Calanka Somaliland
 
Sl-radio
Radiyow Horyaal
Radiyow Hargeisa
Bbc Somalilga
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
Radio-shabelle
Codka Somaliland
Radiohormuud
Radiogolis
Radiowaaberi
Radio-Waaheen
S-land-links
Aftahan.com
AwdalNews
Caynabo
Hadhwanaagnews
Hoyga-suugaanta
Hargaysanews
Hargeysa.org
Haatuf
Jamhuuriya
Qarannews.com
Radio-Somaliland
Redsea-Online
Somalilandforum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland-center
Somalilandfuture
Sl-Democracy-Watch
Sooyaal.com
Saaxil-net
Tvsomalilandeurope
Somaliland-Today
Togdheer-Online
Togdheersports
Sanaag-Web
Somaliland-talk
Golis-News
Somaliland-Edu
somalilandnews.info
Somaliradio
Radiyow-Garoowe
Radiyow-SBS
Radiyow-S-Sweden
Radiyow-Copenhag
Radiyow-Warsan
Radiyow-Banadir
Radiyow-Xoriyo
Radiyow&Tv-Jabuuti
Radiyow-Qaran
Radiyow-Dalmar
Radiyow-Sagal
Radiyow-Som(USA)
Rstvonline.com
Xisbiyo/ngo
Academy 4 P & Dev
IPR-Institute
Qurbaawi-journal
Systo.org
S-Pictures/Ahmed
S-Chamberofco
Taste Of Africa
Ururka-Sirag
Xisbiga-Kulmiye
Xisbiga-Udub
Xisbiga-Ucid
Ganacsilinks
Ambassador-Hotel
Dahabshiil-Company
Daallo-Airline
Damal-Airline
Maansoor-Hotel
Star-Africanair
Burao-cityplaza
Login Form





Lost Password?
No account yet? Register
 
Mujaahidka Todobaadka: Muj:Jaamac Cali Cilmi

Mujaahid_jaamac_Cali_Cimi_yar- 4.jpgMarxuun Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed ee Caanka ka ah Ciidamada dhex-dooda, sababaha ugu mihiimsan ee uu caanka ku ahaan waxa ka mid ahaa aqoontiisa tacliimeed oo aad u saraysay, isagoo leh aqoon iyo astaamo hogaamineed oo hufan (Leadership qualifications), Asluub iyo hab-dhaqan aad u wanaagsan. Marxuumka Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii sida xun loogu cadaadiyey hab-dhaqankii caanka ahaa ee dawladdii keli-taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee la odhan jirey Kacaan-diidka, taasoo aakhirkii sababtey inuu ka ruqsaysto Ciidamada

 
a
Ragga Qaarkii Na Rumaysan Maayaan Ilaa Aannu Sheekha Awqaafta Hortiisa Ku Dhaarano
Sunday, 30 March 2008

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macadanta iyo Biyaha oo ku Guuldarraysatay inuu jawaab ka bixiso Madmadow Hadheeyey heshiisyo ay la gashay shirkado ajnebi ah

Hargeysa (Halganews)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Axmed Ibraahim Suldaan, ayaa ku guuldarraystay inuu jawaab cad ka bixiyo su’aalo laga weydiiyey madmadow fara badan oo hadheeyey heshiis la sheegay in wasaaraddiisu baadhis dhinaca macdanta iyo shidaalka ah kula gashay shirkado ajnebi ah.

Shir-jaraa’id oo Mr. Suldaan ku qabtay shalay xafiiska oo uu ku daba socday maqaallo si taxane ah ugu soo baxay wargeysyada HAATUF iyo Somaliland Times oo si kulul loogu naqdiyey heshiisyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu la gashay shirkado ajnebi ah iyo waliba xidhiidhka ka dhexeeya heshiiska qaar ka mid ah shirkadahaa oo heshiisyadan oo kale la saxeexday Maamul-goboleecka Puntland, ayaa ku margaday inuu jawaabo waafi ah ka bixiyey su’aalo darandoori ah oo laga weydiiyey heshiisyada ay Wasaaradda Macdanta Biyuhu la gashay shirkadaha ajnebiga ah iyo qaddarka qiimaha heshiisyada ay kala saxeexdeen.

"Lama naadin [baahin] shirkaddaasi markii ay Somaliland imanaysay, maxaa yeelay waxyaabo la qarinayey ayaa jiray, waxbaana nagu kelifayey. Hawshii shirkaddaasi qabatay si guul leh ayey ku dhammaatay, diyaaraddii hawsha waday 4000ft ayey ku duulay, qoriga AK ah ee lagu rido ayaa gaadhayey. Waxaan isleeyahay malaha waxyaabo badan baad ka sheegteen wixii aad ka ogtihiin meeshan, ragga qaarkii malaha annaga oo sheekha awqaafta u tagna oo hortiisa ku dhaarana uun bay na rumaysan lahaayeen baan u malaynayaa, waayo wax kale oo aannu nidhaa ma garanayno. Bini’aadam baanu nahay oo waanu khaldami karnaa, haddii ay jirto wax khalad ah oo aannu samaynay waxaannu waydiisanaynaa in nagala cafiyo, waxse badheedh aannu u samaynay anigu ma ogi," ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta oo ka ka gows adeygay inuu qayaxo sababta ay heshiisyadaa u soo hordhigiwaayeen Mudanaasha Golaha Wakiillada, isagoo dhinaca kalena ku hanjabay inay maxkamad soo joojindoonaan masuuliyiinta wargeysyada HAATUF iyo Somaliland Times ee maqaalada lagu baahiyey.

"1. Qoraalladii ay website-ka iyo joornaaladaba ku baahiyeen [madaxda HAATUF] waxay ku xuseen heshiis Somaliland iyo Somalia/Puntland la galeen shirkad la yidhaahdo Range Resources iyo lacago malaayiin dollar ah oo la kala qaatay.

Haddaba, waxa is-waydiin leh Somaliland iyo Puntland ma dal iyo dawladnimaa ka dhaxaysa? Waxaan filayaa inta Somaliland aaminsan arrintaa shaki kama gali kari. Annaga wasaarad ahaan, musuq-maasuqa iyo boobka lagaga warramo ee joornaaladda lagu qoro nama khusayso xog-ogaalna uma nihin, waxase na khuseeya ee lanoo igmaday ilaalinta iyo horumarinta khayraadka dalkeena iyo in aanay faragalin lagu samayn khayraadka ku jira dalkeena. Somaliland iyo Somalia (Puntland) soohdimaha u dhexeeyaana way sugan yihiin, mana aha wax gorgortan gali kara, xidhiidh ku saabsan qodis shidaalna namaba dhexmari karo.

2. Boqolaalka kun ee dollar ee madaxda Haatuf yidhi wasiirka iyo wasaaradda ayaa qaadatay waxa laga rabaa inay caddeeyaan cidii laga qaatay iyo sifihii loo qaatay marka maxkamadda looga yeedho.

3. Waxa iyana masuulka Haatuf laga rabaa inuu maxkamadda horteeeda ka caddeeyo waxay ku sheegeen darsinka (dozen) heshiiska ee wasaaraddu saxeexday, waxaanna hubaal ah in dacwadaas maxkamadda loo gudbin doono.

4. Waxa kaloo looga fadhiyaa lacagta uu ku sheegay halka milyan ee dollar oo u yidhi waxa laga qaatay Mr. Sood caddaynteeda. Waa run in wasaaradda macdanta iyo biyuhu heshiis la gashay shirkadda TGS 2004, Haatuf wuxuu had iyo jeer ku jahawareeriyaa dadweynaha reer Somaliland in aan shirkadda tartan la galin, haseyeeshee malaha farsamo ahaan uma garan xaaladda dhabta ah (political status) ee dawladda adduunku ka qabaan qarannimada Somaliland.

Waxaan ummadda reer Somaliland u iftiiminayaa in aannu la xidhiidhnay shirkaddo caan ku ah hawlaha baadhista khayraadka (survey) shidaalka, shirkadda kaliya ee codsigayagii dhagysatay waxay noqotay TGS, haddaba arrinta Haatuf waaqici ma aha ee waa riyo iyo humaag. TGS waa shirkad abaal dhaxalgal ah ku leh ummadda, fadeexad iyo cambaareyna innagama mudna ee milgaheeda ha la mariyo.

Waxqabadka shirkadda TGS

1. Qodbaddii heshiiska intoodii badnayd way fulisay TGS.

2. 1000km (lines) 2D Seismic waxay fulisay sannadkii 2007-kii xilligaas Haatuf waxay tidhi sun baa badda lagu qubayaa, khubaradii Haatuf-na waxay doodeen 14 bari 1000km lama dhammaystiri karo, shaqadiise way fushay suntiina lama hayo.

3. Sannadkan 2008 horaantiisii waxa laga fuliyey (survey) loo yaqaan Aeromag dhul baaxadiisu dhan tahay 34500km, iyadoo la adeegsanaayo diyaarad ay leedahay shirkadda GPX.

4. Waxa iyana gebogebo ku dhow (survey-gii) 2D seismic oo ah intii ka hadhsanayd badda (off shore) oo dhan 5400km.

Shirkadda TGS waxay si joogta ah uga caawisaa wasaaradda sidii ay uga qaybgali lahayd bandhigyada waaweyn ee sahanka shidaalka si loo bandhigo wixii macluumaad laga hayo khayraadka dhulkeena, waanna goobaha ay isku arkaan dhammaan wixii shidaalka daneeya iyo shirkadaha waaweyn ee maalgalinta sameeya. Sannadkii 2006 waxaan ka aybgalay AAPG Convention oo lagu qabtay Houston Texas, 2007-dii mid kale oo lagu qabtay Perth Australia, sannadkan aan ku jirno 2008 waxa lagu jiraa qabanqaabadii shirweyne bisha April dhexdeeda lagu qaban doono Gobolka Texas ee carriga Maraykanka.

Haddaba, su’aasha reer Somaliland u taalaa waa waxay tahay maxaa ilaa hadeer inoo qabsoomay ma in la qariyaa mise waa arrin lagu farxo oo in la bogaadiyo mudan?

Bahda warbaahinta gaar ahaan Haatuf waxaan leeyahay ha noqonina waraabihii yidhi; ‘Baadida waan is leeyahay wadeecada ka dhawr, haseyeeshee marka ay cararto ayuun baan sidaann soo qabo u leeyahay hadba waaxi ii soo go’daa.’

Waxa ka baxsan damiirka saxaafadda in war been ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn lagu baahiyo beena loo sheego shacbiweynaha reer Somaliland, waxaad ogaataan in taariikhdu wax qorayso shacbiguna maxkamad yahay.

Waxa kale oo aan dadweynaha ku baraarujinayaa waxaann ku jirnaa qarni loo tartamayo dalalka shidaalku ku jiro, mawjadaha siyaasadeed ee daafaha adduunka ka dhacayaana waxay salka ku hayaan shidaal. Somaliland-na aad bay u saamaysay waxana jira dalal badan oo aan jeclayn in shidaalkeena la soo saaro.

Wasaaradda macdanta iyo biyuhu waxay ku jirtaa sidii arrimahaas oo dhan looga dabaalan lahaa, waxase nasiib-darro ah in la adeegsado dadka inta in dhow garadka ah iyo qaar ka mid ah saxaafadda oo ay adeegsanayaan dad dano gaar ah leh oo neceb horumarka dalka, kuwas wasaaradduna si fiican bay u ogtahay, waxana qaban doona xaqa dalka iyo shacbigu ku leeyahay goor ay noqotaba." Sidaa waxa uu Mr. Suldaan ku sheegay qoraal dheer oo uu shirkaa jaraa’id ka akhriyey, ka hor intii aan su’aalaha uu ku margaday suxufiyiintu la boobin.

Qaar ka mid ah su’aalihii la weydiiyey iyo jawaabihii wayda ahaa ee Agaasimaha Guudna waxa ka mid ahaa:

Intaa kadib su’aalihii suxufiyiintu waydiiyeen iyo jawaabihii uu Agaasimuhu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Waxaad tidhi Puntland iyo Somaliland waa laba dal oo kala gedisan ayaad tidhaahdeen, wixii Puntland gudahooda ka dhacana nama khusayso. Ma waxaan inna khusayn markaad Lundum Petroleum aad wada hadal la gashaan oo iyada iyo Africa Oil shirkad keliyi wada leedahay oo Africa Oil ay samaysay maabka ay saliida ka qodaan ee soo galaysay ilaa Burco duleedkeeda?

Jawaab: Waxaan si cad u sheegay oo aan madmadaw ku jirin Lundum annaga way nala soo xidhiidhay, waxaannu caddaynay in xidhiidh na dhexmaray oo ay warqad noo soo qoreen annaguna warqad u qornay, arrintan aad leedahay shirkadaa ayey xidhiidh la leeyihiina si cad baanu u waydiinay, laakiin way ka murmeen annaguna kuma qanacsanin baanu nidhi. Wax dambe oo intaa ka dambeeyey oo annaga iyo Lundum na dhexmaray, adigaa sheegi oo inoo keeni. Tan aad maabka ee aad sheegayso, cid waliba way samaysan kartaa, markaasu maabka uu doono sawiran karaa, inagu xadbaynu leenahay, xadkeenaa maalinta la soo galo ee intay shirkadi timaad shaqo laga qabto maalintaa ayuu dagaalkeenu bilaabmayaa oo annagu keligayo gelimaynee Somaliland bay u taalaa. Waanu la soconaa dal inagama dhexeeyo, wayse sawiran karaan, waxaad sheegaysaa Burco’e ilaa Saylac bay sawiran karaan, maaha wax waaqici ah, wax dhici karana maaha, haddii aynu madhano mooye.

S: Haddii aannu madmadow iyo wax la qarinayaa aanay jirin, Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha in badan ayaa Golaha Wakiillada ee shacbiga Somaliland soo doortay idinka codsadeen in aad keentaan heshiisyada aad la gashaan shirkadaha caalamiga ah, intaas oo sannadood ayey idin baryayeen, Madaxweynaha ayey warqad u qoreen, waadse ka dhego adaygteen. Heshiisyadan aad gasheen mid kale oo shacabka reer Somaliland ogyihiin shuruudihiisa, waqtigiisa iyo waxa lagu heshiiyey ma jiraa?

J: Dastuur aynu leenahay waxa ku qoran waxba kama qabno annagu, qodobo badan oo la isku qabsado ayaa jira waad ogtahay, xeer baa qeexi doona badan baa la isku haystaa, waxaannu aaminsanahay wasaarad ahaan in wax dastuurka ku qoran oo aan weli caddayn, laakiin u baaxan qeexaad in lagu kala baxo.

S: TGS waxay ururrinaysaa macluumaad (data), goordhaw sidee la odhanayaa macluumaadkaa, ayaa ka faa’iidaysanaya, shuruudo ma jiraan?

J: TGS waxa lagula heshiiyaa waxa weeye kolba heshiiska ay galaan iyo shaqada ay qabtaan ayaa la yidhaa lacagta intaan le’eg bay noqonaysaa.

S: Ilaa hadda imisa milyan ayey qabteen, ma shan milyan baa, ma hal milyan baa, ma toban milyan baa?

J: Maya… Maya… way badan tahay toban iyo waxaa way dhaafaysaa, waxaan kuu sheegayaa, laakiin waxay bixisay waa dhukumenti, taariikhdayna geli oo wax qarsoon maaha, waxa jira shirkado kale oo iyaguna wax baadha ayaa jira kuwaasina waxay bixiyeen waa la ogyahay, waxaan kuu ballanqaadayaa in aanay sir noqon doonin, waayo iyaguna lacag ayey geliyeen meesha, annaguna lacagta meeshaa gashay siday tahay ayaanu u sheegi. Waadigii joogi jiraye [Yuusuf Cabdi Gaboobe] gaaladu lacag bilaash kuma bixiso, waxaan kuu sheegayaa waxay OPHIR iyo qayrkeed in aad helayso aniga ayaa kuu ballanqaadaya.

S: Agaasime; dalka abaaro iyo biyo la’aan ayaa ka jira Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhuna iyadaa u qaabilsan dhinaca biyaha, markaa wasaarad ahaan ilaa hadda maxaad ka qabateen xaaladda jirta?

J: Waa su’aal wanaagsan oo kolley waxan kalee huuhaada ah ee aynu ka sheekaynayno iyagaa ka mudan. Masuuliyiintii wasaaradda qaarkood waxay ku jiraan shirka Madaxweyne-ku-xigeenku hoggaaminayo ee arrintaa lagaga hadlayo. Dalka dhib ballaadhan ayaa ka jirta, dawladdu wixii ay ku deeqayso way sheegtay oo ah $170,000 (boqol iyo toddobaatan kun oo doolar), hay’adihii biyaha iyo cidii kale ee ay khusaysayna waanu isugu yeedhnay, biyo dhaamis baa bilaabmaya isla maanta meel wanaagsana wuu marayaa, laakiin gacanta Ilaahay uun baa lagu baahi bixi karaa.

AA.Sheekh, Hargeysa.

 
< Prev   Next >

.

Sh adan siiro.jpgHalganews iyo Qudbadaha jimcaha ee Masaajidka Xawaadle qudbadahan oo taxane joogta  ah jimce walba  halkan ka dhagayso Qudbadii Jimcahan 29.02.2008 iyo Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadan siiro)

 
Qoraalkan riix si aad u hesho ama aad u dhagaysato Qudbadihii Hore ee Sheekh Aadan Siiro

 

Hawl Galkii Badbaado ee lagu furtay Jeelka Mandheera 3/1/1983kii

Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno....

 
Hawl-galkii Birjeex Ee lagula Baxay Col.C/lahi Askar

Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo.....

 
Labadaa dil midkood gacan ku dhiiglaha isagu geystey waxa laga raafey Cali-Xaydh

midi waa geesiyadaa oo marka cadawgu kula dagaalamayo nin-ba ninka uu ka qaalisan yahay ayuu abaaraa, Aadan Shiine iyo C/Qaadir Koosaar-na geesiyaal bay ahaayeen, waa ta labaad'e waa dagaal bilaw ah oo cusub, oo ku socda in la tirtiro taariikhda halgankii lagu xoreeyey dalkan, waa ta saddexaad'e waxa looga jeedaa fidmo laga abuuro dadka dhexdiisa, taas oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qaranimada Somaliland, anigu sidaasaan qabaa, waayo cidna umay qabsan SNM dilalkaasi, haddana iyadiibaa dib loogu soo celiyey markaa anigu ma garanayo waxa looga jeedo ee aan sidaa ahayn...

 
Gabay Gees ka gees Mujaahid Dr. Cabdi Salam Yasiin ayaa tiriyay waaba gabay Khuseeya Halganka

Runa anaantii anoon sharax badan ka bixinayn Dr. C/sallaan Yaasiin oo ahaa mid ka mida halgamayaashii xiliga dheer u halgamayay  in dadku mar uun baadilku ka tago C/salaan waa mid ka mida shantii nin ee fadhiday Miiskii lagaga dhawaaqay SNM 06.04.1981kii sida Sawirka sarena aad ku aragtaan C/sallaan waa ninka taagan  ee hadlaya hadaba Dr. C/sallaan Yaasiin oo halgankii ka dib lamaqal in badan oo ay xaruntiisu tahay Dalka Saudi arebiya halkaas oo uu ku noolyahay Dr. C/sallaan ayaa hadaba tiriyay Tix la magac baxday Gees ka gees oo ka hadlaysa wakhtigii tagay iyo Wakhtagn Xaadirka ah ba isaga oo ereyadiisa ay ka mid yihiin...

 
Sannad guuradii 14-aad ka soo wareegaty Qaranimada Somaliland

Kudhawaaqista madaxbanaanida Somaliland waxa ay kadambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulayastay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare kadib markii uu halgan dheer u soo galay,waxaanu ururkii S.N.M lsmarkiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Somaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland....

 
31 May Maalin Kulansatay saddex munaasibadood oo Taariikhi ah Faysal Cali Sheekh, Jamhuuriya

Waxa kale oo Ciidanka SNM hawlgal ku qaadeen 29kii May 1988 Xerada Cadaadley oo sagaashan (90km) dhinaca Bari ka xigta Hargeysa. Hawlgalada Ciidamada SNM ee Hargeysa wuxu ahaa gulufkii dagaal ee taariikhda SNM ugu muddada dheeraa, dagaalkii Mujaahidiintii SNM oo 2:00 duhurnimo ee 31kii May 1988 ay ka soo dhaqaaqeen Tuulada Bali-Samatar oo waxyar u jirta xuduudda, waxay duhur cad iyaga oo saaran Kolanyo Baabuur ah ku soo jiidheen Ciidamaddii qaybta 26aad ee loogu talogalay Difaaca Magaalada ee Teedsanaa inta u dhexaysa Xuduudda iyo Magaalada iyada oo Kolonyaddii Ciidanka ay ka war heleen Diyaaradihii Sahanka Cadowga oo Markii Ciidamada SNM xuduudda ka soo gudbeen dul marayay

 
Baroor-diiq Geeridii Abdirahmaan Ahmed Ali iyo Halgankii SNMta. Hargeysa...November 15th '03...SNN

Cabdiraxmaan Tuur oo labaatan sannadood Safiir ahaa, labaatan kale oo xigayna jabhad iyo hoggaamiye ahaa iyo geel-dhaqasho halkee ayay iska soo galaan. Waa habeen aanu booqasho iyo kormeer ku maraynay tuulooyinka xuduudda ku taxan ee gobollada bari. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee SNM. Waxaanu la soconnay wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SNM. Yicib-yabooh ayaanu goor fiid ah ku soo hoyannay. Garo� oo Cabdiraxmaan ayaa marti loogu ahaa Yicib-yabooh. Kollay habeenkaa qarbe-qarbe ayuu xaalku iska ahaayoo, sabaayad ayaanu ku cashaynay. Cadihii iyo sooryadii maalintii xigtay ayay is-raaceen.

 
HALACSIGA MAALIN-QORKA: HESHIISKII SIYAAD BARRE & MENGISTU XAYLE MARIAM EE 1988kii

Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray?...

 
Goormay Kuugu darnayd!? waxaa ka sheekaynaya Mujaahid Haybe Axmed Gure (Haybe-Laambad)

Waxa ay iigu darnayd anigoo u madax ah ciidankii 11aad ee deggenaa xeebta Bula-Xaar iyo Boolay anagoo tiradayadu ay ahayd 150 nin oo naftood hurayaal ah oo aanwaxba cunin 4 caano maal oo ah 2 habeen iyo 2 maalmood ayaa nala ogaaday oo nala soo weeraray. Waxa na soo weeraray ciidan aan ku qiyaasay 500 nin iyo Tignikadoodii. Markii aanu ka warhelnay in weerarku nagu soo maqanyahay ayaan fayliyay ciidankii dabadeed waxaan idhi, “Waa dalkeenii iyo dadkeenii waynu u dhimanaynaa ee difaaca”. Ninka ugu badani 50 midh oo rasaas ah ayuu sitaa, waxaan ku wargeliyay,oo ku idhi, “Rasaastii iyo cuntadiiba cadawga ayaa inoo sida ee sidaa ku ogaada”.....

 
  @copyright (C) 2003 - 2007 Halganews