waxaad moodaa in aynu nahay ummad cagta laga falay oo soconaysa uun, laakiin aan lahayn bar-tilmaameed ay u socdaan waa arrin layaab leh; qaar saxaare ayey ku dhinteen, qaar bad bay ku qarraqmeen. Halkan [Somaliland] aqoon kasta oo jabani way taalaa, adoo jooga gurigaaga oo tacliintaadii haysta meel kuu dhaantaa ma jirto."
Waxaannu intaa ku daray, "Waddankeenii wuxuu ku socdaa saxaare, wiilkii joogay miyiga waxa la baraa siduu geed qoyan u googayn lahaa ee uu u huurin lahaa oo dabadeedna uga dhigi lahaa dhuxul, hadda waa wiilkii la bari jiray sida xoolaha loo xannaaneeyo, loo intifaaco iyo sida loo sahamiyo. Waxa isweydiin leh caqligeennii halkuu ku maqan yahay, maxaynu u fikiri weynay, xoolihii waynaga ka gubnay dhirtii. Waxaynu nahay waddanka keliya ee sideeda nimcoolay Ilaahay siiyey, laakiin ma daryeelno. Waxaan leeyahay cilmiga aynu baranayno aynu ku fadhiisino waxaynu leenahay."
Waxa kale oo uu Md. Axmed Yuusuf ku cannaantay cilmiga leh iyo guud ahaan ummaddaba in aan waxba la isku sheegayn oo aan qofka khaldan laga qabanayn waxa uu samaynayo. "Iska daa wax kale oo waxaynu wax u sheegi kari la’nahay gabadha maqaaxida ku karinaysa suuqa in la yidhaa walaal biyahan aad maanta oo dhan wax ku maydhaysay god u qod oo ku shub. Markii la baadhay biyahaa gabadhu maalintii oo dhan wax ku maydhayso cudurka TP-da ayaa laga helay, miyeynu hurudnaa mise waynu soo jeednaa. Anigu waxaan isleeyahay dadkii waddanka lahaa ma joogaan. Xilka waddanku wuxuu saaran yahay muwaadinka, annagu maamulkii baanu nahay haddii aannu gurigii dhisi kari weyno waxa weeye waar na dhaafa gurigii waad dhisi kari weydeene," ayuu yidhi Yaasiin.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Pro. Cabdi Haybe, ayaa isna sheegay in deeqda noocan ahi wax weyn u tarayso ardayda. "Saddex shay oo cid kasta oo dhallinyaro ahi ay u baahan yihiin ayey deeqdani dawaynaysaa, waa haraad, gaajo iyo wareer. Buugaasi isagoo haraadan ayaa haddii qalinka iyo buuga la isu qaado ay farxadi gelaysaa carruurta."
Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Pro. Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa sheegay in ardayda Jaamacadda Hargeysa sameeyeen wax wanaagsan oo ku dasho mudan, waxaannu ballanqaaday in Jaamacadda Camuudna tan oo kale samayn doonto. "Sune wanaagsan oo ayaad noo jeexdeen, annaguna kaas ayaanu raacaynaa oo waanu bixin doonaa, haddaanaan kaba yar badin tiinan. Deeqdani waa mid faa’iido leh oo ah kaalintii la innaga filayey weliba waxyaabaha kalena ku darsano," ayuu Prof. Saleebaan Axmed Guuleed.
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ku hadlayey afka macalimiinta jaamacadda Hargeysa oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in wax ku qaadashadu aanay ahayn inta ay le’eg tahay waxa ardaydu bixiyeen, balse tahay garashada ay garteen in walaalahooda gobolka Sool ku nool.
"Cibraddu kuma jirto buurnida waxay ardaydani keeneen ee waxay ku jirtaa garashada, qiimuhu wuxuu ku jiraa tabida iyo garashada ay garteen walaalahooda ku nool Sool. Dhallinyarada da’ yarta ahi ee ardayda ahi siyaasadda iyo wax kale toona dan kama laha ee waxay dareemeen walaalahooda halkaa ku nool ee go’doonsanaa muddada ayey waxay garteen in xil ka saaran yahay oo gacan ka siiyaan inta taagtoodu tahay waxbarashadooda.
Quruxdu waxay ku jirtaa ardayda kale ee halkan ku casuumani dariska ay ka qaadan doonaan iyo hawsha siday u sii wadi doonaan, waxay tusaale u noqdeen inay kuwo kale baraarujiyaan," ayuu yidhi Abwaan Gaariye.
"Waanu idinku soo dhawaynaynaa Madaxweyne-ku-xigeen jaamacadda adiga iyo madaxda kale ee kula socota, si gaar ah waxaan u ammaanayaa Cali-warancadde oo haddaanu shicibka nahay mucaarid iyo muxaafid shaqada uu qabtay aannu ku doogsanay, waxaan ku leeyahay halkaa ka sii wad cid darrajo bixisana shacbigaa ugu qiimo badan."
Fu’aad Cabdi Obsiiye oo ku hadlayey magaca guddidii hawshan isu xilsaartay, ayaa isna sheegay in kasta oo aan ardayga laga fili karin dhaqaale buuran oo lagu baahi tiri karo meel baahiyi ka jirto, haddana arday Jaamacadda Hargeysa iyo macalimiintoodu ay muujiyeen dareen waddaninimo oo aad u ballaadhan. Waxaannu xusay in ardayda oo dareenkooda ay ku dheehan tahay shucuur wadaninimo ubadka wax ku barta gobolka Sool ay ku keliftay qaybtooda ka qaataan gurmadka loogu jiro gobolkaas.
"Deeqdani waxay ka kooban 30 kartoon oo ah buugaagta wax lagu qoro oo ay ku jiraan 5760 buug, 3 kartoon oo qalimaan ah oo ay ku jiran 5100 qalin, 3 kartoon oo tamaashiir ah oo ay ku jiraan 9,000. Guud ahaan marka la isku celceliyo agabkani waxay ku filnaan karayaan hal sannad-dugsiyeed qaybtii arday gaadhi karta 1200 arday. Dhinac marka laga eego maaha dhaqaale sii buuran, balse waa dareen waddaninimo oo taaban kara qof kasta oo damiirkiisu ka damqan karo duruufaha ku gedaaman habsami u socodka goobaha waxbarasho ee gobolka Sool," ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye.
AA.Sheekh, Hargeysa. |