|
|
a
|
Shirweynaha KULMIYE: Dareenkii Kacsanaa ee Madasha iyo Murashaxiinta Tanaasulaya iyo Kuwo Cusub oo Daboolka ka Qaadaya Damacooda |
|
Sunday, 30 March 2008 |
|
Shirweynaha KULMIYE: Dareenkii Kacsanaa ee Madasha iyo Murashaxiinta Tanaasulaya iyo Kuwo Cusub oo Daboolka ka Qaadaya Damacooda
Hargeysa (Halganews)- Shirweynaha 2aad ee xisbiga KULMIYE ayaa maalintii labaad la kowsaday jewi siyaasadeed cusub oo ka duwan kii uu ku furmay, kaas oo xambaarsanaa dareenno isugu jira doodo diblomaasiyadeed, loollano dahsoon iyo xafiiltan aan turxaan lahayn oo ay masuuliyiinta iyo xubnaha miisaanka leh ee xisbigu ku kala riixanayeen jagooyinka awoodaha badan ee KULMIYE gudihiisa.
Iyada oo dhinaca kalena maanta oo uu si rasmi ah u xidhmayo shirweynaha KULMIYE la filayo in qaybta hore ee ajendaha shirku noqdo ansixinta xubnaha golaha dhexe oo ka kooban 133 xubnood iyo doorashada hoggaanka cusub ee xisbiga hagi doona shanta sannadood ee soo socda. Sidoo kale dhawr xubnood oo ka tirsan shaqsiyaadka uu ku jiro damaca siyaasadeed ayaa iyana la filayaa in ay maanta madasha ka caddeeyaan inay ka tanaasulayaan jagooyinkii hungurigu kaga jiray, kuwaas oo la saadaalinayo inay ka mid yihiin Dr. Axmed Xuseen Ciise, Axmed Muxumed Madar iyo xubno. Sidaas oo kalena waxa la filayaa in xubno cusub oo miisaan siyaasadeed leh si rasmi ah ugu dhawaaqaan damacooda siyaasiga ah iyo jagooyinka damacu kaga jiro, kuwaas oo la sheegay inay ka mid yihiin Muuse Biixi Cabdi, Muj. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar/xaashi iyo weliba xubno kale oo ka soo jeeda beelaha Gobolka Awdal.
Haseyeeshee, waxa jewigii shirka xaraaradiisu kor u kacday kadib markii madasha laga akhriyey nuxurka mid ka mid ah talo-bixinaha ergooyinka oo la xidhiidha qodobadda distoorka xisbiga KULMIYE, gaar ahaan qodob si gaar ah uga hadlayey sidii loo soo koobi lahaa awoodaha badan ee uu leeyahay guddoomiyaha xisbigu, ahna guddoomiyaha guddiga fulinta. Doodda ku saabsan arrintaas oo madasha ka curisay jewi isugu jiray reen lagu taageerayo iyo guux taas ka duwan oo lagu diidan yahay farogelinta gaarka ah ee distoorku siiyey guddoomiyaha. Nuxurka soo jeedintan ee dareenka dhalisay oo ahayd; in la dhimo awoodaha faraha badan ee distoorka xisbigu siinayo guddoomiyaha sida ku cad qodobka 16aad, sidaa daraadeedna awoodahaas qaar ka mid ah la siiyo guddoomiye-ku-xigeennada oo iyaga awood buuran aannu siin distoorku. "Haddii awoodihii xisbiga oo dhan qof la wada siiyo anigu ma ahi ka tartamaya." Sidaa waxa yidhi Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ah xubnaha miisaanka heerka sare ee xisbiga, kana ka mid ah shaqsiyaadka hore u caddeeyey inay isu taagi doonaan tartanka jagada musharaxnimada Madaxweynaha ee KULMIYE dhexdiisa, isla markaana lahaa soo jeedinta aaraahda dareenka shirka kicisay.
Arrintaas oo u muuqatay mid si weyn u damaqday Guddoomiye Axmed-Siilaanyo, ayaa daqiiqado yar kadib xubnaha shirguddoonka oo iyagu si gaar ah ula socday isbeddelka dareennada siyaasadeed ee shaqsiyaadka miisaanka leh waxa ay ergadii madasha fadhiday ku wargeliyeen in gaadhay waqtigii shirku xidhmayey, sidaa awgeedna doodda arrintan ku saabsan iyo hawlaha la xidhiidha distoorka ay gudo geli doonaan fadhigooda Isniinta maanta.
Si kastaba ha ahaatee, guuxa arrintaasi ma noqon mid ku ekayd madashii shirku ka socday, balse markii ergooyinka shirka ka qaybgalay u soo baxeen barxadda hudheelka, ayaa waxa si aan ku talogal ahayn u kulmay Mr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Dr. Axmed Xuseen Ciise, kuwaasoo dhawr daqiiqadood oo ay wada taagnaayeen si dhoola-ka-qosol ku jiro isu dhaafsaday su’aalo la xidhiidha soo jeedinta uu madasha ka akhriyey Dr. Axmed Xuseen Ciise, haseyeeshee iyadoo aanay wejiyadooda ka muuqan dareenno cadho leh ayey isu raaceen dhinaca hoolkii ergooyinka shirweynaha qadada loogu diyaariyey.
Inkasta oo ay dareennadaasi jireen, haddana intooda badan waxay ahaayeen kuwo ay shiiqinayeen xubnaha shirguddoonka ee hagayey shirka oo ah xubno xul ah oo waayo-aragnimo badan u leh hawlaha dejinta dareennada cakiran. Sidaa daraadeed, shirka oo bilowgiisii ku socday jewi xasillooni badani ka muuqatay, isla markaana ay khudbado kala duwan madasha ka jeediyeen madaxda KULMIYE ee gobollada dalka iyo wakiillada u jooga dalalka dibadda, kuwaas oo ka warbixiyey awoodda xisbiga ee goobaha ay ka kala yimaaddeen iyo goldaloolooyinka buuxinta u baahan.
AA.Sheekh, Hargeysa. |
|
|
 |
|
Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno.... |
|
Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo..... |
|
midi waa geesiyadaa oo marka cadawgu kula dagaalamayo nin-ba ninka uu ka qaalisan yahay ayuu abaaraa, Aadan Shiine iyo C/Qaadir Koosaar-na geesiyaal bay ahaayeen, waa ta labaad'e waa dagaal bilaw ah oo cusub, oo ku socda in la tirtiro taariikhda halgankii lagu xoreeyey dalkan, waa ta saddexaad'e waxa looga jeedaa fidmo laga abuuro dadka dhexdiisa, taas oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qaranimada Somaliland, anigu sidaasaan qabaa, waayo cidna umay qabsan SNM dilalkaasi, haddana iyadiibaa dib loogu soo celiyey markaa anigu ma garanayo waxa looga jeedo ee aan sidaa ahayn... |
|
Runa anaantii anoon sharax badan ka bixinayn Dr. C/sallaan Yaasiin oo ahaa mid ka mida halgamayaashii xiliga dheer u halgamayay in dadku mar uun baadilku ka tago C/salaan waa mid ka mida shantii nin ee fadhiday Miiskii lagaga dhawaaqay SNM 06.04.1981kii sida Sawirka sarena aad ku aragtaan C/sallaan waa ninka taagan ee hadlaya hadaba Dr. C/sallaan Yaasiin oo halgankii ka dib lamaqal in badan oo ay xaruntiisu tahay Dalka Saudi arebiya halkaas oo uu ku noolyahay Dr. C/sallaan ayaa hadaba tiriyay Tix la magac baxday Gees ka gees oo ka hadlaysa wakhtigii tagay iyo Wakhtagn Xaadirka ah ba isaga oo ereyadiisa ay ka mid yihiin... |
|
Kudhawaaqista madaxbanaanida Somaliland waxa ay kadambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulayastay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare kadib markii uu halgan dheer u soo galay,waxaanu ururkii S.N.M lsmarkiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Somaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland.... |
|
Waxa kale oo Ciidanka SNM hawlgal ku qaadeen 29kii May 1988 Xerada Cadaadley oo sagaashan (90km) dhinaca Bari ka xigta Hargeysa. Hawlgalada Ciidamada SNM ee Hargeysa wuxu ahaa gulufkii dagaal ee taariikhda SNM ugu muddada dheeraa, dagaalkii Mujaahidiintii SNM oo 2:00 duhurnimo ee 31kii May 1988 ay ka soo dhaqaaqeen Tuulada Bali-Samatar oo waxyar u jirta xuduudda, waxay duhur cad iyaga oo saaran Kolanyo Baabuur ah ku soo jiidheen Ciidamaddii qaybta 26aad ee loogu talogalay Difaaca Magaalada ee Teedsanaa inta u dhexaysa Xuduudda iyo Magaalada iyada oo Kolonyaddii Ciidanka ay ka war heleen Diyaaradihii Sahanka Cadowga oo Markii Ciidamada SNM xuduudda ka soo gudbeen dul marayay |
|
Cabdiraxmaan Tuur oo labaatan sannadood Safiir ahaa, labaatan kale oo xigayna jabhad iyo hoggaamiye ahaa iyo geel-dhaqasho halkee ayay iska soo galaan. Waa habeen aanu booqasho iyo kormeer ku maraynay tuulooyinka xuduudda ku taxan ee gobollada bari. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee SNM. Waxaanu la soconnay wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SNM. Yicib-yabooh ayaanu goor fiid ah ku soo hoyannay. Garo� oo Cabdiraxmaan ayaa marti loogu ahaa Yicib-yabooh. Kollay habeenkaa qarbe-qarbe ayuu xaalku iska ahaayoo, sabaayad ayaanu ku cashaynay. Cadihii iyo sooryadii maalintii xigtay ayay is-raaceen. |
|
Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray?... |
|
Waxa ay iigu darnayd anigoo u madax ah ciidankii 11aad ee deggenaa xeebta Bula-Xaar iyo Boolay anagoo tiradayadu ay ahayd 150 nin oo naftood hurayaal ah oo aanwaxba cunin 4 caano maal oo ah 2 habeen iyo 2 maalmood ayaa nala ogaaday oo nala soo weeraray. Waxa na soo weeraray ciidan aan ku qiyaasay 500 nin iyo Tignikadoodii. Markii aanu ka warhelnay in weerarku nagu soo maqanyahay ayaan fayliyay ciidankii dabadeed waxaan idhi, “Waa dalkeenii iyo dadkeenii waynu u dhimanaynaa ee difaaca”. Ninka ugu badani 50 midh oo rasaas ah ayuu sitaa, waxaan ku wargeliyay,oo ku idhi, “Rasaastii iyo cuntadiiba cadawga ayaa inoo sida ee sidaa ku ogaada”..... |
|
|
|