|
Hargeysa (Halganews)- Shirweynaha Labaad Ee Xisbiga KULMIYE ayaa si rasmi ah uga furmay maanta Hotel Ambaaasadoor ee caasimada Hargeysa. Shirweyanahan oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay in ka badan lix boqol iyo kontay xubnood oo isugu jira ergay, goobjoogayaal iyo marti sharaf kale, waxayna ergada shirka ka soo qaybgashay gaadhaysaa 573-Ergay oo ka kala yimi lixda gobol ee Somaliland iyo qurbo jooga reer Somaliland ee taageerada xisbiga KULMIYE.
Xubno laga soo casuumay Xisbiga UCID iyo Ururka Qaranka. Madasha shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE oo si weyn loo agaasimay waxa marti-sharafta lagu marti-qaaday ka mid ah safiirka ama wakiilka dawlada itoobiya u fadhiya Somaliland hase yeeshee wakiilku kama uu soo qayb gelin isagoo la sheegay inuu u safar dhinaca itoobiya ah ugu baxay waxaana halkiisii kaga soo qayb galay madaxa xafiiska ganacsiga ee xafiiska dawlada itoobiya ku leedahay hargeysa Mr Tadele Asigedon, masuuliyiinta xafiisyada qaramada midoobay, kuwa caalamiga ah iyo wadaniga ah, waxa kale oo marti-sharafta ka soo qayb gashay shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE ka mid ah xubno ka socda komishanka doorashooyinka qaranka oo ay ka mid yihiin gudoomiyihii hore ee iscasilay Maxamed Yuusuf Axmed iyo gudoomiye ku xigeenka gudiga doorshooyinka Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa kale oo marti sharafta madasha ka muuqata ka mida abwaanada waaweyn ee Maxamed ibraahim Warsame "Hadraawi", iyo Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" waxa kale oo iyaguna ka soo qayb-galayaasha ka mid ahaa xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo ka oo jeeda xisbiga UCID.
Dhinaca kale waxa shil gaadhi ku geeryooday saaka subixii hore laba ergay oo ka mid ahaa ergooyinka shirweynaha xisbiga KULMIYE, kuwaasoo kala ahaa Marxuum Xasan Cabdillaahi Cabdsiiye iyo Cabdi Cali Cilmi. Ugu horayn waxa uu soo jeediyay Gudoomiyaha KULMIYE Md. Siilaanyo oo uu hor-dhigay shirweynaha magacyada xubnaha shirgudoonka cusub ee hogaamin doona shirka. "Markii aanu dhexdayada tashanay, waxaanu isla qaadanay inaanu idin hor-dhigno xubnaha shirweynaha ina hogaamin doona. shirka ayaa ansixin kara, diidi karana. " Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Xaaji Axmed Siilaanyo. Waxaana halkaas cod-gacan-taag ah oo aqlabiyada lagu ansixiyay xubnaha shir-gudoonka oo kala ahaa: -
1- Cabdicasiis Maxamed Samaale (Gudoomiye).
2-Axmed Xaaji Cali Cadami (Gudoomiye ku-xigeen.
3-Xasan Guure Jaamac (Gudoomiye ku-Xigeen)
4-Layla Cismaan (Gudoomiye ku-xigeen).
5-Xuseen Axmed Caydiid (Xoghaye).
573-kii xubnood ee madasha shirka fadhiyay waxa shir-gudoonka cosob diiday Afar xubnood oo keliya, cid ka aamustayna may jirin. "Wallaalayaal hadaanu nahay guddida loo magacaabay hogaaminta shirka aniga oo magacooda ku hadlaya, hambalyo ayaanu shirka u soo jeedinaynaa, annagana noogu duceeya in Illaahay hawsha noo fududeeyo oo nagu asturo. Waxaan u mahad-naqayaa gudoomiyihii Guddida qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE iyo guddidiisii iyo ciddii kale ee la shaqaynaysayba.
Waxaanaan leeyahay, Ilaahay ha idinka abaal-mariyo hawshii aad qabateen. Shirweynaha dadka runtii qiimaha leh ee halkan fadhiya, waan idiin mahad-naqaynaa dhamaantiin, arrintana waxaanu u arkaynaa inay tahay masuuliyad iyo xil, xilkuna waa waxay samooyinka iyo dhulkuba diideen. In Illahay saddexdaa maalmood nagu asturo, si guul iyo sharaf ahna noogu dhamaato ayaan Ilaahay ka baryayaa. " Sidaas waxa yidhi Gudoomiyaha cusub ee shirgudoonka shirweynaha Labaad ee Xisbiga KULMIYE, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu hawshii shirka ku wareejiyay Guddoomiyihii qaban-qaabada ka dib markii lagu wareejiyay xilka shirguddoonka.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). "Waxaan raalli-gelin ka bixinayaa iyada oo shirkani dib uga dhacay wakhtigii loogu talo-galay. Waxa wakhtigaa yari fursad noo siiyay inay dad badan oo qiimo lihi nagu soo biiraan. Higsiga KULMIYE waxa weeye horumar, caddaalad, nabdayn iyo aqoonsi caalami ah.
Aasaaskii xisbiga KULMIYE waxa la siiyay 20 May 2002. wuxuu helay ogolaansha 7- September, 24 December 2007-dii. Isreeb-reebkii urur siyaasadeed ka bacdi waxa Xisbiga KULMIYE ku soo biiray Haween iyo Rag miisaan leh oo ka kala yimi Ururadii Sahan, Asad iyo Hormood. Doorashadii Madaxtooyada waxa ku guulaystay Hargeysa togdheer Sanaag iyo SOol, laba gobol ee Saaxil iyo Awdal oo xisbiga UDUB ku guulaystay mooyaane. Intaas oo gobol markaad rinji mariso oo eegto waad yeebaysaa, siday ku dhacday waa yaab in laba gobol ka bataan afartaa gobol ee wayn. waa wax tagay waa siddeetan cod. doorashadii Baarlamanka ee tagay waxa uu ka galay kaalinta Labaad. Waxa Xisbigu la galay heshiis UCID oo kaalinta saddexaad ka gashay si ay wada jir hogaanka Wakiillada u hantiyaan," ayuu yidhi Md. Siilaanyo oo ka waramayay taariikhda Xisbiga KULMIYE sidaas ayuu ku yidhi khubaddiisa Md. Siilaanyo isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyay oo yidhi; "SNM waxay xaqiijisay himiladeedii oo waxay dhashay Somaliland-ta maanta jirta.
Dadweynaha Somaliland waxa uu mudan yahay ammaan dedaalka uu u gaystay iyo samirka iyo dulqaadka uu u yeelanayay aafooyinka dabiiciga ah sida aabaraha, xaalufka cudurada iyo waxyaale kale, waxa waliba taa u dheer in maamul xumada maanta dalka ka jirta. Oo ay ka mid tahay musuqmaasuqa xadhkaha goostay, miisaaniyadii Qaranka oo la baabiyay, heshiisyo dibadeed oo si gaar loo galo oo aan loo ogolayn in cidina kala xisaabtanto in la eego. Cabudhinta saxaafada, ku tumshada xuquuqal Inshaanka. Xisbigu waxa uu caddaynayaa oo soo bandhigaa barnaamijka siyaasadeed ee uu umadda ku hagayo marka uu xukunka wadanka qabto Insha Allaah.
Ku-dhaqanka distoorka, toosinta maamulka dawladeed, nidaamka dhaqaalaha dalka oo noqon doona mid ku dhisan suuqa xorta ah, qaybta dawladdu gacanta ku hayso oo xisaab lagu samayn doono, xeerka cashuuraadka oo la dhimo, waxqabada shaqaalaha iyo dekadda oo heerkooda kor loo qaado. Hay’adaha Qaranka ee Madaxtooyadu si tooska ah u adeegsato, isgaadhsiinta dalka oo si dhab ah oo horumariyo. Waxbarashada iyo adeega caafimaadka, horumarinta haweenka dhalinyarada iyo qaybaha bulshada oo wax loo qabto. Gobollada Sool iyo Sanaag, nasiib wanaag Sool iyo Sanaag Bari waxay si toos ah uga mid yihiin wallaalahood. Waxaanu ciidamada qaranka ee aaggaas difaaca kaga jira waxaanu ku ammaanaynaa sida xannaanada sharafta iyo xaq-dhawrka leh ee ay kula dhaqmeen dadka aagaas ee shacabkooda ah.
Xisbiga KULMIYE xidhiidh wanaagsan wuu la leeyahay gobolladaas, shirka ka bacdina waxa uu ku rajo wayn yahay inuu si wayn uga dhex-muuqdaan siyaasiyiintooda iyo dadkuba. Waxa kale aanu ku kalsoonahay inaanu xidhiidh fiican la leenahay gobolladaas.
Arrinta aqoonsiga waxa qayb wayn ka noqonaya horumarka dalkeenna ka muuqda, waxaanaan aaminsanahay inaanay dareen iyo aragti midaysan ka yeelano. Mana aha in xukuumadda iyo maamulka jiraa uu yidhaahdo idiin warami mayo. Waxa muuqata in adduunyadu ku soo dhiiranayso wax-wada-qabsigeena iyo xiisaha dunidu inoo hayso. Xisbiga KULMIYE wuxuu aad u soo dhawaynayaa dhaqdhaqaaqa cusub ee dawladaha waawayn ee Yurub iyo Maraykanku u danaynayaan inaynu wax wada qabsi." Sidaas ayuu ku soo koobay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE khudbad dheer oo uu ka jeediyay shirweyanaha.
Gudoomiyaha 1-aad ee Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Shirgudoonka shirweynaha 2-aad ee Xisbiga KULMIYE, Md. Cabdicasiis Samaale
"Wallaalayaal haddaanu nahay guddida loo magacaabay hoggaaminta shirka aniga oo magacooda ku hadlaya, hambalyo ayaanu shirka u soo jeedinaynaa, annagana noogu duceeya in Illaahay hawsha noo fududeeyo oo nagu asturo. Waxaan u mahad-naqayaa gudoomiyihii Guddida qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE iyo guddidiisii iyo ciddii kale ee la shaqaynaysayba. Waxaanaan leeyahay, Ilaahay ha idinka abaal-mariyo hawshii aad qabateen. Shirweynaha dadka runtii qiimaha leh ee halkan fadhiya, waan idiin mahad-naqaynaa dhammaantiin, arrintana waxaanu u arkaynaa inay tahay masuuliyad iyo xil, xilkuna waa waxay samooyinka iyo dhulkuba diideen. In Illaahay saddexdaa maalmood nagu asturo, si guul iyo sharaf ahna noogu dhamaato ayaan Ilaahay ka baryayaa. " Sidaas waxa yidhi Gudoomiyaha cusub ee shirgudoonka shirweynaha labaad ee Xisbiga KULMIYE, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu hawshii shirka ku wareejiyay Gudoomiyihii qaban-qaabada ka dib markii lagu wareejiyay xilka shirguddoonka. Shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE. Gudoomiyaha Guddida Qaban-qaabada: Dr Axmed Muxumed Madar:
"Waxaana leeyahay sida wanaagsan ee aad u soo ajiibteen, noogala soo qayb-gasheena waad ku mahadsan tihiin aad iyo aad ayanaan idiinku ammaanayaa. Xilkan waxa xisbigu noo igmaday oo noo magacaabay hawshan qaban-qaabada oo ah hawl ballaadhan, soona martay maraaxil kala duwan, oo aan odhan karo waxa salkeedu ahaa oo laga doonayay shirweynahan aynu maanta u fadhiyo in lagu hago si dimuqraadiyadda, waxay nagu qaadatay muddada, waxay maanta adduunyadu noogu markhaati kici doontaa, in xisbiga KULMIYE yahay xisbiga keliya ee raba inuu ku hago ummaddiisa si dimuqraadiya oo xor ah. Waxa ahayd nuxurka guddiyada loo sameeyay in umadda Somaliland uu xi iska saaray KULMIYE in dimuqraadiyada ay umadu doonayso, xisbiyada kale ee magaca la sheeganayaana kaga daydaan.
Waxaan maqlaynay KULMIYE shirkiisii wuu habsaamay, wuu is-haystaa. Oo ay fidinayeen dad cadow ummadda Somaliland ah oo aan jeclayn kana xun in Somaliland ay gaadho horumar iyo dimuqraadiyad. waxaanu maanta qiraynaa inay tahay mid ay ku fashilmeen oo haday shalay indhaha nagu soo taageen inay maanta hoos-u-ridi doono. Shirweynaheenu inuu maanta ay rabeen inuu fashilmo. Illaahay idimkaa ma fashilmayo waxaynu maanta ka marag-nahay inaynu maanta isugu nimi in umaddeena dhibaatadu haysato inay fahmeen oo ay garteen mudadaa dawladii ay iyagu u igmadeen ay hagrateen, isla-markaana ay garteen cidda rajadoodii ay garbaha ka saareen uu yahay xisbiga KULMIYE, inteena halkeenan fadhinana uu xil-gaar ahi innaga saaran yahay si aynu u noqono kuwii guta, garta dhibkana ka saara umadooda. " Ayuu yidhi Gudoomiyaha Guddidda qaaban-qaabada shirweynaha labaad ee Xisbiga KULMIYE.
Wuxuu intaa ku daray; "Waxaan hadalkayga ku soo koobaya, muddadii aan ku soo jirnay hawsha qaban-qaabada habkii dimuqraadiga ahaa ee aynu ku soo hawlnayn hawshan kollay waxa ina soo kala gaadhayay qardaafooyin. Markaa waxaan idinka codsanayaa inaad aniga I saamaxdaan, idinkuna wixii idinka kala gaadhay kolley siyaasaddu way iska leedahaye inaad isa saamaxdaan. Waxaan leeyahay codawga KULMIYE waa cadawga Somaliland ee kuwa fooxa ugu ridaya dhibkeena inay ku quus-goostaan. Hawsha labaad ee aynu galayno ee inoo taallaana waxa weeye in dooraashooyinkii deegaanka kuwa Madaxtooyada innaga gacmaha is-haysana inaynu guul insha Allaah ka gaadhno."
Guddoomiyaha qabanqaabada Dr Axmed Muxumed Madar; "Waxaana leeyahay sida wanaagsan ee aad u soo ajiibteen, noogala soo qayb-gasheena waad ku mahadsan tihiin aad iyo aad ayanaan idiinku ammaanayaa. Xilkan waxa xisbigu noo igmaday oo noo magacaabay hawshan qaban-qaabada oo ah hawl balaadhan, soona martay maraaxil kala duwan, oo aan odhan karo waxa salkeedu ahaa oo laga doonayay shirweynahan aynu maanta u fadhiyo in lagu hago si dimuqraadiyada, waxay nagu qaadatay mudada, waxay maanta adduunyadu noogu markhaati kici doontaa, in xisbiga KULMIYE yahay xisbiga keliya ee raba inuu ku hago umadiisa si dimuqraadiya oo xor ah.
Waxa ahayd nuxurka guddiyada loo sameeyay in umadda Somaliland uu xi iska saaray KULMIYE in dimuqraadiyada ay umadu doonayso, xisbiyada kale ee magaca la sheeganayaana kaga daydaan. Waxaan maqlaynay KULMIYE shirkiisii wuu habsaamay, wuu is-haystaa oo ay fidinayeen dad cadow ummadda Somaliland ah oo aan jeclayn kana xun in Somaliland ay gaadho horumar iyo dimuqraadiyad. waxaanu maanta qiraynaa inay tahay mid ay ku fashilmeen oo haday shalay indhaha nagu soo taageen inay maanta hoos-u-ridi doono. Shirweynaheenu inuu maanta ay rabeen inuu fashilmo.
AA.Sheekh, Hargeysa. |