Calanka Somaliland
 
Sl-radio
Radiyow Horyaal
Radiyow Hargeisa
Bbc Somalilga
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
Radio-shabelle
Codka Somaliland
Radiohormuud
Radiogolis
Radiowaaberi
Radio-Waaheen
S-land-links
Aftahan.com
AwdalNews
Caynabo
Hadhwanaagnews
Hoyga-suugaanta
Hargaysanews
Hargeysa.org
Haatuf
Jamhuuriya
Qarannews.com
Radio-Somaliland
Redsea-Online
Somalilandforum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland-center
Somalilandfuture
Sl-Democracy-Watch
Sooyaal.com
Saaxil-net
Tvsomalilandeurope
Somaliland-Today
Togdheer-Online
Togdheersports
Sanaag-Web
Somaliland-talk
Golis-News
Somaliland-Edu
somalilandnews.info
Somaliradio
Radiyow-Garoowe
Radiyow-SBS
Radiyow-S-Sweden
Radiyow-Copenhag
Radiyow-Warsan
Radiyow-Banadir
Radiyow-Xoriyo
Radiyow&Tv-Jabuuti
Radiyow-Qaran
Radiyow-Dalmar
Radiyow-Sagal
Radiyow-Som(USA)
Rstvonline.com
Xisbiyo/ngo
Academy 4 P & Dev
IPR-Institute
Qurbaawi-journal
Systo.org
S-Pictures/Ahmed
S-Chamberofco
Taste Of Africa
Ururka-Sirag
Xisbiga-Kulmiye
Xisbiga-Udub
Xisbiga-Ucid
Ganacsilinks
Ambassador-Hotel
Dahabshiil-Company
Daallo-Airline
Damal-Airline
Maansoor-Hotel
Star-Africanair
Burao-cityplaza
Login Form





Lost Password?
No account yet? Register
 
Mujaahidka Todobaadka: Muj:Jaamac Cali Cilmi

Mujaahid_jaamac_Cali_Cimi_yar- 4.jpgMarxuun Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed ee Caanka ka ah Ciidamada dhex-dooda, sababaha ugu mihiimsan ee uu caanka ku ahaan waxa ka mid ahaa aqoontiisa tacliimeed oo aad u saraysay, isagoo leh aqoon iyo astaamo hogaamineed oo hufan (Leadership qualifications), Asluub iyo hab-dhaqan aad u wanaagsan. Marxuumka Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii sida xun loogu cadaadiyey hab-dhaqankii caanka ahaa ee dawladdii keli-taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee la odhan jirey Kacaan-diidka, taasoo aakhirkii sababtey inuu ka ruqsaysto Ciidamada

 
a
WARBIXINTA GUDOOMIYAHA XISBIGA, MUDANE AXMED MAXAMED SILANYO,
Saturday, 29 March 2008

 

Waxaa sharaf iyo farxadba ii ah in aan idinku soo dhoweeyo shirweynaha 2aad ee Xisbiga KULMIYE. Isla markaa waxaan ka xumahay in xubno badan oo xisbiga ka mid ah dibed iyo gudaba iyo marti-sharaf kale oo manta aan jeclaa, istaahilay aadna u xiisaynayey inay innagala soo qeybgalaan shirweynahan, ay sababo kala duwan suurto gal u noqon weyday. Kuwaas waxaanu leenahay qalbigayaga iyo dareenkayaguba si buuxda ayey idiinla jiraane naga raalli noqda.

Waxaan kaloo ictidaar iyo raalli gelin ka bixinayaa, iyadoo qabashada shirkani u dib uga dhacay wakhtigii markii hore u qorshaysnaa, waxaanse kalsooni idinku siinayaa in dibu- dhacaasi ay sabab u ahayd iyada oo xisbigu wada- tashi dhexdiisa ah ku hawllanaa ,taasoo nidaamyada dimuqraadiga ah caadi u ah. Midda kale, waxa wakhtigaas yara dheeraaday fursad inoo siiyey, in dad badan oo qiima lehi innagu soo biiraan.

HIGSIGA KULMIYE (Kulmiye VISION)

Dhismaha hannaan maamul oo dhaxalgal ah kaas oo noqda mid ka tarjumaya himilada dadweynaha Somaliland:

Nabadayn, horuumar, dimoqraadiyad, cadaalad iyo aqoonsi caalami ah

Taarikhdii Xisbiga.

Asaaskii xisbiga KULMIYE, waxa markii ugu horraysay urur ahaan la siiyey:

· Ogolaanshahii ku meel gaadhka ahaa 20kii May 2002

· Aqoonsiga rasmiga ah ee urur siyaasi ah oo tartanka dawladaha hoose ka qeybgeli kara wuxuu helay 7 september 2002.

· Aqoonsiga buuxa, ee ka mid noqoshada 3da xisbi ee Qaran wuxuu qaatay 24kii December 2002 .

Muddo yar ka bacdi waxa xisbigu qabsaday shirweynihiisi kowaad, kaasoo u rasmi ahaan ku dhistay distoor iyo barnaamij siyaasadeed, kuna doortay hoggaankiisa siyaasadeed.

Is reeb-reebkii ururrada siyaasadeed ka bacdi, waxa Xisbiga KULMIYE ku soo biiray, rag iyo haween badan oo miisaan leh oo la odhan karo waxay ahayeen haldoorkii ururradii hore ee Hormud, Asad iyo Sahan. Waxay ahayd arrintaasi guul weyn oo derejadii iyo sumcaddii xisbiga kor u qaadday.

Doorashooyinkii

Doorashooyinkii dalka ka dhacay, haddaan labadii doorashee u dambeeyey uguna waaweynaa soo qaato, watii Madaxtooyada (April 2003) iyo tii Barlamaanka ee (October 2005) , doorashadii madaxtooyada waxa xisbiga KULMIYE ku guulaystay oo kaalinta 1aad ka galay 4 gobol oo ka mid ah 6 gobol ee dalku ka koobanyahay, kuwaasoo kala ahaa Hargeisa ( Maroodi Jeex), Togdheer, Sanaag iyo Sool labada gobol ee kale ee Awdal iyo Saaxil halka u xisbigu ka galay kaalinta labaad. UDUB, xisbiga talada hayaana labadaa gobollee dambe kaalinta kowaad ka galay. Bal soo qaado maabka gobollada dalku ka kooban yahay sidii doorashada xisbiyadu u kala heleenna midabo kala duwan u mari, dib isu tag oo sidaas u eeg !! oo adba ha yaabin Waa wax tegey . waa 80 cod waase taariikh.

Doorashadii baarlamaanka ee u dambaysey waxaa Xisbiga KULMIYE ka galay kaalinta labaad. Wuxuu iskaashi la sameeyey xisbiga kale ee mucaaridka ah UCID oo isagu kaallinta sadexaad galay si ay hoggaanka barlamaanka labada xisbi u qabsadaan. Arrintaasi waxay noqotay mid mucaaridku ku guulaystay.

Waxqabadka xisbiga

Xisbigu wuxuu ka furanyahay, oo xafiisyo iyo laamo, ku leeyahay gobollada dalka oo idil iyo degmooyin badan.Waxa u iyana laamo ku leeyahay waddammo badan oo dibedda ah ay ka mid yihiin Europe, America, Austaralia, iyo dalalka Carabta. Xisbiga iyo taagerayaashiisu waxay door hormudnimo ka qaateen

· Halganka loogu jiro in Somaliland hesho ictiraaf caalami ah

· Ololyaasha horuumarinta iyo dhismaha dalka, iyaga oo mar walba dhiiri-gelinayey, isna dhinac taagayey qeybaha bulshada ey ka mid yihiin:

Maalgashiga ajanebiga iyo qurbajoog reer Somaliland ee ku hawllan horumarinta dalka sida wershadaha, skuullada, jaamacadaha, cusbataallada iyo mashaaricda kale.

· Dhiirrigelinta ganacsiga xorta ah iyo suuq geynta xoolaha nool.

· La dagaallanka musuqmaasaqa

· U hiilinta xuquuq al insaanka, xorriyatal qowlka, iyo madax banaannida saxaafadda

· Taageerada dhallinyarada, haweenka, naafada, ururrada halgankii iyo naafadooda.

· Golayaasha xeer dejinta

·Taagerada ciidamada qaranka iyo kuwa nabadgelyada iyo dhiirrigelinta hawlaha ay qaranka u hayaan.

·Waxa kaloo xisbigu qeyb wax ku ool ah ka qaatay arrimaha nabadaynta dalka iyo la dagaallanka argagixisada masalan (guushii ay soo hooyeen wakiilladii iyo tagerayaasha KULMIYE ee reer Dhoqoshay markay soo qabteen gacan ku dhiiglayaashi ajanabiga laayey)

·Waxaanu awood dhaqaale u fidinay mashaaricda iskaa-wax-uqabso ee dhismaha waddooyinka, briijyada Hargeisa iyo Burco cusbataallada iyo aafooyinka dabiiciga ah ee dalka ka dhaca. Waxaa ugu dambaysey taageradii aanu u fidinay cusbatallka Las -Caanod , daawooyinkii iyo qalabkii qurbajooga KULMIYE ee Americada waqooyi soo direy, taas oo xisbigu toos ugu wareejiyey wasaaradda caafimaadka si ay gobollada oo dhan u gaadhsiiyaan. Taagerada iyo dhiirrigelinta dhallinyarada ; ururradooda, cayaarahooda iyo shirarkooda IWM.

Qiimaynta xaaladda dalka

Inta aanan qeybta dambe ee hadalkayga u gudbin, waxaan tilmaan gaaban ka bixinayaa dalka iyo dadka aynu nahay.

· Somaliland waa meeshii ugu horreysay ee carrada Soomalidu degto, calan xornimo laga taago, taas oo ahayd 26 June 1960.

·Taariikh ahaan marka la eego waa dadkii doofka debedda ee Somalida hormudka ka ahaa ee , horqaaday xidhiidkii dalalka Carabta, Ingriiska, Europe-ta kale iyo qaarrada waqooyiga America.

·Wuxuu degaankeedu eegayaa qeybaha ugu strategic- san Badda Cas, Berbera iyo xeebta ku dherersani na xuddun u tahay.

·Degaanka Somaliland bad iyo berriba wuxuu ka mid yahay meelaha la ogyahay in uu qani ku yahay macaadin badan oo dunidu manta aad u doonayso sida baatroolka iyo macaadin kalo qaali ah. Intaas waxa dheer xoolaha nool, kaluumaysiga iyo beeraha.

Somaliland mar bay fursadeedii lumisay, balse markii dambe dhiig badan bay ku qubtay, naf badanna way u hurtay si ay madax banaanideeda ula soo noqoto. SNM waxay xaqiijisay mbadi’da ay u dagaallantay, waxayna dhidibada u aastay Somalilanda manta jirta, xorta ah, nabad ku nool ee jidkii dimoqraadiyada qaadday.Waxaa dadweynaheedu si baaxad leh uga qeyb qaatay dib- u-dhiskii dalka, nabadaynta dhexdiisa ah, horumarinta bulshada iyo u hawl -galka aqoonsiga dibadeed ee Somaliland.

Dadweynaha Rer Somaliland waxa uu mudan yahay ammaan, doorka u ka qaatey dhismaha dalka iyo nabadayntiisa. Dedaalka u geystay waa mid runtii aan la qiimayn Karin.

Intaas waxa dheer samirka iyo adkaysiga uu u yeeshay dhibaatooyinka kaga imaanayey xagga dabeecadda, sida abaaraha, duufaanka, xaalufka, cudurrada iwm.

Haddaba waxa ayaan-darro ah, iyadoo waxaas oo halgan iyo dedaal ah ummaddu u soo martay ama se ugu jirto dhamaystirka xurriyadeeda iyo kor u qaadista horumarkeeda, in maamulka xukumadeed ee manta dalka ka dhisani uu ummadda kula kaco hagardaamooyin iyo siyaasado dumin kara wixii ummaddu ku soo tacabtay iyo himiladii ay higsanayeen.

Maamul xumida manta ka jirta dalka waxa astaan u ah

Ku xadgudubka distoorka iyo baalmarista sharciyadda dalka oo dhinacyo badan leh

Ku tumashada xaquuqal-insaanka, cabudhinta saxaafadda iyo xorriyatal qawlka

Musuqmaasuqa xadhkaha goostay

Baabiinta ganacsiga madaxabannaan iyo suuqa xorta ah ee ganacsiga sida kan xoolaha nool

Miisaaniyadii qaranka oo la baabi’iyey

Barlamaankii iyo hayadihii sharci dejinta oo la iska baal-maray

Heshiisyo dibedeed oo si badheed ah la isaga galo, oo wixii la doono lagula heshiiyo si gaar ahna wax looga qaato oo aan la oggolayn in cidina kala xisaabtanto madaxweynaha iyo wasiiradiisa.

Siyaasadda KULMIYE

Haddaba waa maxay siyaasadda xisbiga KULMIYE ee ku wajahan xaaladaha caynkaas ah ee ka jira dalka? Marka ugu horraysa xisbigu wuxuu cadaynayaa in u manta yahay xisbi mucaarid ah, oo xilkas ah, taasoo micnaheedu yahay in u marwalba si geesinimo ah u tilmaamayo waxyaabaha gefafka ku ah ee maamulka manta dalka ka jiraa kula kacayo dadka. Wuxuu isla markaa danaynayaa, in aan dalka wax burbur ah, iyo dhibaato ahi ku iman degenaashihiisa iyo nabadgelyadiisa midna . Marka labaad waxa KULMIYE u soo bandhigayaa ummadda barnaamijka iyo siyaasadda u dalka ku hagayo marka u hogaanka dalka qabto.

Haddaan tilmaan guud ka bixiyo afkaarta ay siyaasada KULMIYE ku fadhido. KULMIYE wuxuu u taaganayahay inu toosiyo dismaha dawladnimo ee marinhabaabay, kuna beddelo mid ku salaysan himilooyinka dalka iyo dadkiisa.Waxaa ka mid ah:

·Ku dhaqanka distoorka iyo shuruucda dalka

·Garsoorka oo si dhab ah u madax bannaanaada, loona dhamystiro baahiyihiisa

· Toosinta maamulka dawladeed, qeyb kastoo ay u tahay ba.

·Nidaamka dhaqaalaha dalka oo noqda mid ku dhisan diirrigelinta iyo kobcinta suuqa xorta ah (free enterprise)

·Qeybta dawladdu gacanta ku hayso oo lahaada nidaam, xisaab celin iyo daahfurraan (transparency and public accountability)

·Maaliyadda iyo xeerarkeeda oo dib loo habeeyo si la xisaabtankeedu u fududaato.

·Heerka cashuurta ee daruuriyaadka oo la dhimo laguna beddelo la baxsiga cashuuraha iyo musuqmaasuqa oo lala dagaallamo

· Shaqada lo qabto ganacsatada wax la soo degta ama dhoofsata oo loo fududeeyo.

· Waxqabadka shaqaalaha iyo adeega dekedda oo heerkiisa kor loo qaado

·Dekedda Berbera oo loo dhigo qorshe dub u habayn ah ay kula tartanto dekedaha kheyrkeed ah ee ay isku mandaqadda iyo isku badda ku wada yaalliin.

· Hay'adaha Qaranka ee madaxweynaha toos u hoos yimaada ee dawladduna sida gurracan u adeegsato waxaa KULMIYE ku tala jiraa in uu u sameeyo guddiyo maamul oo madaxbannaan (independent boards) waxa ka mid ah, Dekedaha, Baanka Dhexe iyo warbaahinta dawladda

·Isgaadhsiinta dalka gudihiisa oo si dhab ah loo hormariyo. Waxa mudnaan la siinaya waddooyinka gobollada isku xidha sida Hargeisa/Burco,

Hargeisa /Borama

Burco / Ceerigaabo

Iyo waddooyinka Hawdka.

· Waxbarashada iyo adeega cafimaadka, horumarinta dhallinyarada, haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada ee u baahan tixgelin gaar ah in la siiyo, intuba si tilmaan buuxda iyo mudnaan leh ayey uga muuqan doonaan barnaamijka xisbiga KULMIYE.

Gobollada Sool iyo Sanaag

Nasiib wanaag maanta gobollada Sanaag Bari iyo Sool waxay si buuxda uga midyihiin walaalahooda kale ee Rer Somaliland ee taariikh, ehelnimo, dal iyo dan ba wadaagaan.

Waxaanu maamulka dhexe ee dalka ku guubaabinaynaa in si deg deg ah wax qabad hor leh oo la taaban karo, sidii ballanku ahaa loogu muujiyo dadweynaha gobolladaas. Waxaanu ciidamada Qaranka Somaliland ee gobolladaas difaaca kaga jira ku hambalyenayaa wajibaadkooda qaran ey si fiican u gutteen oo keliya mahee, waxaanu bogaadin ugu soo jeedinaynaa sida sharafta, xannaanada, iyo xaqdhawraka leh ay dadweynaha gobolladaas deggan kula dhaqmaan .

Waxaanu shaki ku jirin in saaxadda siyaasadeed ee dalka gudihiisa wax badani iska bedelayaan oo firfircooni iyo hawl xiisa badan oo siyaasadeed ka aloosmi doonto gobolladaas. Xisbiga KULMIYE xidhiid aad u wanaagsan wuu la leeyahay dadweynaha gobolladaas, shirweynaha ka bacdina waxa u qorshaysan in si mug weyn looga arko gobolladaas iyo dadweynaha deggan dhexdiisa.

Siyaasadda xisbiga KULMIYE ee ku wajahan gobolladaasi waxay culayska saaraysaa sidii marka hore walaalaynta iyo nabadaynta dadka gobolladaas ahmiyad weyn loo siin lahaa, wixii shaki iyaga iyo qeybaha kale ee reer Somaliland ku dhex jirana looga saari lahaa. Waxa isla markaa lagama maarmaan ah wax qabad degdeg ah oo la taaban karo oo saameeya adeegyada bulshada oo dhan iyo horumarkooda dhaqaale laga fuliyo gobolladaa. Waxaan kaloo ku kalsoonahay in door siyaasadeed oo muuqda oo mug leh gobolladaasi ka ciyaari donnaan siyaasadda qaranka

Siyaasadda Dibedda ee Xisbiga KULMIYE

Aqoonsiga Somaliland waa himilo qaran oo eynu halgan ugu jirno, dibed iyo gudoba, balse waxa loo baahanyahay in aynu marwalba xusuusano waxaa arrintaa qeyb weyn ka qaadanaya ama sal u ah horumarka dhinacyada kala duwan leh ee aynu dalkeena gudihiisa ka gaadhno, oo ay duniduna inagu qiimayso

KulmIYE wuxuu aaminsan yahay ineynu arrimahaa qaran ahaan fikir iyo fácil midaysan ka yeelanno. Maamulka maanta jira waa iuu Hay’daha qaranka sida barlamaanka, Asxaabta iyo dadweynaha ba dareen iyo aragti midaysan ku hoggaamiyaa oo aanu odhan idiin warrami maayo sida iminka dhacda.

Beryahan dambe waxaa aad u soo ifbaxaya faraqa u dhexeeya xasilloonida guud ee ka jirta dalkeena iyo xaaladda murugada leh ee ka taagan Somalia, iyo meela badan ee Africa iyo dunida ka mid ah.

Waxa muuqata rajo wanaagsan oo ah in dunidu ku soo dhiiranayso ama isu soo barbarinayso wax wada qabsigeena iyo macaamilkeena inagoo ku rajo weyn una hawlgeli doona in wada shaqeyntaasi u gudubto ictiraaf iyo agoonsi buuxda iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh.

Xisbiga KULMIYE wuxuu aad u soo dhoweeynayaa dhaqdhaqaaqa cusub ee dunida, khaasatan sida dawladaha waawayn ee América, Europe IWM u danaynayaan wadashaqeynteena iyo rajada wax wada qabsigaas ina galinayo inaynu gaadhno aqoonsi siyaasadeed waqti aan fogeyn insha Allaahu

AU, Midowga Africa wuxuu innaga horqaaday caqabadda weyn oo innaga hortaallay ictiraaf, taasoo ahayd, in xuduudihii hore ee isticmaarku ka tegay aan la beddeli karin si aan, xuduudaha Africa isugu yaacin. Midowga Africa wuxuu markii hore arrintaa u tarjuntay mid gooni isu taaga Somaliland ka dhan ah balse, waxaa manta laysla qirayaa inan qodobkaasi qadiyadeena wax u dhimi karin sababtoo ah innagu manta ku doodi mayno in xuduuddii isticmaarku ka tegey la beddelo oo mid ka duwan la raaco, balse waxa doodeenu tahyba in la soo noqoshada madaxbanaanideena u cuskanayno xuduuduhii isticmaarku ka tegay laftooda sida mabaadiida xuduudaha waddamada kale eeAfrica u dhexeeyaa ku dhisanyihiin

Dal ahaan siysaddeena debeddu waxay ku salaysantahay mabaadida u taagan nabadgelyo, jaar wanaag, isqadderin iyo u hoggaansanaanta mabaadiida uu qeexayo charterka UNku.

Xisbi ahaan waxaanu ka soo horjeednaa wax allaale wixii wax yeelaya xasilloonida gobolka , jaarwanaagga iyo falal kastoo u adeegaya argagixisonimo ama wax dumin.

Waxaanse jecelnahay inaanu hoosta ka xarriiqno in wada shaqeyntaas iyo wax wada qabsigaasi noqdo mid ku fadhiya in dawlad waliba si buuxda u ixtiraamto una tixgaliso madaxbannaanida iyo haybadda qarannimo iyo dawladnimo ee tan kale.

SOMALIA

waxaan u rajaynaynaa in Ilaahay burburka iyo dhibaatada dadka aanu walaalaha nahay haysata ka kor qaado.Waxaanu leenahay Jamciyadda Quruumaha, Midowga Africa, dawladaha Carabta , islaamka iyo dunida kaleba waajibkooda arrintaas ka saaran ha gutaan, ahmiyadda ay leedahayna ha siiyaan.

Arrimaha maanta taagan iyo gebogebo

Inta aanan soo gunaanadin warbixintayda aan eryo kooban ka idhaahdo sadex arrimood oo hadal hayntooda cusubyihiin ayaamahakan, kuwaasoo kala ah:

Dib-u dhaca ku imaan kara doorashooyinka

Diiwaangelinta

Magacaabista gobollada iyo degmooyinka cusub

Waa tan hore eh, qorshe hawleedkii ku saabsanaa diwaangelinta iyo muddaynta doorashooyinka ee sadexda xisbi iyo Komishsanku isla qaateen ee dhaweeyd ma noqon mid hirgasha. Dib- u- dhacaas waxaa sabbteeda lahaa xukuumadda iyo xisbiga UDUB. Waxaanna ka mid ahaa

lacgtii laga sugayey xukuumadda ee ay kaga qeyb geli lahayd diwaangelinta oo ay aad ula daahday, halkaas oo ay wakhti badana oo sadex bilood ku dhowna ku lumisay

Qaabkii Komishanka doorashadu ku fulin lahaa diiwaangelinta oo xukuumaddu muddo badan hortaagnayd.

Magacaabista hawlwadeennda Komishanka iyo diwaangelinta gobollada iyo degmooyinka oo murrankoodu hadda bil iyo dheeraad taaganyahay, subab na u tahay faragelinta xukuumaddu.

Doorashooyinkii laysla qaatay in ay kala qabsoomaan 1da July 2008 iyo 30ka August 2008 waxaa kallifay arragtidii ahayd in baahi loo qabo in diiwaangelin la sameeyo doorashada ka hor. Mar haddii xukuumaddu sabab u tahay dib- u –dhacaas, oo iyadu burisay isafgaradkii hore ee sadexda xisbi, ma muuqato sabab abaalgud looga dhigo muddo kordhin loogu sameeyo xukuumadda.

Midda kale, sida qudha ee distoorku u oggolyahay muddo kordhin waa iyadoo dalka dagaal ka socdo oo xaalad nabadgelyo dara ahí ka oogantay. Maanta waxa ugu weyn ee Somaliland ku faantaa wa xasiloonida iyo nabadgelyada aynu haysanno.

Arrinta labaad waa diiwaangelinta. Arragtidayda waxaan ku soo koobayaa diwaangelinta waa loo bahanyahay, haddayse suurta geli waydo, doorashada ayaa ka muhiinsan. Doorashooyinka dawladaa hoose iyo madaxtooyaduna waa muhim, haddayse wakhtigoodii ku qabsoomi waayaan ahmiyada ama mudnaanta waxa la siinayaa ta madaxtooyada.

Arrinta saddexaad, dhawaan waxa si deg-deg ah oo aan digniin lahyn Madaxweynuhu ugu dhawaaqay magacaabis gobollo iyo Degmooyin, ogow dhacdadaasi waxay jawaab u ahayd maalintii shir aada oo ballaadhan oo beesha H/Awal ah oo is-beddel doon ahi ku dhawaaqday ku soo biirista Xisbiga Kulmiye. Taas waxa ka sii horreysay Xafladdii ku soo biirista Beelaha Gar-xajis iyo bulshadii reer Awdal ee Deegaanada Reer Nuur iyo Maxamed Case.

Dalka in Gobollo iyo Degmooyin cusub loo sameeyo waa loo baahan yahay, waana soo dhaweynaynaa Xisbi ahaan, horena ayaanu ugu balan-qaadnay in Gobollo cusubi abuurmi doonaan marka aanu xilka qabano, su’aashuse waxay tahay sida deg-dega ah, daraasad la’aanta ah, iyo sida deegaanadu isu qaadayaan iyo isu-dheelitir la’aanta marka Xamaasadu degto maxay la iman? Wakhtiga Doorashada soo dhawaatay ee lala eegtayna aragtideeda ayey leedahay.

Deegaamada Gobollada iyo Degmooyinka helayna waxaanu leenahay Hambalyo, inta isleh waa istaahishaana, ee aan la soo qaadinna, waxaanu leenahay samir iyo iimaan.

Waxaan hadalkayga ku soo gunnaanadayaa anigo shirka u rajeynaya guul iyo isafgarad. Dadweynaha reer Somlilandna nabadgelyo, wada jir, iyo horuumar."

 
< Prev   Next >

.

Sh adan siiro.jpgHalganews iyo Qudbadaha jimcaha ee Masaajidka Xawaadle qudbadahan oo taxane joogta  ah jimce walba  halkan ka dhagayso Qudbadii Jimcahan 29.02.2008 iyo Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadan siiro)

 
Qoraalkan riix si aad u hesho ama aad u dhagaysato Qudbadihii Hore ee Sheekh Aadan Siiro

 

Hawl Galkii Badbaado ee lagu furtay Jeelka Mandheera 3/1/1983kii

Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno....

 
Hawl-galkii Birjeex Ee lagula Baxay Col.C/lahi Askar

Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo.....

 
Labadaa dil midkood gacan ku dhiiglaha isagu geystey waxa laga raafey Cali-Xaydh

midi waa geesiyadaa oo marka cadawgu kula dagaalamayo nin-ba ninka uu ka qaalisan yahay ayuu abaaraa, Aadan Shiine iyo C/Qaadir Koosaar-na geesiyaal bay ahaayeen, waa ta labaad'e waa dagaal bilaw ah oo cusub, oo ku socda in la tirtiro taariikhda halgankii lagu xoreeyey dalkan, waa ta saddexaad'e waxa looga jeedaa fidmo laga abuuro dadka dhexdiisa, taas oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qaranimada Somaliland, anigu sidaasaan qabaa, waayo cidna umay qabsan SNM dilalkaasi, haddana iyadiibaa dib loogu soo celiyey markaa anigu ma garanayo waxa looga jeedo ee aan sidaa ahayn...

 
Gabay Gees ka gees Mujaahid Dr. Cabdi Salam Yasiin ayaa tiriyay waaba gabay Khuseeya Halganka

Runa anaantii anoon sharax badan ka bixinayn Dr. C/sallaan Yaasiin oo ahaa mid ka mida halgamayaashii xiliga dheer u halgamayay  in dadku mar uun baadilku ka tago C/salaan waa mid ka mida shantii nin ee fadhiday Miiskii lagaga dhawaaqay SNM 06.04.1981kii sida Sawirka sarena aad ku aragtaan C/sallaan waa ninka taagan  ee hadlaya hadaba Dr. C/sallaan Yaasiin oo halgankii ka dib lamaqal in badan oo ay xaruntiisu tahay Dalka Saudi arebiya halkaas oo uu ku noolyahay Dr. C/sallaan ayaa hadaba tiriyay Tix la magac baxday Gees ka gees oo ka hadlaysa wakhtigii tagay iyo Wakhtagn Xaadirka ah ba isaga oo ereyadiisa ay ka mid yihiin...

 
Sannad guuradii 14-aad ka soo wareegaty Qaranimada Somaliland

Kudhawaaqista madaxbanaanida Somaliland waxa ay kadambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulayastay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare kadib markii uu halgan dheer u soo galay,waxaanu ururkii S.N.M lsmarkiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Somaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland....

 
31 May Maalin Kulansatay saddex munaasibadood oo Taariikhi ah Faysal Cali Sheekh, Jamhuuriya

Waxa kale oo Ciidanka SNM hawlgal ku qaadeen 29kii May 1988 Xerada Cadaadley oo sagaashan (90km) dhinaca Bari ka xigta Hargeysa. Hawlgalada Ciidamada SNM ee Hargeysa wuxu ahaa gulufkii dagaal ee taariikhda SNM ugu muddada dheeraa, dagaalkii Mujaahidiintii SNM oo 2:00 duhurnimo ee 31kii May 1988 ay ka soo dhaqaaqeen Tuulada Bali-Samatar oo waxyar u jirta xuduudda, waxay duhur cad iyaga oo saaran Kolanyo Baabuur ah ku soo jiidheen Ciidamaddii qaybta 26aad ee loogu talogalay Difaaca Magaalada ee Teedsanaa inta u dhexaysa Xuduudda iyo Magaalada iyada oo Kolonyaddii Ciidanka ay ka war heleen Diyaaradihii Sahanka Cadowga oo Markii Ciidamada SNM xuduudda ka soo gudbeen dul marayay

 
Baroor-diiq Geeridii Abdirahmaan Ahmed Ali iyo Halgankii SNMta. Hargeysa...November 15th '03...SNN

Cabdiraxmaan Tuur oo labaatan sannadood Safiir ahaa, labaatan kale oo xigayna jabhad iyo hoggaamiye ahaa iyo geel-dhaqasho halkee ayay iska soo galaan. Waa habeen aanu booqasho iyo kormeer ku maraynay tuulooyinka xuduudda ku taxan ee gobollada bari. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee SNM. Waxaanu la soconnay wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SNM. Yicib-yabooh ayaanu goor fiid ah ku soo hoyannay. Garo� oo Cabdiraxmaan ayaa marti loogu ahaa Yicib-yabooh. Kollay habeenkaa qarbe-qarbe ayuu xaalku iska ahaayoo, sabaayad ayaanu ku cashaynay. Cadihii iyo sooryadii maalintii xigtay ayay is-raaceen.

 
HALACSIGA MAALIN-QORKA: HESHIISKII SIYAAD BARRE & MENGISTU XAYLE MARIAM EE 1988kii

Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray?...

 
Goormay Kuugu darnayd!? waxaa ka sheekaynaya Mujaahid Haybe Axmed Gure (Haybe-Laambad)

Waxa ay iigu darnayd anigoo u madax ah ciidankii 11aad ee deggenaa xeebta Bula-Xaar iyo Boolay anagoo tiradayadu ay ahayd 150 nin oo naftood hurayaal ah oo aanwaxba cunin 4 caano maal oo ah 2 habeen iyo 2 maalmood ayaa nala ogaaday oo nala soo weeraray. Waxa na soo weeraray ciidan aan ku qiyaasay 500 nin iyo Tignikadoodii. Markii aanu ka warhelnay in weerarku nagu soo maqanyahay ayaan fayliyay ciidankii dabadeed waxaan idhi, “Waa dalkeenii iyo dadkeenii waynu u dhimanaynaa ee difaaca”. Ninka ugu badani 50 midh oo rasaas ah ayuu sitaa, waxaan ku wargeliyay,oo ku idhi, “Rasaastii iyo cuntadiiba cadawga ayaa inoo sida ee sidaa ku ogaada”.....

 
  @copyright (C) 2003 - 2007 Halganews