|
Hargeysa (Halganews)- Shirweynaha 2aad ee Xisbiga KULMIYE ayaa gunaanadkiisii maanta lagu doortay xubnaha hoggaanka cusub ee shanta sannadood ee soo socda.
Guddoomiyaha:
Waxa isu soo taagay Musharaxa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo keliya waxana codkooda siiyey 497 ergay, waxana diiday shan ergay.
Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad:
Guddoomiyeku-xigeenka 1aad waxa hantay Muuse Biixi Cabdi oo helay codadka 330 ergay, halka Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego-wayne) oo loollan adagi ku dhexmaray jagadaasi uu helay 182 codadka ergayda.
Guddoomiye ku-xigeenka 2aad:
Guddoomiye ku-xigeenka 2-aadS ee Xisbiga waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo helay codka ergay gaadhaysa 455 cod, halka Cali Cabdi Cilmi oo jagadaas kula loollamayay uu ka helaly toddoba cod oo qudha.
Guddoomiye ku-xigeenka 3aad:
Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo helay 451 cod, Yuusuf Bashiir oo jagadaas kula tartamayay ayaa isna helay 20 cod.
Guddoomiye ku-xigeenka 4aad:
Guddoomiye0ku-xigeenka 4aad waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ka dib markii uu helay codka ergay gaadhaysa 480 cod, halka Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo jagadaas kula tartamayay uu ka helay 34 cod.
Jagada Xoghayaha Guud:
Jagada Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE waxa ku tartamayay xubnihii ugu tirada badnaa tartamayaasha - saddex xubnood - Keyse Xasan Cige, Sahra Maxamuud Xuseen iyo Cumar Maxamed Xasan.
Waxa xoghayaha Guud ee KULMIYE ku guulaystay Kayse Xasan Cige oo helay 277 ergay, waxana aad ugu dhawaaday Sahra Maxamuud Xuseen oo heshay codadka 236 ergay, Cumar Maxamed Xasan-na waxa uu helay hal cod oo keliya.
Waxa kal oo gunaanadkii shirweynaha si aqlabiyad ah loogu ansixiyay barnaamijka iyo distoorka xisbiga, inkasta oo wax ka bedel lagu sameeyay qaar ka mid ah qodobada dastuurka sida; Golaha Dhexe oo ka koobnaa 133 oo lagu dhigay 170 xubnood. Waxana shirweynuhu awood u siiyay Golaha Dhexe inuu wax-ka-beddel ku samayn karo barnaamijka iyo distoorka KULMIYE.
Hadalladii masuuliyiinta la doortay iyo sawirradooda kala soco Halganews…..
AA.Sheekh, Hargeysa. |