Waxaanu hanbalyo iyo Bogaadin u diraynaa Xisbiga Kulmiye taasi oonu ku hanbalyaynayno Dimiqraadiyadda uu muujiyay waxaananu bogaadinaynaa in ay Xisbiyada kale u noqoto ku dayosho Fiican, Xisbigani waxa uu muujiyay in uu misaan iyo Dimuqraadiyad leeyahay iyadoola ogyahayin uu xisbigu la ciirciirayay Aqoonyahanno waxgarad iyo Mujaahidiin, Culima awdiin,Dhalinyaro iyo haweenba, waxa uu ka gudbay marxalad aad u adag oo ah in cidii isu soo taagta Jagada hogaaminta Xisbiga uu u qalmayay Qofkastaaba oo halkaasi joogay maadaama ergadu ka koobnayd Ruugcadaayo Aqoonyahanno ah.
Runtii Xisbgani waa Xisbiga kaliya ee Dibad iyo Gudaba ka haysta Taageero mug leh oo ku dhisan Dimuqraadiyad dhab ah. hadaba hadaanu nahay Ururka dhalinyarada Somaliland ee ku dhaqan Yurub urukan oo ka dhisan Dalalka . Uk. Belgiam. Sweden Denmark. Norway Finland. Holand. France iyo Germany waxay xubnihiisu ka koobanayhiin in kabdan 6000kun oo xubnood. Hadaba anaga oo ah Gudida Guud ee urukan kuna hadlayna 6000kun ee dhalinyaro afkooda waxaan Hanbalyo aan la soo koobikarin u dirayaa Hogaanka Cusub oo uu u horeeyo Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Guddoomiyeku-xigeenka 1aad Mudane Muuse Biixi Cabdi . Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle Guddoomiyeku-xigeenka 4aad Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi iyo Xooghayaha Guud ee Xisbiga Mudane Kayse Xasan Cige.
Waxaanu Xisbiga ku bogaadinaynaa in ay u badiyaan Xubnaha Golaha Dhexee ee Xisbiga Dhalinyarada waayo iyagaa ah mustaqbalkii dalka oo waxay la imanayaan maskax cusub iyo Dhiig firfircooni leh sidoo kale waxaanu xisbiga kula talinaynaa in aanu kaalinta haween ilaawin.
Hanbalyo iyo Bogaadin markale
Mudane. Jaamac Xassan Cali (sugaal yare)
Gudoomiyha Guud ee ururka Daladda S.Y.A.I.E
Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ururka Daladda S.Y.A.I.E
Sheekh Xassan Cabdiraxmaan Xassan
Mudane. Axmed Caddi Cigaal (Josay)
Xooghayaha Guud ee Ururka S.Y.A.I.E
Afhayeenka Saxaafadda ee ururka S.Y.A.I.E
Marwo. Foosiya Xassan Aadan
Madaxa Guuritada ururka S.Y.A.I.E
Mudane. Xuseen Cabdillaahi Axmed (Baaquuni)