Calanka Somaliland
 
Sl-radio
Radiyow Horyaal
Radiyow Hargeisa
Bbc Somalilga
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
Radio-shabelle
Codka Somaliland
Radiohormuud
Radiogolis
Radiowaaberi
Radio-Waaheen
S-land-links
Aftahan.com
AwdalNews
Caynabo
Hadhwanaagnews
Hoyga-suugaanta
Hargaysanews
Hargeysa.org
Haatuf
Jamhuuriya
Qarannews.com
Radio-Somaliland
Redsea-Online
Somalilandforum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland-center
Somalilandfuture
Sl-Democracy-Watch
Sooyaal.com
Saaxil-net
Tvsomalilandeurope
Somaliland-Today
Togdheer-Online
Togdheersports
Sanaag-Web
Somaliland-talk
Golis-News
Somaliland-Edu
somalilandnews.info
Somaliradio
Radiyow-Garoowe
Radiyow-SBS
Radiyow-S-Sweden
Radiyow-Copenhag
Radiyow-Warsan
Radiyow-Banadir
Radiyow-Xoriyo
Radiyow&Tv-Jabuuti
Radiyow-Qaran
Radiyow-Dalmar
Radiyow-Sagal
Radiyow-Som(USA)
Rstvonline.com
Xisbiyo/ngo
Academy 4 P & Dev
IPR-Institute
Qurbaawi-journal
Systo.org
S-Pictures/Ahmed
S-Chamberofco
Taste Of Africa
Ururka-Sirag
Xisbiga-Kulmiye
Xisbiga-Udub
Xisbiga-Ucid
Ganacsilinks
Ambassador-Hotel
Dahabshiil-Company
Daallo-Airline
Damal-Airline
Maansoor-Hotel
Star-Africanair
Burao-cityplaza
Login Form





Lost Password?
No account yet? Register
 
Mujaahidka Todobaadka: Muj:Jaamac Cali Cilmi

Mujaahid_jaamac_Cali_Cimi_yar- 4.jpgMarxuun Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed ee Caanka ka ah Ciidamada dhex-dooda, sababaha ugu mihiimsan ee uu caanka ku ahaan waxa ka mid ahaa aqoontiisa tacliimeed oo aad u saraysay, isagoo leh aqoon iyo astaamo hogaamineed oo hufan (Leadership qualifications), Asluub iyo hab-dhaqan aad u wanaagsan. Marxuumka Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii sida xun loogu cadaadiyey hab-dhaqankii caanka ahaa ee dawladdii keli-taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee la odhan jirey Kacaan-diidka, taasoo aakhirkii sababtey inuu ka ruqsaysto Ciidamada

 
a
Furitaanka Shirweynaha 2aad ee KULMIYE iyo Khudbadihii Laga Jeediyey
Saturday, 29 March 2008

 

Hargeysa (Halganews)- Shirweynaha Labaad Ee Xisbiga KULMIYE ayaa si rasmi ah uga furmay maanta Hotel Ambaaasadoor ee caasimada Hargeysa. Shirweyanahan oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay in ka badan lix boqol iyo kontay xubnood oo isugu jira ergay, goobjoogayaal iyo marti sharaf kale, waxayna ergada shirka ka soo qaybgashay gaadhaysaa 573-Ergay oo ka kala yimi lixda gobol ee Somaliland iyo qurbo jooga reer Somaliland ee taageerada xisbiga KULMIYE.

Xubno laga soo casuumay Xisbiga UCID iyo Ururka Qaranka. Madasha shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE oo si weyn loo agaasimay waxa marti-sharafta lagu marti-qaaday ka mid ah safiirka ama wakiilka dawlada itoobiya u fadhiya Somaliland hase yeeshee wakiilku kama uu soo qayb gelin isagoo la sheegay inuu u safar dhinaca itoobiya ah ugu baxay waxaana halkiisii kaga soo qayb galay madaxa xafiiska ganacsiga ee xafiiska dawlada itoobiya ku leedahay hargeysa Mr Tadele Asigedon, masuuliyiinta xafiisyada qaramada midoobay, kuwa caalamiga ah iyo wadaniga ah, waxa kale oo marti-sharafta ka soo qayb gashay shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE ka mid ah xubno ka socda komishanka doorashooyinka qaranka oo ay ka mid yihiin gudoomiyihii hore ee iscasilay Maxamed Yuusuf Axmed iyo gudoomiye ku xigeenka gudiga doorshooyinka Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa kale oo marti sharafta madasha ka muuqata ka mida abwaanada waaweyn ee Maxamed ibraahim Warsame "Hadraawi", iyo Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" waxa kale oo iyaguna ka soo qayb-galayaasha ka mid ahaa xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo ka oo jeeda xisbiga UCID.

Dhinaca kale waxa shil gaadhi ku geeryooday saaka subixii hore laba ergay oo ka mid ahaa ergooyinka shirweynaha xisbiga KULMIYE, kuwaasoo kala ahaa Marxuum Xasan Cabdillaahi Cabdsiiye iyo Cabdi Cali Cilmi. Ugu horayn waxa uu soo jeediyay Gudoomiyaha KULMIYE Md. Siilaanyo oo uu hor-dhigay shirweynaha magacyada xubnaha shirgudoonka cusub ee hogaamin doona shirka. "Markii aanu dhexdayada tashanay, waxaanu isla qaadanay inaanu idin hor-dhigno xubnaha shirweynaha ina hogaamin doona. shirka ayaa ansixin kara, diidi karana. " Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Xaaji Axmed Siilaanyo. Waxaana halkaas cod-gacan-taag ah oo aqlabiyada lagu ansixiyay xubnaha shir-gudoonka oo kala ahaa: -

1- Cabdicasiis Maxamed Samaale (Gudoomiye).

2-Axmed Xaaji Cali Cadami (Gudoomiye ku-xigeen.

3-Xasan Guure Jaamac (Gudoomiye ku-Xigeen)

4-Layla Cismaan (Gudoomiye ku-xigeen).

5-Xuseen Axmed Caydiid (Xoghaye).

573-kii xubnood ee madasha shirka fadhiyay waxa shir-gudoonka cosob diiday Afar xubnood oo keliya, cid ka aamustayna may jirin. "Wallaalayaal hadaanu nahay guddida loo magacaabay hogaaminta shirka aniga oo magacooda ku hadlaya, hambalyo ayaanu shirka u soo jeedinaynaa, annagana noogu duceeya in Illaahay hawsha noo fududeeyo oo nagu asturo. Waxaan u mahad-naqayaa gudoomiyihii Guddida qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE iyo guddidiisii iyo ciddii kale ee la shaqaynaysayba.

Waxaanaan leeyahay, Ilaahay ha idinka abaal-mariyo hawshii aad qabateen. Shirweynaha dadka runtii qiimaha leh ee halkan fadhiya, waan idiin mahad-naqaynaa dhamaantiin, arrintana waxaanu u arkaynaa inay tahay masuuliyad iyo xil, xilkuna waa waxay samooyinka iyo dhulkuba diideen. In Illahay saddexdaa maalmood nagu asturo, si guul iyo sharaf ahna noogu dhamaato ayaan Ilaahay ka baryayaa. " Sidaas waxa yidhi Gudoomiyaha cusub ee shirgudoonka shirweynaha Labaad ee Xisbiga KULMIYE, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu hawshii shirka ku wareejiyay Guddoomiyihii qaban-qaabada ka dib markii lagu wareejiyay xilka shirguddoonka.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). "Waxaan raalli-gelin ka bixinayaa iyada oo shirkani dib uga dhacay wakhtigii loogu talo-galay. Waxa wakhtigaa yari fursad noo siiyay inay dad badan oo qiimo lihi nagu soo biiraan. Higsiga KULMIYE waxa weeye horumar, caddaalad, nabdayn iyo aqoonsi caalami ah.

Aasaaskii xisbiga KULMIYE waxa la siiyay 20 May 2002. wuxuu helay ogolaansha 7- September, 24 December 2007-dii. Isreeb-reebkii urur siyaasadeed ka bacdi waxa Xisbiga KULMIYE ku soo biiray Haween iyo Rag miisaan leh oo ka kala yimi Ururadii Sahan, Asad iyo Hormood. Doorashadii Madaxtooyada waxa ku guulaystay Hargeysa togdheer Sanaag iyo SOol, laba gobol ee Saaxil iyo Awdal oo xisbiga UDUB ku guulaystay mooyaane. Intaas oo gobol markaad rinji mariso oo eegto waad yeebaysaa, siday ku dhacday waa yaab in laba gobol ka bataan afartaa gobol ee wayn. waa wax tagay waa siddeetan cod. doorashadii Baarlamanka ee tagay waxa uu ka galay kaalinta Labaad. Waxa Xisbigu la galay heshiis UCID oo kaalinta saddexaad ka gashay si ay wada jir hogaanka Wakiillada u hantiyaan," ayuu yidhi Md. Siilaanyo oo ka waramayay taariikhda Xisbiga KULMIYE sidaas ayuu ku yidhi khubaddiisa Md. Siilaanyo isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyay oo yidhi; "SNM waxay xaqiijisay himiladeedii oo waxay dhashay Somaliland-ta maanta jirta.

Dadweynaha Somaliland waxa uu mudan yahay ammaan dedaalka uu u gaystay iyo samirka iyo dulqaadka uu u yeelanayay aafooyinka dabiiciga ah sida aabaraha, xaalufka cudurada iyo waxyaale kale, waxa waliba taa u dheer in maamul xumada maanta dalka ka jirta. Oo ay ka mid tahay musuqmaasuqa xadhkaha goostay, miisaaniyadii Qaranka oo la baabiyay, heshiisyo dibadeed oo si gaar loo galo oo aan loo ogolayn in cidina kala xisaabtanto in la eego. Cabudhinta saxaafada, ku tumshada xuquuqal Inshaanka. Xisbigu waxa uu caddaynayaa oo soo bandhigaa barnaamijka siyaasadeed ee uu umadda ku hagayo marka uu xukunka wadanka qabto Insha Allaah.

Ku-dhaqanka distoorka, toosinta maamulka dawladeed, nidaamka dhaqaalaha dalka oo noqon doona mid ku dhisan suuqa xorta ah, qaybta dawladdu gacanta ku hayso oo xisaab lagu samayn doono, xeerka cashuuraadka oo la dhimo, waxqabada shaqaalaha iyo dekadda oo heerkooda kor loo qaado. Hay’adaha Qaranka ee Madaxtooyadu si tooska ah u adeegsato, isgaadhsiinta dalka oo si dhab ah oo horumariyo. Waxbarashada iyo adeega caafimaadka, horumarinta haweenka dhalinyarada iyo qaybaha bulshada oo wax loo qabto. Gobollada Sool iyo Sanaag, nasiib wanaag Sool iyo Sanaag Bari waxay si toos ah uga mid yihiin wallaalahood. Waxaanu ciidamada qaranka ee aaggaas difaaca kaga jira waxaanu ku ammaanaynaa sida xannaanada sharafta iyo xaq-dhawrka leh ee ay kula dhaqmeen dadka aagaas ee shacabkooda ah.

Xisbiga KULMIYE xidhiidh wanaagsan wuu la leeyahay gobolladaas, shirka ka bacdina waxa uu ku rajo wayn yahay inuu si wayn uga dhex-muuqdaan siyaasiyiintooda iyo dadkuba. Waxa kale aanu ku kalsoonahay inaanu xidhiidh fiican la leenahay gobolladaas.

Arrinta aqoonsiga waxa qayb wayn ka noqonaya horumarka dalkeenna ka muuqda, waxaanaan aaminsanahay inaanay dareen iyo aragti midaysan ka yeelano. Mana aha in xukuumadda iyo maamulka jiraa uu yidhaahdo idiin warami mayo. Waxa muuqata in adduunyadu ku soo dhiiranayso wax-wada-qabsigeena iyo xiisaha dunidu inoo hayso. Xisbiga KULMIYE wuxuu aad u soo dhawaynayaa dhaqdhaqaaqa cusub ee dawladaha waawayn ee Yurub iyo Maraykanku u danaynayaan inaynu wax wada qabsi." Sidaas ayuu ku soo koobay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE khudbad dheer oo uu ka jeediyay shirweyanaha.

Gudoomiyaha 1-aad ee Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Shirgudoonka shirweynaha 2-aad ee Xisbiga KULMIYE, Md. Cabdicasiis Samaale

"Wallaalayaal haddaanu nahay guddida loo magacaabay hoggaaminta shirka aniga oo magacooda ku hadlaya, hambalyo ayaanu shirka u soo jeedinaynaa, annagana noogu duceeya in Illaahay hawsha noo fududeeyo oo nagu asturo. Waxaan u mahad-naqayaa gudoomiyihii Guddida qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE iyo guddidiisii iyo ciddii kale ee la shaqaynaysayba. Waxaanaan leeyahay, Ilaahay ha idinka abaal-mariyo hawshii aad qabateen. Shirweynaha dadka runtii qiimaha leh ee halkan fadhiya, waan idiin mahad-naqaynaa dhammaantiin, arrintana waxaanu u arkaynaa inay tahay masuuliyad iyo xil, xilkuna waa waxay samooyinka iyo dhulkuba diideen. In Illaahay saddexdaa maalmood nagu asturo, si guul iyo sharaf ahna noogu dhamaato ayaan Ilaahay ka baryayaa. " Sidaas waxa yidhi Gudoomiyaha cusub ee shirgudoonka shirweynaha labaad ee Xisbiga KULMIYE, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu hawshii shirka ku wareejiyay Gudoomiyihii qaban-qaabada ka dib markii lagu wareejiyay xilka shirguddoonka. Shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE. Gudoomiyaha Guddida Qaban-qaabada: Dr Axmed Muxumed Madar:

"Waxaana leeyahay sida wanaagsan ee aad u soo ajiibteen, noogala soo qayb-gasheena waad ku mahadsan tihiin aad iyo aad ayanaan idiinku ammaanayaa. Xilkan waxa xisbigu noo igmaday oo noo magacaabay hawshan qaban-qaabada oo ah hawl ballaadhan, soona martay maraaxil kala duwan, oo aan odhan karo waxa salkeedu ahaa oo laga doonayay shirweynahan aynu maanta u fadhiyo in lagu hago si dimuqraadiyadda, waxay nagu qaadatay muddada, waxay maanta adduunyadu noogu markhaati kici doontaa, in xisbiga KULMIYE yahay xisbiga keliya ee raba inuu ku hago ummaddiisa si dimuqraadiya oo xor ah. Waxa ahayd nuxurka guddiyada loo sameeyay in umadda Somaliland uu xi iska saaray KULMIYE in dimuqraadiyada ay umadu doonayso, xisbiyada kale ee magaca la sheeganayaana kaga daydaan.

Waxaan maqlaynay KULMIYE shirkiisii wuu habsaamay, wuu is-haystaa. Oo ay fidinayeen dad cadow ummadda Somaliland ah oo aan jeclayn kana xun in Somaliland ay gaadho horumar iyo dimuqraadiyad. waxaanu maanta qiraynaa inay tahay mid ay ku fashilmeen oo haday shalay indhaha nagu soo taageen inay maanta hoos-u-ridi doono. Shirweynaheenu inuu maanta ay rabeen inuu fashilmo. Illaahay idimkaa ma fashilmayo waxaynu maanta ka marag-nahay inaynu maanta isugu nimi in umaddeena dhibaatadu haysato inay fahmeen oo ay garteen mudadaa dawladii ay iyagu u igmadeen ay hagrateen, isla-markaana ay garteen cidda rajadoodii ay garbaha ka saareen uu yahay xisbiga KULMIYE, inteena halkeenan fadhinana uu xil-gaar ahi innaga saaran yahay si aynu u noqono kuwii guta, garta dhibkana ka saara umadooda. " Ayuu yidhi Gudoomiyaha Guddidda qaaban-qaabada shirweynaha labaad ee Xisbiga KULMIYE.

Wuxuu intaa ku daray; "Waxaan hadalkayga ku soo koobaya, muddadii aan ku soo jirnay hawsha qaban-qaabada habkii dimuqraadiga ahaa ee aynu ku soo hawlnayn hawshan kollay waxa ina soo kala gaadhayay qardaafooyin. Markaa waxaan idinka codsanayaa inaad aniga I saamaxdaan, idinkuna wixii idinka kala gaadhay kolley siyaasaddu way iska leedahaye inaad isa saamaxdaan. Waxaan leeyahay codawga KULMIYE waa cadawga Somaliland ee kuwa fooxa ugu ridaya dhibkeena inay ku quus-goostaan. Hawsha labaad ee aynu galayno ee inoo taallaana waxa weeye in dooraashooyinkii deegaanka kuwa Madaxtooyada innaga gacmaha is-haysana inaynu guul insha Allaah ka gaadhno."

Guddoomiyaha qabanqaabada Dr Axmed Muxumed Madar; "Waxaana leeyahay sida wanaagsan ee aad u soo ajiibteen, noogala soo qayb-gasheena waad ku mahadsan tihiin aad iyo aad ayanaan idiinku ammaanayaa. Xilkan waxa xisbigu noo igmaday oo noo magacaabay hawshan qaban-qaabada oo ah hawl balaadhan, soona martay maraaxil kala duwan, oo aan odhan karo waxa salkeedu ahaa oo laga doonayay shirweynahan aynu maanta u fadhiyo in lagu hago si dimuqraadiyada, waxay nagu qaadatay mudada, waxay maanta adduunyadu noogu markhaati kici doontaa, in xisbiga KULMIYE yahay xisbiga keliya ee raba inuu ku hago umadiisa si dimuqraadiya oo xor ah.

Waxa ahayd nuxurka guddiyada loo sameeyay in umadda Somaliland uu xi iska saaray KULMIYE in dimuqraadiyada ay umadu doonayso, xisbiyada kale ee magaca la sheeganayaana kaga daydaan. Waxaan maqlaynay KULMIYE shirkiisii wuu habsaamay, wuu is-haystaa oo ay fidinayeen dad cadow ummadda Somaliland ah oo aan jeclayn kana xun in Somaliland ay gaadho horumar iyo dimuqraadiyad. waxaanu maanta qiraynaa inay tahay mid ay ku fashilmeen oo haday shalay indhaha nagu soo taageen inay maanta hoos-u-ridi doono. Shirweynaheenu inuu maanta ay rabeen inuu fashilmo.

AA.Sheekh, Hargeysa.

 
< Prev   Next >

.

Sh adan siiro.jpgHalganews iyo Qudbadaha jimcaha ee Masaajidka Xawaadle qudbadahan oo taxane joogta  ah jimce walba  halkan ka dhagayso Qudbadii Jimcahan 29.02.2008 iyo Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadan siiro)

 
Qoraalkan riix si aad u hesho ama aad u dhagaysato Qudbadihii Hore ee Sheekh Aadan Siiro

 

Hawl Galkii Badbaado ee lagu furtay Jeelka Mandheera 3/1/1983kii

Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno....

 
Hawl-galkii Birjeex Ee lagula Baxay Col.C/lahi Askar

Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo.....

 
Labadaa dil midkood gacan ku dhiiglaha isagu geystey waxa laga raafey Cali-Xaydh

midi waa geesiyadaa oo marka cadawgu kula dagaalamayo nin-ba ninka uu ka qaalisan yahay ayuu abaaraa, Aadan Shiine iyo C/Qaadir Koosaar-na geesiyaal bay ahaayeen, waa ta labaad'e waa dagaal bilaw ah oo cusub, oo ku socda in la tirtiro taariikhda halgankii lagu xoreeyey dalkan, waa ta saddexaad'e waxa looga jeedaa fidmo laga abuuro dadka dhexdiisa, taas oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qaranimada Somaliland, anigu sidaasaan qabaa, waayo cidna umay qabsan SNM dilalkaasi, haddana iyadiibaa dib loogu soo celiyey markaa anigu ma garanayo waxa looga jeedo ee aan sidaa ahayn...

 
Gabay Gees ka gees Mujaahid Dr. Cabdi Salam Yasiin ayaa tiriyay waaba gabay Khuseeya Halganka

Runa anaantii anoon sharax badan ka bixinayn Dr. C/sallaan Yaasiin oo ahaa mid ka mida halgamayaashii xiliga dheer u halgamayay  in dadku mar uun baadilku ka tago C/salaan waa mid ka mida shantii nin ee fadhiday Miiskii lagaga dhawaaqay SNM 06.04.1981kii sida Sawirka sarena aad ku aragtaan C/sallaan waa ninka taagan  ee hadlaya hadaba Dr. C/sallaan Yaasiin oo halgankii ka dib lamaqal in badan oo ay xaruntiisu tahay Dalka Saudi arebiya halkaas oo uu ku noolyahay Dr. C/sallaan ayaa hadaba tiriyay Tix la magac baxday Gees ka gees oo ka hadlaysa wakhtigii tagay iyo Wakhtagn Xaadirka ah ba isaga oo ereyadiisa ay ka mid yihiin...

 
Sannad guuradii 14-aad ka soo wareegaty Qaranimada Somaliland

Kudhawaaqista madaxbanaanida Somaliland waxa ay kadambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulayastay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare kadib markii uu halgan dheer u soo galay,waxaanu ururkii S.N.M lsmarkiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Somaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland....

 
31 May Maalin Kulansatay saddex munaasibadood oo Taariikhi ah Faysal Cali Sheekh, Jamhuuriya

Waxa kale oo Ciidanka SNM hawlgal ku qaadeen 29kii May 1988 Xerada Cadaadley oo sagaashan (90km) dhinaca Bari ka xigta Hargeysa. Hawlgalada Ciidamada SNM ee Hargeysa wuxu ahaa gulufkii dagaal ee taariikhda SNM ugu muddada dheeraa, dagaalkii Mujaahidiintii SNM oo 2:00 duhurnimo ee 31kii May 1988 ay ka soo dhaqaaqeen Tuulada Bali-Samatar oo waxyar u jirta xuduudda, waxay duhur cad iyaga oo saaran Kolanyo Baabuur ah ku soo jiidheen Ciidamaddii qaybta 26aad ee loogu talogalay Difaaca Magaalada ee Teedsanaa inta u dhexaysa Xuduudda iyo Magaalada iyada oo Kolonyaddii Ciidanka ay ka war heleen Diyaaradihii Sahanka Cadowga oo Markii Ciidamada SNM xuduudda ka soo gudbeen dul marayay

 
Baroor-diiq Geeridii Abdirahmaan Ahmed Ali iyo Halgankii SNMta. Hargeysa...November 15th '03...SNN

Cabdiraxmaan Tuur oo labaatan sannadood Safiir ahaa, labaatan kale oo xigayna jabhad iyo hoggaamiye ahaa iyo geel-dhaqasho halkee ayay iska soo galaan. Waa habeen aanu booqasho iyo kormeer ku maraynay tuulooyinka xuduudda ku taxan ee gobollada bari. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee SNM. Waxaanu la soconnay wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SNM. Yicib-yabooh ayaanu goor fiid ah ku soo hoyannay. Garo� oo Cabdiraxmaan ayaa marti loogu ahaa Yicib-yabooh. Kollay habeenkaa qarbe-qarbe ayuu xaalku iska ahaayoo, sabaayad ayaanu ku cashaynay. Cadihii iyo sooryadii maalintii xigtay ayay is-raaceen.

 
HALACSIGA MAALIN-QORKA: HESHIISKII SIYAAD BARRE & MENGISTU XAYLE MARIAM EE 1988kii

Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray?...

 
Goormay Kuugu darnayd!? waxaa ka sheekaynaya Mujaahid Haybe Axmed Gure (Haybe-Laambad)

Waxa ay iigu darnayd anigoo u madax ah ciidankii 11aad ee deggenaa xeebta Bula-Xaar iyo Boolay anagoo tiradayadu ay ahayd 150 nin oo naftood hurayaal ah oo aanwaxba cunin 4 caano maal oo ah 2 habeen iyo 2 maalmood ayaa nala ogaaday oo nala soo weeraray. Waxa na soo weeraray ciidan aan ku qiyaasay 500 nin iyo Tignikadoodii. Markii aanu ka warhelnay in weerarku nagu soo maqanyahay ayaan fayliyay ciidankii dabadeed waxaan idhi, “Waa dalkeenii iyo dadkeenii waynu u dhimanaynaa ee difaaca”. Ninka ugu badani 50 midh oo rasaas ah ayuu sitaa, waxaan ku wargeliyay,oo ku idhi, “Rasaastii iyo cuntadiiba cadawga ayaa inoo sida ee sidaa ku ogaada”.....

 
  @copyright (C) 2003 - 2007 Halganews