Calanka Somaliland
 
Sl-radio
Radiyow Horyaal
Radiyow Hargeisa
Bbc Somalilga
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
Radio-shabelle
Codka Somaliland
Radiohormuud
Radiogolis
Radiowaaberi
Radio-Waaheen
S-land-links
Aftahan.com
AwdalNews
Caynabo
Hadhwanaagnews
Hoyga-suugaanta
Hargaysanews
Hargeysa.org
Haatuf
Jamhuuriya
Qarannews.com
Radio-Somaliland
Redsea-Online
Somalilandforum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland-center
Somalilandfuture
Sl-Democracy-Watch
Sooyaal.com
Saaxil-net
Tvsomalilandeurope
Somaliland-Today
Togdheer-Online
Togdheersports
Sanaag-Web
Somaliland-talk
Golis-News
Somaliland-Edu
somalilandnews.info
Somaliradio
Radiyow-Garoowe
Radiyow-SBS
Radiyow-S-Sweden
Radiyow-Copenhag
Radiyow-Warsan
Radiyow-Banadir
Radiyow-Xoriyo
Radiyow&Tv-Jabuuti
Radiyow-Qaran
Radiyow-Dalmar
Radiyow-Sagal
Radiyow-Som(USA)
Rstvonline.com
Xisbiyo/ngo
Academy 4 P & Dev
IPR-Institute
Qurbaawi-journal
Systo.org
S-Pictures/Ahmed
S-Chamberofco
Taste Of Africa
Ururka-Sirag
Xisbiga-Kulmiye
Xisbiga-Udub
Xisbiga-Ucid
Ganacsilinks
Ambassador-Hotel
Dahabshiil-Company
Daallo-Airline
Damal-Airline
Maansoor-Hotel
Star-Africanair
Burao-cityplaza
Login Form





Lost Password?
No account yet? Register
 
Mujaahidka Todobaadka: Muj:Jaamac Cali Cilmi

Mujaahid_jaamac_Cali_Cimi_yar- 4.jpgMarxuun Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed ee Caanka ka ah Ciidamada dhex-dooda, sababaha ugu mihiimsan ee uu caanka ku ahaan waxa ka mid ahaa aqoontiisa tacliimeed oo aad u saraysay, isagoo leh aqoon iyo astaamo hogaamineed oo hufan (Leadership qualifications), Asluub iyo hab-dhaqan aad u wanaagsan. Marxuumka Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii sida xun loogu cadaadiyey hab-dhaqankii caanka ahaa ee dawladdii keli-taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee la odhan jirey Kacaan-diidka, taasoo aakhirkii sababtey inuu ka ruqsaysto Ciidamada

 
a
"Dhallinyaradii Waddanku Way Haajiraysaa, Laakiin Waxaan La Yaabahanay Halkay Ku Socdaan" Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland
Friday, 28 March 2008

Hargeysa (Halganews)- Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa walaac weyn ka muujiyey dhallinyarada reer Somaliland ee tahriibka isugu biimaynaya badaha, isaga oo sheegay inay badi dhallinyaradii dalku haajireen.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidaa ka sheegay xaflad deeq waxbarasho lagu guddoonsiinayey ardayda wax ka barata dugsiyada Gobolka Sool oo lagu qabtay shalay Jaamacadda Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo uu horkacayey, Guddoomiyayaasha jaamacadaha Hargeysa iyo Cammuud, arday laga soo kala macsuumay jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa, macallimiinta iyo ardayda Jaamacada Hargeysa.

Deeqdan ardaydu guddoonsiisay Guddiga taalkulaynta gobollada bari waxay ka koobnayd 5760 buug wax lagu barto ah, 5100 qalin iyo 9,000 tamaashiir ah, taas oo loogu talogalay inay wax ku bartaan 1200 arday oo ku sugan Gobolka Sool muddo sannad badhkii ah.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo munaasibadaa hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in deeqdani ka turjumayso fariin reer Sool lagu leeyahay qoriga dhiga oo aqoonta u dareera.

"Buugaagtan tacliinta lagu baranayaa waa fariin loo dirayo Sool oo la leeyahay qoriga degta ka dhiga oo buuga qaata, waa fariin muhiim ah. Tusaale fiican ayaad u dirteen Sool taas oo ah waxaannu nahay ardaydii jaamacadda Hargeysa oo intaas oo goor laga qalinjabiyey 17 sanno, idinkana qori baa la idiin xambaariyey ee qoriga iska dhiga, maanta qorigu waa qalin," ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Waxa uu Madaxweyne-ku-xigeenku kula dardaarmay masuuliyiinta jaamacadaha dalka inay kobciyaan oo lagu dadaalo sidii kor loogu qaadi lahaa cilmiga teknooliga, isla markaana loogu soo jeedsan lahaa sidii wax-soo-saar waddanka loogu soo saari lahaa.

Waxa kale oo uu Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ka hadlay tahriibka oo uu sheegay inay tahay mushkiladda weyn oo soo food saartay dhallinyaradii, iyaga oo aan garanayn meesha ay tagayaan sida ay tahay.

Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Dhallinyaradii waddanku way haajiraysaa, laakiin waxaan la yaabahanay halkay ku socdaan, sababta oo ah idinku halkan baad ka hesheen tacliintii, raggan wax idiin dhigayaana maanta waa raggii qurbaha wax ku soo bartay ee soo eedaaday, laakiin mid baan idiin sheegayaa inanka shahaadada Master-ka qaatay ee tagay Yurub waxba kama jiraan wixiisa, hore waan u sheegay oo waxaan ku idhi madbakh [qolka cuntada lagu kariyo] ayuun baad nadiifin. Waxaad moodaa in aynu nahay ummad cagta laga falay oo soconaysa uun, laakiin aan lahayn bar-tilmaameed ay u socdaan waa arrin layaab leh; qaar saxaare ayey ku dhinteen, qaar bad bay ku qarraqmeen. Halkan [Somaliland] aqoon kasta oo jabani way taalaa, adoo jooga gurigaaga oo tacliintaadii haysta meel kuu dhaantaa ma jirto."

Waxaannu intaa ku daray, "Waddankeenii wuxuu ku socdaa saxaare, wiilkii joogay miyiga waxa la baraa siduu geed qoyan u googayn lahaa ee uu u huurin lahaa oo dabadeedna uga dhigi lahaa dhuxul, hadda waa wiilkii la bari jiray sida xoolaha loo xannaaneeyo, loo intifaaco iyo sida loo sahamiyo. Waxa isweydiin leh caqligeennii halkuu ku maqan yahay, maxaynu u fikiri weynay, xoolihii waynaga ka gubnay dhirtii. Waxaynu nahay waddanka keliya ee sideeda nimcoolay Ilaahay siiyey, laakiin ma daryeelno. Waxaan leeyahay cilmiga aynu baranayno aynu ku fadhiisino waxaynu leenahay."

Waxa kale oo uu Md. Axmed Yuusuf ku cannaantay cilmiga leh iyo guud ahaan ummaddaba in aan waxba la isku sheegayn oo aan qofka khaldan laga qabanayn waxa uu samaynayo. "Iska daa wax kale oo waxaynu wax u sheegi kari la’nahay gabadha maqaaxida ku karinaysa suuqa in la yidhaa walaal biyahan aad maanta oo dhan wax ku maydhaysay god u qod oo ku shub. Markii la baadhay biyahaa gabadhu maalintii oo dhan wax ku maydhayso cudurka TP-da ayaa laga helay, miyeynu hurudnaa mise waynu soo jeednaa. Anigu waxaan isleeyahay dadkii waddanka lahaa ma joogaan. Xilka waddanku wuxuu saaran yahay muwaadinka, annagu maamulkii baanu nahay haddii aannu gurigii dhisi kari weyno waxa weeye waar na dhaafa gurigii waad dhisi kari weydeene," ayuu yidhi Yaasiin.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Pro. Cabdi Haybe, ayaa isna sheegay in deeqda noocan ahi wax weyn u tarayso ardayda. "Saddex shay oo cid kasta oo dhallinyaro ahi ay u baahan yihiin ayey deeqdani dawaynaysaa, waa haraad, gaajo iyo wareer. Buugaasi isagoo haraadan ayaa haddii qalinka iyo buuga la isu qaado ay farxadi gelaysaa carruurta."

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Pro. Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa sheegay in ardayda Jaamacadda Hargeysa sameeyeen wax wanaagsan oo ku dasho mudan, waxaannu ballanqaaday in Jaamacadda Camuudna tan oo kale samayn doonto. "Sune wanaagsan oo ayaad noo jeexdeen, annaguna kaas ayaanu raacaynaa oo waanu bixin doonaa, haddaanaan kaba yar badin tiinan. Deeqdani waa mid faa’iido leh oo ah kaalintii la innaga filayey weliba waxyaabaha kalena ku darsano," ayuu Prof. Saleebaan Axmed Guuleed.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ku hadlayey afka macalimiinta jaamacadda Hargeysa oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in wax ku qaadashadu aanay ahayn inta ay le’eg tahay waxa ardaydu bixiyeen, balse tahay garashada ay garteen in walaalahooda gobolka Sool ku nool.

"Cibraddu kuma jirto buurnida waxay ardaydani keeneen ee waxay ku jirtaa garashada, qiimuhu wuxuu ku jiraa tabida iyo garashada ay garteen walaalahooda ku nool Sool. Dhallinyarada da’ yarta ahi ee ardayda ahi siyaasadda iyo wax kale toona dan kama laha ee waxay dareemeen walaalahooda halkaa ku nool ee go’doonsanaa muddada ayey waxay garteen in xil ka saaran yahay oo gacan ka siiyaan inta taagtoodu tahay waxbarashadooda.

Quruxdu waxay ku jirtaa ardayda kale ee halkan ku casuumani dariska ay ka qaadan doonaan iyo hawsha siday u sii wadi doonaan, waxay tusaale u noqdeen inay kuwo kale baraarujiyaan," ayuu yidhi Abwaan Gaariye.

"Waanu idinku soo dhawaynaynaa Madaxweyne-ku-xigeen jaamacadda adiga iyo madaxda kale ee kula socota, si gaar ah waxaan u ammaanayaa Cali-warancadde oo haddaanu shicibka nahay mucaarid iyo muxaafid shaqada uu qabtay aannu ku doogsanay, waxaan ku leeyahay halkaa ka sii wad cid darrajo bixisana shacbigaa ugu qiimo badan."

Fu’aad Cabdi Obsiiye oo ku hadlayey magaca guddidii hawshan isu xilsaartay, ayaa isna sheegay in kasta oo aan ardayga laga fili karin dhaqaale buuran oo lagu baahi tiri karo meel baahiyi ka jirto, haddana arday Jaamacadda Hargeysa iyo macalimiintoodu ay muujiyeen dareen waddaninimo oo aad u ballaadhan. Waxaannu xusay in ardayda oo dareenkooda ay ku dheehan tahay shucuur wadaninimo ubadka wax ku barta gobolka Sool ay ku keliftay qaybtooda ka qaataan gurmadka loogu jiro gobolkaas.

"Deeqdani waxay ka kooban 30 kartoon oo ah buugaagta wax lagu qoro oo ay ku jiraan 5760 buug, 3 kartoon oo qalimaan ah oo ay ku jiran 5100 qalin, 3 kartoon oo tamaashiir ah oo ay ku jiraan 9,000. Guud ahaan marka la isku celceliyo agabkani waxay ku filnaan karayaan hal sannad-dugsiyeed qaybtii arday gaadhi karta 1200 arday. Dhinac marka laga eego maaha dhaqaale sii buuran, balse waa dareen waddaninimo oo taaban kara qof kasta oo damiirkiisu ka damqan karo duruufaha ku gedaaman habsami u socodka goobaha waxbarasho ee gobolka Sool," ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye.

AA.Sheekh, Hargeysa.

 
< Prev   Next >

.

Sh adan siiro.jpgHalganews iyo Qudbadaha jimcaha ee Masaajidka Xawaadle qudbadahan oo taxane joogta  ah jimce walba  halkan ka dhagayso Qudbadii Jimcahan 29.02.2008 iyo Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadan siiro)

 
Qoraalkan riix si aad u hesho ama aad u dhagaysato Qudbadihii Hore ee Sheekh Aadan Siiro

 

Hawl Galkii Badbaado ee lagu furtay Jeelka Mandheera 3/1/1983kii

Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno....

 
Hawl-galkii Birjeex Ee lagula Baxay Col.C/lahi Askar

Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo.....

 
Labadaa dil midkood gacan ku dhiiglaha isagu geystey waxa laga raafey Cali-Xaydh

midi waa geesiyadaa oo marka cadawgu kula dagaalamayo nin-ba ninka uu ka qaalisan yahay ayuu abaaraa, Aadan Shiine iyo C/Qaadir Koosaar-na geesiyaal bay ahaayeen, waa ta labaad'e waa dagaal bilaw ah oo cusub, oo ku socda in la tirtiro taariikhda halgankii lagu xoreeyey dalkan, waa ta saddexaad'e waxa looga jeedaa fidmo laga abuuro dadka dhexdiisa, taas oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qaranimada Somaliland, anigu sidaasaan qabaa, waayo cidna umay qabsan SNM dilalkaasi, haddana iyadiibaa dib loogu soo celiyey markaa anigu ma garanayo waxa looga jeedo ee aan sidaa ahayn...

 
Gabay Gees ka gees Mujaahid Dr. Cabdi Salam Yasiin ayaa tiriyay waaba gabay Khuseeya Halganka

Runa anaantii anoon sharax badan ka bixinayn Dr. C/sallaan Yaasiin oo ahaa mid ka mida halgamayaashii xiliga dheer u halgamayay  in dadku mar uun baadilku ka tago C/salaan waa mid ka mida shantii nin ee fadhiday Miiskii lagaga dhawaaqay SNM 06.04.1981kii sida Sawirka sarena aad ku aragtaan C/sallaan waa ninka taagan  ee hadlaya hadaba Dr. C/sallaan Yaasiin oo halgankii ka dib lamaqal in badan oo ay xaruntiisu tahay Dalka Saudi arebiya halkaas oo uu ku noolyahay Dr. C/sallaan ayaa hadaba tiriyay Tix la magac baxday Gees ka gees oo ka hadlaysa wakhtigii tagay iyo Wakhtagn Xaadirka ah ba isaga oo ereyadiisa ay ka mid yihiin...

 
Sannad guuradii 14-aad ka soo wareegaty Qaranimada Somaliland

Kudhawaaqista madaxbanaanida Somaliland waxa ay kadambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulayastay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare kadib markii uu halgan dheer u soo galay,waxaanu ururkii S.N.M lsmarkiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Somaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland....

 
31 May Maalin Kulansatay saddex munaasibadood oo Taariikhi ah Faysal Cali Sheekh, Jamhuuriya

Waxa kale oo Ciidanka SNM hawlgal ku qaadeen 29kii May 1988 Xerada Cadaadley oo sagaashan (90km) dhinaca Bari ka xigta Hargeysa. Hawlgalada Ciidamada SNM ee Hargeysa wuxu ahaa gulufkii dagaal ee taariikhda SNM ugu muddada dheeraa, dagaalkii Mujaahidiintii SNM oo 2:00 duhurnimo ee 31kii May 1988 ay ka soo dhaqaaqeen Tuulada Bali-Samatar oo waxyar u jirta xuduudda, waxay duhur cad iyaga oo saaran Kolanyo Baabuur ah ku soo jiidheen Ciidamaddii qaybta 26aad ee loogu talogalay Difaaca Magaalada ee Teedsanaa inta u dhexaysa Xuduudda iyo Magaalada iyada oo Kolonyaddii Ciidanka ay ka war heleen Diyaaradihii Sahanka Cadowga oo Markii Ciidamada SNM xuduudda ka soo gudbeen dul marayay

 
Baroor-diiq Geeridii Abdirahmaan Ahmed Ali iyo Halgankii SNMta. Hargeysa...November 15th '03...SNN

Cabdiraxmaan Tuur oo labaatan sannadood Safiir ahaa, labaatan kale oo xigayna jabhad iyo hoggaamiye ahaa iyo geel-dhaqasho halkee ayay iska soo galaan. Waa habeen aanu booqasho iyo kormeer ku maraynay tuulooyinka xuduudda ku taxan ee gobollada bari. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee SNM. Waxaanu la soconnay wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SNM. Yicib-yabooh ayaanu goor fiid ah ku soo hoyannay. Garo� oo Cabdiraxmaan ayaa marti loogu ahaa Yicib-yabooh. Kollay habeenkaa qarbe-qarbe ayuu xaalku iska ahaayoo, sabaayad ayaanu ku cashaynay. Cadihii iyo sooryadii maalintii xigtay ayay is-raaceen.

 
HALACSIGA MAALIN-QORKA: HESHIISKII SIYAAD BARRE & MENGISTU XAYLE MARIAM EE 1988kii

Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray?...

 
Goormay Kuugu darnayd!? waxaa ka sheekaynaya Mujaahid Haybe Axmed Gure (Haybe-Laambad)

Waxa ay iigu darnayd anigoo u madax ah ciidankii 11aad ee deggenaa xeebta Bula-Xaar iyo Boolay anagoo tiradayadu ay ahayd 150 nin oo naftood hurayaal ah oo aanwaxba cunin 4 caano maal oo ah 2 habeen iyo 2 maalmood ayaa nala ogaaday oo nala soo weeraray. Waxa na soo weeraray ciidan aan ku qiyaasay 500 nin iyo Tignikadoodii. Markii aanu ka warhelnay in weerarku nagu soo maqanyahay ayaan fayliyay ciidankii dabadeed waxaan idhi, “Waa dalkeenii iyo dadkeenii waynu u dhimanaynaa ee difaaca”. Ninka ugu badani 50 midh oo rasaas ah ayuu sitaa, waxaan ku wargeliyay,oo ku idhi, “Rasaastii iyo cuntadiiba cadawga ayaa inoo sida ee sidaa ku ogaada”.....

 
  @copyright (C) 2003 - 2007 Halganews