Calanka Somaliland
 
Sl-radio
Radiyow Horyaal
Radiyow Hargeisa
Bbc Somalilga
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
Radio-shabelle
Codka Somaliland
Radiohormuud
Radiogolis
Radiowaaberi
Radio-Waaheen
S-land-links
Aftahan.com
AwdalNews
Caynabo
Hadhwanaagnews
Hoyga-suugaanta
Hargaysanews
Hargeysa.org
Haatuf
Jamhuuriya
Qarannews.com
Radio-Somaliland
Redsea-Online
Somalilandforum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland-center
Somalilandfuture
Sl-Democracy-Watch
Sooyaal.com
Saaxil-net
Tvsomalilandeurope
Somaliland-Today
Togdheer-Online
Togdheersports
Sanaag-Web
Somaliland-talk
Golis-News
Somaliland-Edu
somalilandnews.info
Somaliradio
Radiyow-Garoowe
Radiyow-SBS
Radiyow-S-Sweden
Radiyow-Copenhag
Radiyow-Warsan
Radiyow-Banadir
Radiyow-Xoriyo
Radiyow&Tv-Jabuuti
Radiyow-Qaran
Radiyow-Dalmar
Radiyow-Sagal
Radiyow-Som(USA)
Rstvonline.com
Xisbiyo/ngo
Academy 4 P & Dev
IPR-Institute
Qurbaawi-journal
Systo.org
S-Pictures/Ahmed
S-Chamberofco
Taste Of Africa
Ururka-Sirag
Xisbiga-Kulmiye
Xisbiga-Udub
Xisbiga-Ucid
Ganacsilinks
Ambassador-Hotel
Dahabshiil-Company
Daallo-Airline
Damal-Airline
Maansoor-Hotel
Star-Africanair
Burao-cityplaza
Login Form





Lost Password?
No account yet? Register
 
Mujaahidka Todobaadka: Muj:Jaamac Cali Cilmi

Mujaahid_jaamac_Cali_Cimi_yar- 4.jpgMarxuun Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed ee Caanka ka ah Ciidamada dhex-dooda, sababaha ugu mihiimsan ee uu caanka ku ahaan waxa ka mid ahaa aqoontiisa tacliimeed oo aad u saraysay, isagoo leh aqoon iyo astaamo hogaamineed oo hufan (Leadership qualifications), Asluub iyo hab-dhaqan aad u wanaagsan. Marxuumka Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii sida xun loogu cadaadiyey hab-dhaqankii caanka ahaa ee dawladdii keli-taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee la odhan jirey Kacaan-diidka, taasoo aakhirkii sababtey inuu ka ruqsaysto Ciidamada

 
a
Maalintii 2aad ee Shirweynaha KULMIYE, Murashaxiin Cusub iyo Kuwo ka Tanaasulay Tartanka
Sunday, 30 March 2008

 

Hargeysa (Halganews)- Shirweynaha 2aad ee xisbiga Kulmiye ayaa maalintiisii labaad ka socda magaalada Hargeysa, ayaa madashii maanta waxa laga jeediyey khudbado kala duwan oo dhinacyo badan taabanaya, iyada oo dhinaca kalena ay dul heehaabayeen dareemo kala duwan oo la xidhiidha murashaxiin cusub oo ku dhawaaqay inay tartamayaan iyo kuwo hore u shaaciyey oo ka tanaasulay.

Afhayeenka siyaasada arimaha dibeda isla markaana ah xubin ka mid ah baarlamanka oo ka socota xisbiga Folkpartiet, xisbiga liberalka Iswidhan. Ms Ohlsonn may joogin Somaliland hase yeeshee qudbaddeeda waxa shikra ka akhrisay Jenny Sonesson  oo iyadu u timid Somliland inay shirka xisbiga KULMIYE indhaheeda ku soo aragto si ay ugaga warami karto xisbigeedii iyo madaxda dalka Sweden isbeddelka dimoqraadiyadeed ee shacbiga reer Somaliland.

Anigoo saaxiib la ah dimuqraadinimada Somaliland iyo xisbiga kulmiye ayaan idiin soo gudbinayaa salaan ku socota kogereska/shirweynaha.

Badanaa waxaan idhaahdaa Somaliland waa ubax dimuqraadi oo khafiif ah oo ay ku wareegsan yihiin diktatoriyiin/keli teliyayaal qodaxyo leh.

Dimuqraadinimada Somaliland wuxuu la mid yahay ubax awood yar oo u baahan in la biyeeyo tarbiibna loo xanaaneeyo oo taagero ka helo wadanka gudiihiisa kuwaas oo ah idinka iyo taageero dibeda ah sida anig iyo asxaabtiina kale ee aduun waynaha oo dhan.

Waan jeclaan lahaa inaan shirwaynihiinan kasoo qayb qaato si aan goob joog ugu ahaado in mid ka mid ah xisbiyada ugu muhiimsan Somaliland oo qaadaaya talaabo cusub oo lagu sii xoojinayo dimuqraadinimada. Laakiin waxaan iminka joogaa Zimbabwe oo hadeer ah wadan aad uga fog madaxbannaanida.

Waxaan rajaynayaa in Shirwaynahan Kulmiye uu qaado go´aamo badan oo culus si uu kor ugu qaado mushtamaca Somaliland oo jiha wanaagsan u jeediyo. Waxaan rajaynayaa inaad difaacdaan madaxbanaanida hadalka iyo madaxbanaanida warbaahinta/joornaalaystayaasha. Waxaan filanayaa in kulmiye doorto dumar badan oo la siiyo boosas sare oo awood leh. Waayo hadii aan dumarka loo dooran boosas aan awood lahayn horumarka Somaliland wuu istaagayaa. Kulmiye waa inuu noqdaa hogaamiyaha u hor kaca sidii loo siin lahaa dumarka somaliland awood. Markaa waxa loo baahan yahay dumar badan oo ah tusaale fiican.

Waxaan idinka baryayaa inaad sii wadaan hawsha muhiimka ee xuquuqda biniaadanimada. Waxaa miftaax/fure u ah si ay Somaliland dunida uga hesho ixtiraam/respekt iyo taageero waa inay dadkooda ula dhaqmaan si fiican oo ixtiraam leh.

Ogaada weligeed dimuqraadinimo hirgeli mayso hadaan dimuqraadiyiin la noqon. Weligeed ma dhici doonto doorasho madaxbanaan hadii aanay jirin mucaarad. Weligeed ma jiri doonto mushtamac furan hadii aanay jirin warbaahin/joornaalaystayaal madaxbannaan. Weligeed ma jiri doonto mushtamac si xaq ah u dhisan hadii aanay jirin dumar awood leh oo boosas quwad leh haysta.

Waxaan idiin rajaynaa inaad ku guulaysataan oo dhistaan si uu kulmiye u noqdo xisbi awood u yeela dimuqraadinimada, madaxbanaanida iyo sinaanta Somaliland.

Waxaan ku rajo weynahay inaan idin soo booqdo doorashooyinka soo socda oo doorashooyinkaasi noqdaan kuwo heer sare oo u dhigma doorashooyinkii hore ee la qabtay. Awooda Somaliland waxay ku taagan tahay in wadanku doortay dariiqa dimuqraadinimada. Ku sii wada dariiqaas, waayo waa dariiqa mustaqbalka.

Intaa kadib waxa halkaa warbixin dheer ka akhriyey Dr. Cabdi Aw- Daahir oo ku hadlayey magaca Gobolka Togdheer, taasi oo kaga hadlay arrimo door ah.Warbixintaasina waxay u dhignayd sidan:

"Maanta waa maalin u noqondoonta taariikhda Somaliland bartilmaameedd Waa maalin insha Allah bilaw u noqondoonta Isbeddel cusub oo hor leh ummadda iyo dalka Somalilandba. Waa maalin Insha Allah ka mid noqondoonta maalmaha diiwaanka gala oo lagu xasuusandoono bilawgii isbeddelka, horumarka iyo caddaaladda.

Guud ahaan Gobolka Togdheer waa nabad guud, waxaase ka jira abaar aad u ba’an oo biyo iyo baad la’aan ah. Waxay si mug le ula socdaan shirweynaha kulmiye, waxaynay u dhegtaagayaan waxa ka soo baxaaya, waxaananay u arkaan rajada iyo isbeddelka keliya ee maanta muuqda. Waxaynay u rajeeyeenm shirka guul.

Waa gobol ay dadweynahiisa ay ka muuqato dedaal isku duubni, iyo wax wada qabsi. Waxay marakasta ku heelan yihiin si ay iskood wax ugu qabsanlahaayeen mashaariic horumarineed oo waxbarasho, caafimaadka nadaafada guud iwm , Qaar fara badaana way fuliyeen oo ay ka mid tahay jaamacaddu, biriijka, Isbitaalka waalida, Dugsiga kalkaaliyayaasha iyo qaar badan oo kaleba. Waxayse toos uga qatanyihiin wax allaalyo wixii waxtar ah ha yaraato hase badnaatee ee dawladda ay ka sugayeen.

Reer Togdheer shirweynahan iyo xisbiga kulmiye waxay noo soo fareen arrima fara badan oo ay u arkaan in uu dalka iyo dedkaba faaiido u yihiin waxaa ka mid ah:

Waxay na soo fareen in shirweynaha aanu gaadhsiino in uu kulmiye yahay maanta rajada keliya ee muuqaneysa, ee dalka ka saari karta xaaladda cakiran ee uu dalku ku jiro, Isla markaana isbeddel ku samayn kara maamulkan fadhiidka ah ee dalka ragadiyay, sidaa darteed waxay na soo fareen in loo baahanyahay in uu kulmimye la yimaado isbeddel dhab ah oo ka duwan ka maanta jira. Reer Togdheer waxay na soo fareen in in waxyaalaha ugu weyn ee Togdheer saameeyay uu yahay dhaqaala xumo aad u halis ah, Walaw sicirka maciishaddu oo suuqa caalamka aad uga kacay, haddana reer Togdheer waxay ogyihiin in cashuurta xaddhaafka ee Dulsaarka, iyo siyaasad xumida ganacsiga ee maamulka jira uu sicirbararka qaybta ugu weyn ka qaatay. saameeyayna noloshii bulshada reer Togdheer iyo guud ahaanba dalka Somaliland daqiida , bariiska ,sonkorta,saliidii, iyo shidaalkii, qiimahay ahayd maalintii uu riyaale qabsaday dalka oo ahayd 4tii may 2002 Way labanlaabatay amaba seddex laabantay. Nidaamka riyalena maaha mid wax ka qabanaaya ,wax u sii xumeeyo mooyee. Reer Togdheer waxa idin soo fareen in haddii alle idinku guuleeyo talada dalka in ay noqoto arrinkaasu qodobka kowaad ee asaasiga ee waxqabadkiina kow u noqda.

Waxay reer Togdheer na soo fareen in asaaska dhaqaale ee dalkanu hu dhisanyahay xoolaha nool, gaar ahaanna gobolka Togdheer. Waxay ogyihiin reer Togdheer in siyaaasadaa musuqmaasaq ee ee ku baahday maamulkanu u gayeysiiyay ummaddii in nidaamkii ganacsi ee xoolaha uu siduu doono ugu tagrifalay, kootana inyar uga dhigay ay wax gaar ah la wadaagaan. Ganacsi xumidaa xooluhu waxay sii saamaysay nolol maalmeedkii dan yarta ee horeba ay u wiiqday sicirbararka Raashinka iyo shidaalka. Waxay reer Togdheer na soo fareen in uu yahay arrimaha isbeddel waxqabad oo dhab ah u baaahan haddii Ilaahay idinku guleeyo.

Waxay reer Togdheer na soo fareen in ay jirto arrin ay gobolada kale kaga duwanyihiin waa arrin aad u sii cusleeyay dhaqala xumidii horeba u saarnayd, waa arrinka lacagta loo yaqaan giimbaarta ee ku dhexwareegta suuqaqa Gobolka Togdheer oo keliya. Waxay soo jiidantaba hadalhaynteedu iyo beddelkeedu, waxaa lagu daray miisaaniyaddii sannadkii 2007, ilaa hadda oo aynu ku jirno 2008 lama beddelin, Reer Togdheer waxay la amakaagsanyihiin maamulka intaasu ka baxsanwyday in wax kale ka baxsanayaan.Waxay reer Togdheer na soo fareen haddii ilaahay idinku guuleeyo talada dalka in sannadka 2009 ,haddii eebe idmo in ay noqoto tallaabooyinka kowaad ee aad qabataan ay noqoto in aad lacagtaas gobolka ka beddeshaan , taasoo ummadda reer Togdheer danyartiisana kabaysa dhaqaalaheeda.

Waxay reer Togdheer na soo fareen, in aan shirweynaha gaadhsiino in ay saarantahay gobolka xayiraad ganacsi, burbur dhaqaale oo ay saamaysay in kililka shanaad lagu gubay in ka badadan boqolaal baabuur ah oo ay leeyihiin dadweynaha reer soomaaliland. Inkastoo ay ahayd fal ay sameeyeen qaar aan arxan lahayn, haddana waxay ku dhacday siyaasad xumida maamulka rayaale ee maalin kasta maqlaaya baabuurbaa la gubay ,wax uu ka qabanayaana anu jirin, Waxay reer Togdheer na soo fareen in Kulmiye sameeyo barnaamij cad oo uu kaga hortagaayo in aaanay falkaasu dib udhicin

Waxay reer Togdheer na soo fareen in aan shirweynaha aan gadhsiino, in ay gobolka saamaysay caddaalad darro xaaladda garsoor ee gobolka, aynay hubaan in gobolada kale ee dalkuna la qabaan. Dadkii reer Togdheer waxay taaganyihiin 100 mitir oo iskuweer ah ee maxkamadda ku taalo, mana jirta dacwad ka dhammaata nooc ay ahaataba,ummaddina qoortaa laysu wada sudhay. Iyagoo markii horena ahaa danlay ay saamaysay arrimaha dhaqaale ee aan hore u soo sheegnay, ayaa haddana wixii yaraa ee ay haysteen kaga dhammaadeen kharaj iyo laaluush ka badan ka ay isku Dacweynayeen. Waxay saamaysay nabadgelyadii, dhaqaalihii, dhaqankii iyo karaamadii bulshada. Waxay na soo fareen isbeddelka la soo socotaan tiirdhexaad ha u noqoto caddaaladdu. Caddaalad ayaa na deeqi karta ee cunto cidna lama gaadhsiin karto ayay na soo fareen.

Waxay reer Togdheer-na soo fareen in ay guud ahaanba gobolka ay saamaysay shaqo la'aan oo saamaysay dhaqaalihii gobolka iyo gaar ahaan danyarta. Shaqo la'aantu waxay dhallinyartii iyo xooggii gobolka reer Togdheer gayaysiisay in ay tahriibaan, qaar badaanina ku dhammaadeen xeebaha daafaha dunida. Wax kale ee ay na soo fareen in Shaqaalaha kooban ee dawlada ee leh CIVIL iyo ciidanbana . Mushahaka yar ee ay qaataanna aanay shan ciho ku filayn. Waxaase intaa kaba sii daran Mushaharkii loogu kordhiyayay Miisaaniyadda shaqaalaha iyo ciidamada waxaa ku tagrifalay maamulkii talada ummaddu udhiibatay sidii ay ugu tagrifaleen tii lagu bedddelaayay lacagta giimbaarka. Waxay nagu soo adkeeyeen in haddii Eebbe idmo ee aad ku guuleysataan talada dalka in aad xoogga saartaan sidii loo darryeeli lahaa shaqaalaha danyarta ah ee tabaalaysan. Barnaamij shaqaali abuur oo gobol iyo mid qaranba ummadda loo sameeyo. Waxay nagu adkeeyeen in ciddii ku tagrifashay kabistii Miisaaniyadda shaqaalaha iyo tii beddelka lacagta giimbaarka, iyo dhammaan arrimaha ku lugta leh miisaniyadda ee goluhu ansixiyay ee sidiisii aan loo fulin in markay gaadho taladiina haddii eebe idmo maxkamad sharci ah la soo taago

Waxay na soo fareen in maciishadda asaasiga iyo badeecadaha istraatiijiga ah, SIDA SHIIDAALKA, in cashuurta la saaray ee xaddhaafka ah, aan dib loo gelinin tacliintii, caafimaadkii, biyihii, laguna kaabin daryeelkii shaqaalaha, hase yeeshee gacanta u gasha in yar oo kooban, ama lagu fuliyo dano gaar ah oo siyaasadeed, cashuurtaasu ma saarna inta hantiilayaasha ah ee waxay ka go’antahay oo saarantahay dadweynaha guud ee danyarta ah. Waa in ay noqoto meelaha waxa ka qabaneysaan ee uu ah tiirdhexaad isbeddelka.

Waxay na soo fareen in sidaan hore idiinku soo sheegay in gobolka ay ka jirto abaar baahday aanay ugu darantahay biyo la’aan oo Ilaahay haddii aanu innaga soo qaboojin durbaba ay bilaabmatay biyo dhaamis. Waxay na soo fareen in ceelashii Burco ee biyaha badnaa AY mishiinadii habeenba mid ka fadhiisanaayo, Iska daa wax uu biyo dhaan wax ka taro, ee dadweynihii magaala madaxda deganaa inta badan ay oon iyo harraad ku jirto . Boqolkiiba 80 magaalada waxa waraabiya booyado ka soo dhaamiya ceelal dad gaar ah leeyihiin (PRIVATE) ,oo waagii beryaba sicirka qiimaha kiciya, yidhaahdana shidaalkii iyo raashinkii ayaa nagu kacay. Taasuna ay wax sii yeeshay danyartii awalba baahido haysay.Waxay na soo fareen reer Togdheer in shirweynaha uu ka soo baxo qaylo-dhaan ku saabsan arrimaha abaaraha ee goblka iyo guud ahaanba dalka ka taagan."

Cismaan Cabdi Barkhadle gobolka Saaxil gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil oo u hadlayey waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: "Gobolka Saaxil codkii ugu yaraa ayuu ka helay, taasina waxay ku dhacday balanqaadyo aanay waxba ka dhicin oo ay Rayaale iyo xukuumadiisu ku ballanqaadeen in dhisayaan wershaddii Shamiitada. Waxa aanu ku balanqaadaynaa oo balanqaad idiinka sidnaa in sannadkan doorashadu marka ay qabsoonto.

Kulmiiye waxay reer Somaliland iyo Berberi waxay leeyihiin rajada keliya ee noo muuqataa waa Kulmiye."

Axmed Muxumed Geelle Dacar oo isna ku hadlayey magaca Gobolka Awdal ayaa hadalkiisa ku bilaabay: "Laysku sheegi mayo gobollada dalka, dad walaalo ah ayaynu nahay, dad isdhex=galay ayaynu nahay. Gobolka Awdal Hay’ad qudhi ma degana, hadana waxa laga yaabaa in la yidhaahdo waar nimanku maxay dhergeen. Maanta abaaro baahsan ayaa ka jira, xukuumadu hay’adaha uma sheegto abaarahaas iyo duufaanadii dhawaan ka dhacay gobolka. Waxa uu gobolku uga mahad-celinayaa Xisbiga Kulmiye aaskii Xasan Muumin dhaqaalihii uu ku caawiyay. Waxa jirta Tahriib ay dhalinyartii badda isku gurtay, qoys aan cidi ka tagin ma jirto, anigaygaa Inan baa iga tahriibtay. Cadaalad-darada, musuqmaasuqa iyo dhibka ka jira wadankeena. Waxa jirta in ay musharaxiin badan oo ka tirsan Xisbiga."

Dalmar Saalax Diiriye, Gobolka Sanaag:-

"Xisbigu tan iyo markii la aasaasay gobolka wuu ka furnaa, wuxuuna xafiisyo ku leeyahay, badhan, ceel af-wayn, iyo gar-adag. Xisbigu taageerayaal badan ayuu ku haystaa gobolka. Hase yeeshee dhaqaale xumo ayaa soo food-saartay xafiisyadaas. Waxa kale oo hogaanka ee heer gobol iyo xubnaha hogaanka sare ee gobolku isu diyaarinayaan sidii aanu uga soo dhalaali lahayn hawsha doorashooyinka. Gobolka Sanaag waxa uu la qabaa abaaraha iyo biyo la’aanta gobollada kale ee wadanka ka taagnaa. Waxa jira dhibaatooyin dhaqaale, gobolka waxa ku furan waraaqo laga soo daabaco mishiinada lacagta ee ku yaala gobollada Puntland. Lacagtaasi ma soo gaadhayso gobolka Togdheer. Taasi waa arrin u dheeraad ah. Lacagtaasi waa jmid lagu curyaaminayo. Reer Sanaag may ahayn dad dadlad ku nool ah ee waxay ahaayeen dad isku filan dhaqaale ahaan marka loo eego khayraad ilaahay dalka ku manaystay. Laakiin ku go’doonsan iyada oo ay sabab u tahay wada xumada. Xataa Saxaafada iyo joornaalku ma gaadho. Dhibaatooyinka kale ee gobolka waxa ugu wayn wada xumada. Marka ay soo dhawaato doorashadu ayaa burco iyo Sanaag la geeyaa Laba Cagaf-cagaf wadadaasi nama soo gaadho marka doorashada ayaanu maqalaa wadadaa. Xukuuumadu waxay ku guulay-daraysatay Isgaadhsiinta oo Boosaaso ayaanu muddo ku xidhnayn, waxaan soo gaadhin lacagta Somaliland oo waraaqihii cadcadaa ee balaadhnaa ayaanu wax ku kala iibsanaa. Xoolihii ayaa loo joojiyay lagama joojine Hal qof oo aanaan garanayn waxay ku qabto. Dadka reer Sanaag waxay indhaha ku kala qaadeen oo aanaan xalay telefoonadooda ka seexan hawlahan isu diyaarinta doorashooyinka soo socota.

Waxaanu intaa raaciyay Dalmar "Kollay sidii Cabdi Aw Daahir waxyaabo badan buu soo maray oo xagga hadalka Jaamacado ayuu uga soo baxay oo waakii Xoghayaha iyo Wasiirka wax soo noqdaye bal laakiin, maanso yar baan isku dayaa inaan halkan ka akhriyo."

Kayse Maxamed X. Xuseen Gobolka Sool:-

"Bulshada reer Sool xaalada ka jira waynu iska garanaynaa waxa uu isii dheer geedka xididka tiinka la yidhaahdo oo Cabdilaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse waxanaan rajaynaynaa in Kulmiye marka uu ku guulaysto inuu ka guri doono.

Waxa ii dhashay Laba Wiil oo midna waxaan u bixiyay Kulmiye midna Shirweyne oo mataanay ahaayeen. Waxaanu u qaadanay inuu Xisbi Xaakimku doonayo inuu dhiida u dhigto oo ku tartamo doorashooyinka waxyaalihii laga ururiyay dadweynaha si wax loogu qabto bulshada reer Sool. Waxaan ku raja waynahay in sidii doorashadii Zimbabwe madaxweynihiisa loogu dhameeyay in kanna loogu dhameeyo. Waxaanu jecelahay in xagga gacan hoos u dhiibka in aan nalagu badin. Balse waxaanu jecelahay in nalaku badiyo sidii qodxaha aan kor ku soo xusnay. Waxaanu rabnaa in nalaga ilaaliyo hadaladii yar yaraa ee waxaa loo baahan yahay in nalaga ilaaliyo waayo waxaanu maraynaa halkii Hargeysa maraysay 91-kii. Waxaanu jecelahay in habeenkii saqda dhexe loo duceeyo in qodxaantaa yaryar loo dhammeeyo, Kulmiye noqdo hogaanka Somaliland."

Yuusuf Nuur Maxamed Guruuje Hargeysa:

"Hargeysa waxa u sii dheer af-miishaaradii wadanka ee dawlad walba kharibi jiray, ayaa ka jira, wixiiba Hargeysa ayay wada joogaan oo ay isugu yimaaddeen, waxa dhibaatooyinka dalka ka jira Hargeysa isugu soo ururiyay Maan-jeceshaa aan sheegay. Dhalinyaradii waa la guntayday, wax baa la bartay wixii oo dhamina Maqaaxiyaha ayay isugu yimaadeen. Waxa qasab noqon doonta bari dhaw inay kacdoono dhacaan oo ay meel kasta galaan marka meel ay u kacaan waayaan. Miyigiina waa laga soo xarooday, gobolladii kale ee Soomaaliya way yimaaddeen Oromo iyo Itoobiyaan bilaa camal ah ayaa muwaadiniintii sii dheer, haddii aan isbedel-doonkaas Ilaahay inoo dhabayn. Waynu arkaynaa dhibaatooyinka dalka waxa ka mid ah riwaayadaha lay noo metelayo, ee la leeyahay ictiraaf baa la raadinayaa, Madaxweyne dalkiisii leh ictiraaf baan doonayaa inuu Shuuro- dubiyay oo albaabkii inuu xidhay shaqaale u dhiibtay, markaad wax rabto horta gurigaaga ayaa la sii hagaajiyaa. Cid waliba way ogtahay in dawladu hor-taagan tahay oo diidan tahay oo dhaqaalihii iyo wixii ku xidhnaa ay la’ yihiin. Dawladihii lacagta bixinayay waxa ay leeyihiin waar doorashadii qabsada waatan lacagtiiye. Iyagana waxa laga la’yahay waanu qabanaynaa ama ma qabanayno. Waxaan leeyahay Hargeysi waxay sida gobollada kale Ilaahay ka baryaysaa in Ilaahay isbedel deg deg ah rabto."

Suldaan Jaamac Nuur oo ka mid ah gudiga fulinta ee UK ee xisbiga Kulmiye isagooo ku hadlaya magaca qurbo-jooga dalka Britain wuxuu hadalkiisa ku bilaabay; "Waxaan soo dhawaynayaa xubnaha miisaanka leh ee mudooyinkan dambe sida wayn ugu soo biiriyay xisbiga,qurba jooga Somaliland 80% waxay taageeraan Xisbiga Kulmiye. Qurba-joogu waxay dalka ku soo kordhiyeen dhaqaale badan, tusaale ahaan dhismayaasha quruxda badan, jaamacadaha, Hoteelka aynu joogno ayaa ka mid ah, wershado yar yar oo kuwa biyaha ah ayay sameeyeen, waxaanu door muhiim ah ka qaadanaa gooni isu-taaga Somaliland. Maadaama doorashooyin innagu soo dhow yihiin waxaanu is-saarnay 200,000$ si aanu gacan dhaqaale uga gaysano iyo waliba inaanu soo dirno in ka badan 1000 Muraaqib. Waxa kale oo aanu samaynay nidaaamka ololaha oo aanu bedelo nidaamka laysku soo dhaweeyo durbaan iyo jaad. Balse waxaanu samaynayaa fakir kaas ka duwan oo isu soo dhawaansho iyo firfircooni ah."

Cabdillaahi Xaashi Abiib oo ah aqoonyahan ka mid masuuliyiinta xisbiga e dalka Maraykanka, ayaa isaguna yidhi: "Waxaan u imi shirweynahan Xisbiga Kulmiye, anigu waxaan ahay nin wadankan u dhashay oo Tobankii sano ee ina soo dhaafay wadanka wax u qabtay. Waxaan keenay wax Alle waxa yaalay jaamacadda Camuud ama wixii maaliyad loo samaynayo, markaa guushii aanu taas ka gaadhnay waxay noo fududaysay inaanu ka gun-gaadhno sidii gobollada dalka oo dhan wax loogu qabto. Waxaannu keenay miisas, kuraas, qallimo iyo waxyaale kale. Waxa maanta na soo gaadhay Koontiinarkii 30-aad. Qalabka aan waddanka soo gaadhsiiyay ilaa 20 Milyan oo Dollar, waxa iminka foodda innagu soo haya Markab raashiin ah Bariis, Daqiiq, Baasto iyo waxyaale kale oo aan ugu talo-galay Lughaya iyo Saylac. Waxa uu damiirkaygu ii saamixi waayay markii aan Siilaanyo sheekaysanay, waxaan isku dayaa inaan Siilaanyo gacan ka siiyo sidii uu wadanka uga saari dhibaatada ka jirta hogaankana gacanta ugu dhigi lahaa, aniga oo aan u eegayna gobolka iyo meesha uu ka yimi. Maalin walba waxa nalagu shookaansadaa waanu idin aqoonsanaynaa. Maxaa innaga laynoo aqoonsan waayay, waxa laynoo aqoonsan waayay xuquuqul-insaankii ayaa lagu tuntay, qofkii hadla ayaa la xidhayaa, waxaan aaminsanahay hogaanka mudane Axmed oo aaminsan fikradaha aan qabo ee aqoonsi lagu keeni karo oo ah in ciidamada la tababaro, oo la sugo caddaaladda oo saxaafadda gacanta ay dawladdu ku hayso ay ku wareejiso meel dadka ka dhaxaysa Saddexda Xisbi oo ay si xaq ah u isticmaali karaan. Waxa kale oo ka mid waxyaalaha aqoonsiga lagu heli karaa iyada oo doorashaduna noqoto mid xor ah ama xisbi ha noqoto ama ta guud ha noqotee. Waxa kale oo aqoonsi lagu keeni karaa iyada oo lala xisaabtami karo madaxda hogaanka haysa. Haddii aanay taasi jirin ma jirayso aqoonsi.

Anigu waxaan rabaa aniga oo qof keliya ayaa waxaa qabtay. Waxaan idiin balan-qaadayaa degmo kasta oo gobol kasta ka tirsan inaan keeno qalabka ugu dambeeyo ee dadka lagu daweeyo. Waxaan idiin balan qaadayaa lacagta lagu dawaynayo cudurada TB-da, Malaariyada aanu keeno annagu iyada oo aan dawladu bixinayn.

Waxaan idiin ballan-qaadayaa haddii Xisbiga Kulmiye ku guulaysto doorashada laga dhigo bilaash waxbarashada. Haddii aan doorashada ku guulaysano waxaanu ballan-qaadaynaa in iskuul kastaaba yeesho Computer Lap, John Canady-ba markii uu yidhi, dayax-gacmeed baan samaynayaa waa lagu qoslay anigana ha laygu qoslo maanta. Markii aan Jaamacadda Boorame aan keligay idhi waan samaynayaa waa layla yaabay, maantana waxa dhigta in ka badan 400 oo Arday dee dawladna ma ihi ee shicib baan ahay, waanaad aragtaan in dayaxii la gaadhay.

Dadkeenu lacag badan bay haystaan laakiin jeebadaha ayay ku haystaan, waa in aan barnaa sida lacagta wax loogu samayn lahaa, oo laga caawiyo si ay fikrad uga soo qaataan dawladaha kale sida loo sameeyo shaqo abuurka. Dadka miyiga waxa loo tagaa maalinta doorashada oo kaliya, waa in loo furaa Bankiga horumarinta oo ninkii reer Miyiga ahaa la siiyo lacag uu xoolo siisto. Iminka ninku mara uu Wasiir noqonayo waxa uu u tagaa odayaal reerkooda ah oo Madaxweynaha ugu taga.

Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga Canab Cumar Illeeye oo iyaduna munaasibaddaa ka hadashay ayaa tidhi;- "Ilaahay raga wax ha kaga duwo raga kaalinta haweenka. Mujtamaca ugu badan baanu nahay intaas oo ragi maxay iigu wada horaysay, haddii aanan xigmad igu fadhiyin. Waxa gacan bidix looga maarmay bal noo sheega. Durbaankii waanu soo nacnay taladii dalka ayaanu rabnaa. Laakiin, wax baanu xeerinaynaa, dumar badan waan abaabuli lahaa oo kasban lahaa. Haddaba, waxaan leeyahay ragow xataa xubin aanu lahayn baad meesha ka qaadeen, waar ma rabno inaynu isu fiirsanee, dur baankii waanu iska nacnay, mushxaradiina waa la mid ee na siiya xaqayaga. Dumarku waxay jecel yihiin inay raaxo helaan nolol fiican ku noolaadaan. Ragguna waxay rabaan kursi, waar haddaad na ha gaajin waydaan anna idin hagaajin mayno. Marka doorashadu gaadho qaar waxay yidhaahdaan jaadkii xalay baa igu qaloocday, subaxii ilaa galabtii waanu taaganahay oo ma daalo ilaa nala eryo Insha Allaah Ilaahay ha innagu guuleeyo."

Haddaba dareennada hadheeyey madashii maanta ee shirweynaha iyo murashaxiinta cusub ee is-muujiyey iyo kuwa ka tanaasulay tartanka kala soco Halganews…..

AA.Sheekh, Hargeysa.

 
< Prev   Next >

.

Sh adan siiro.jpgHalganews iyo Qudbadaha jimcaha ee Masaajidka Xawaadle qudbadahan oo taxane joogta  ah jimce walba  halkan ka dhagayso Qudbadii Jimcahan 29.02.2008 iyo Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadan siiro)

 
Qoraalkan riix si aad u hesho ama aad u dhagaysato Qudbadihii Hore ee Sheekh Aadan Siiro

 

Hawl Galkii Badbaado ee lagu furtay Jeelka Mandheera 3/1/1983kii

Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno....

 
Hawl-galkii Birjeex Ee lagula Baxay Col.C/lahi Askar

Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo.....

 
Labadaa dil midkood gacan ku dhiiglaha isagu geystey waxa laga raafey Cali-Xaydh

midi waa geesiyadaa oo marka cadawgu kula dagaalamayo nin-ba ninka uu ka qaalisan yahay ayuu abaaraa, Aadan Shiine iyo C/Qaadir Koosaar-na geesiyaal bay ahaayeen, waa ta labaad'e waa dagaal bilaw ah oo cusub, oo ku socda in la tirtiro taariikhda halgankii lagu xoreeyey dalkan, waa ta saddexaad'e waxa looga jeedaa fidmo laga abuuro dadka dhexdiisa, taas oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qaranimada Somaliland, anigu sidaasaan qabaa, waayo cidna umay qabsan SNM dilalkaasi, haddana iyadiibaa dib loogu soo celiyey markaa anigu ma garanayo waxa looga jeedo ee aan sidaa ahayn...

 
Gabay Gees ka gees Mujaahid Dr. Cabdi Salam Yasiin ayaa tiriyay waaba gabay Khuseeya Halganka

Runa anaantii anoon sharax badan ka bixinayn Dr. C/sallaan Yaasiin oo ahaa mid ka mida halgamayaashii xiliga dheer u halgamayay  in dadku mar uun baadilku ka tago C/salaan waa mid ka mida shantii nin ee fadhiday Miiskii lagaga dhawaaqay SNM 06.04.1981kii sida Sawirka sarena aad ku aragtaan C/sallaan waa ninka taagan  ee hadlaya hadaba Dr. C/sallaan Yaasiin oo halgankii ka dib lamaqal in badan oo ay xaruntiisu tahay Dalka Saudi arebiya halkaas oo uu ku noolyahay Dr. C/sallaan ayaa hadaba tiriyay Tix la magac baxday Gees ka gees oo ka hadlaysa wakhtigii tagay iyo Wakhtagn Xaadirka ah ba isaga oo ereyadiisa ay ka mid yihiin...

 
Sannad guuradii 14-aad ka soo wareegaty Qaranimada Somaliland

Kudhawaaqista madaxbanaanida Somaliland waxa ay kadambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulayastay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare kadib markii uu halgan dheer u soo galay,waxaanu ururkii S.N.M lsmarkiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Somaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland....

 
31 May Maalin Kulansatay saddex munaasibadood oo Taariikhi ah Faysal Cali Sheekh, Jamhuuriya

Waxa kale oo Ciidanka SNM hawlgal ku qaadeen 29kii May 1988 Xerada Cadaadley oo sagaashan (90km) dhinaca Bari ka xigta Hargeysa. Hawlgalada Ciidamada SNM ee Hargeysa wuxu ahaa gulufkii dagaal ee taariikhda SNM ugu muddada dheeraa, dagaalkii Mujaahidiintii SNM oo 2:00 duhurnimo ee 31kii May 1988 ay ka soo dhaqaaqeen Tuulada Bali-Samatar oo waxyar u jirta xuduudda, waxay duhur cad iyaga oo saaran Kolanyo Baabuur ah ku soo jiidheen Ciidamaddii qaybta 26aad ee loogu talogalay Difaaca Magaalada ee Teedsanaa inta u dhexaysa Xuduudda iyo Magaalada iyada oo Kolonyaddii Ciidanka ay ka war heleen Diyaaradihii Sahanka Cadowga oo Markii Ciidamada SNM xuduudda ka soo gudbeen dul marayay

 
Baroor-diiq Geeridii Abdirahmaan Ahmed Ali iyo Halgankii SNMta. Hargeysa...November 15th '03...SNN

Cabdiraxmaan Tuur oo labaatan sannadood Safiir ahaa, labaatan kale oo xigayna jabhad iyo hoggaamiye ahaa iyo geel-dhaqasho halkee ayay iska soo galaan. Waa habeen aanu booqasho iyo kormeer ku maraynay tuulooyinka xuduudda ku taxan ee gobollada bari. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee SNM. Waxaanu la soconnay wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SNM. Yicib-yabooh ayaanu goor fiid ah ku soo hoyannay. Garo� oo Cabdiraxmaan ayaa marti loogu ahaa Yicib-yabooh. Kollay habeenkaa qarbe-qarbe ayuu xaalku iska ahaayoo, sabaayad ayaanu ku cashaynay. Cadihii iyo sooryadii maalintii xigtay ayay is-raaceen.

 
HALACSIGA MAALIN-QORKA: HESHIISKII SIYAAD BARRE & MENGISTU XAYLE MARIAM EE 1988kii

Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray?...

 
Goormay Kuugu darnayd!? waxaa ka sheekaynaya Mujaahid Haybe Axmed Gure (Haybe-Laambad)

Waxa ay iigu darnayd anigoo u madax ah ciidankii 11aad ee deggenaa xeebta Bula-Xaar iyo Boolay anagoo tiradayadu ay ahayd 150 nin oo naftood hurayaal ah oo aanwaxba cunin 4 caano maal oo ah 2 habeen iyo 2 maalmood ayaa nala ogaaday oo nala soo weeraray. Waxa na soo weeraray ciidan aan ku qiyaasay 500 nin iyo Tignikadoodii. Markii aanu ka warhelnay in weerarku nagu soo maqanyahay ayaan fayliyay ciidankii dabadeed waxaan idhi, “Waa dalkeenii iyo dadkeenii waynu u dhimanaynaa ee difaaca”. Ninka ugu badani 50 midh oo rasaas ah ayuu sitaa, waxaan ku wargeliyay,oo ku idhi, “Rasaastii iyo cuntadiiba cadawga ayaa inoo sida ee sidaa ku ogaada”.....

 
  @copyright (C) 2003 - 2007 Halganews