Calanka Somaliland
 
Sl-radio
Radiyow Horyaal
Radiyow Hargeisa
Bbc Somalilga
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
Radio-shabelle
Codka Somaliland
Radiohormuud
Radiogolis
Radiowaaberi
Radio-Waaheen
S-land-links
Aftahan.com
AwdalNews
Caynabo
Hadhwanaagnews
Hoyga-suugaanta
Hargaysanews
Hargeysa.org
Haatuf
Jamhuuriya
Qarannews.com
Radio-Somaliland
Redsea-Online
Somalilandforum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland-center
Somalilandfuture
Sl-Democracy-Watch
Sooyaal.com
Saaxil-net
Tvsomalilandeurope
Somaliland-Today
Togdheer-Online
Togdheersports
Sanaag-Web
Somaliland-talk
Golis-News
Somaliland-Edu
somalilandnews.info
Somaliradio
Radiyow-Garoowe
Radiyow-SBS
Radiyow-S-Sweden
Radiyow-Copenhag
Radiyow-Warsan
Radiyow-Banadir
Radiyow-Xoriyo
Radiyow&Tv-Jabuuti
Radiyow-Qaran
Radiyow-Dalmar
Radiyow-Sagal
Radiyow-Som(USA)
Rstvonline.com
Xisbiyo/ngo
Academy 4 P & Dev
IPR-Institute
Qurbaawi-journal
Systo.org
S-Pictures/Ahmed
S-Chamberofco
Taste Of Africa
Ururka-Sirag
Xisbiga-Kulmiye
Xisbiga-Udub
Xisbiga-Ucid
Ganacsilinks
Ambassador-Hotel
Dahabshiil-Company
Daallo-Airline
Damal-Airline
Maansoor-Hotel
Star-Africanair
Burao-cityplaza
Login Form





Lost Password?
No account yet? Register
 
Mujaahidka Todobaadka: Muj:Jaamac Cali Cilmi

Mujaahid_jaamac_Cali_Cimi_yar- 4.jpgMarxuun Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed ee Caanka ka ah Ciidamada dhex-dooda, sababaha ugu mihiimsan ee uu caanka ku ahaan waxa ka mid ahaa aqoontiisa tacliimeed oo aad u saraysay, isagoo leh aqoon iyo astaamo hogaamineed oo hufan (Leadership qualifications), Asluub iyo hab-dhaqan aad u wanaagsan. Marxuumka Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii sida xun loogu cadaadiyey hab-dhaqankii caanka ahaa ee dawladdii keli-taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee la odhan jirey Kacaan-diidka, taasoo aakhirkii sababtey inuu ka ruqsaysto Ciidamada

 
a
Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Burco gaadhay
Wednesday, 02 April 2008

 

Burco(Halganews)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wefti ballaadhan oo u hoggaminayo ayaa shalay gaadhay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan dhinaca Gobolka Sool.

Waftiga uu horkacayay Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa si wayn logu soo dhoweyay magaalada, gaadiid iyo dadweyne badani ka soo galbiyeen duleedka magaalada Sheekh, waxaana waftigaasi lagu dejiyay guriga martida ee Burco.

Waftigan Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa waxa weheliya Wasiirka Duulista iyo Hawda, Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarshada, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha iyo xildhibaanno ka tirsan Guurtida iyo Wakiillada.

Md. Axmed Yuusuf oo saxaafadda ugu warramayay qolka nasashada ayaa socdalkooda ku sheegay in u ku wajahan yahay xaaladda abaareed ee ka jirta gobollada bariga Somaliland ayna sidaan qaddar taakulo ah oo loogu talogalay dadka abaaruhu saameeyeen. "Saddexda gobol ee bariga ayaanu maraynaa si aanu u gadhsiino wixii caawimo ah ee aanu u sidano," ayuu yidhi.

Haseyeeshee, waxa Md.Axmed Yuusuf Yaasiin ka gaabsaday inuu sheego cadadka taakulaynta gurmadka abaaraha ee gobol kasta ay u sidaan, isagoo arrimahaa faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; "Caawa waxaannu u hoyan doonaa Burco oo la kulmi doonaa mamulka iyo waxgaradka gobolka oo isla eegi doonaa qorshaha loogu talogalay gobolka, kadibna wixii aanu isku afgarano ayaannu soo bandhigi doonaa."

Waxa Md.Axmed Yuusuf Yaasiin intaa raaciyay inay u sii gudbi doonaan gobollada Sool iyo Sanaag, balse waxa uu dadweynaha ka codsaday in Ilaahay lagu xidhnaado oo la baryo isla markana la bixiyo sakada iyo sadaqada, taas oo u xusay in la moodo in dadka ku yaranayaan bixinteedii, sababaha keenay dhibka iyo abaaraha daba dheeradayna ay arrimahaas ka dhasheen. Waxa kale uu xusay in weftigiisa oo ka kooban saddexda gole qaran ay u kuurgeli doonaan meel walba qorshihii loo qoondeeyay in la gaadhsiiyey iyo in kale.

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in Arbacada gelinka danbe ay u ambabaxaan dhinaca Gobolka Sool oo ay gadhsin doonaan qorshaha taakulada abaarta ee ay u sidaan.

AA.Sheekh, Hargeysa.

 
< Prev   Next >

.

Sh adan siiro.jpgHalganews iyo Qudbadaha jimcaha ee Masaajidka Xawaadle qudbadahan oo taxane joogta  ah jimce walba  halkan ka dhagayso Qudbadii Jimcahan 29.02.2008 iyo Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadan siiro)

 
Qoraalkan riix si aad u hesho ama aad u dhagaysato Qudbadihii Hore ee Sheekh Aadan Siiro

 

Hawl Galkii Badbaado ee lagu furtay Jeelka Mandheera 3/1/1983kii

Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno....

 
Hawl-galkii Birjeex Ee lagula Baxay Col.C/lahi Askar

Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo.....

 
Labadaa dil midkood gacan ku dhiiglaha isagu geystey waxa laga raafey Cali-Xaydh

midi waa geesiyadaa oo marka cadawgu kula dagaalamayo nin-ba ninka uu ka qaalisan yahay ayuu abaaraa, Aadan Shiine iyo C/Qaadir Koosaar-na geesiyaal bay ahaayeen, waa ta labaad'e waa dagaal bilaw ah oo cusub, oo ku socda in la tirtiro taariikhda halgankii lagu xoreeyey dalkan, waa ta saddexaad'e waxa looga jeedaa fidmo laga abuuro dadka dhexdiisa, taas oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qaranimada Somaliland, anigu sidaasaan qabaa, waayo cidna umay qabsan SNM dilalkaasi, haddana iyadiibaa dib loogu soo celiyey markaa anigu ma garanayo waxa looga jeedo ee aan sidaa ahayn...

 
Gabay Gees ka gees Mujaahid Dr. Cabdi Salam Yasiin ayaa tiriyay waaba gabay Khuseeya Halganka

Runa anaantii anoon sharax badan ka bixinayn Dr. C/sallaan Yaasiin oo ahaa mid ka mida halgamayaashii xiliga dheer u halgamayay  in dadku mar uun baadilku ka tago C/salaan waa mid ka mida shantii nin ee fadhiday Miiskii lagaga dhawaaqay SNM 06.04.1981kii sida Sawirka sarena aad ku aragtaan C/sallaan waa ninka taagan  ee hadlaya hadaba Dr. C/sallaan Yaasiin oo halgankii ka dib lamaqal in badan oo ay xaruntiisu tahay Dalka Saudi arebiya halkaas oo uu ku noolyahay Dr. C/sallaan ayaa hadaba tiriyay Tix la magac baxday Gees ka gees oo ka hadlaysa wakhtigii tagay iyo Wakhtagn Xaadirka ah ba isaga oo ereyadiisa ay ka mid yihiin...

 
Sannad guuradii 14-aad ka soo wareegaty Qaranimada Somaliland

Kudhawaaqista madaxbanaanida Somaliland waxa ay kadambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulayastay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare kadib markii uu halgan dheer u soo galay,waxaanu ururkii S.N.M lsmarkiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Somaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland....

 
31 May Maalin Kulansatay saddex munaasibadood oo Taariikhi ah Faysal Cali Sheekh, Jamhuuriya

Waxa kale oo Ciidanka SNM hawlgal ku qaadeen 29kii May 1988 Xerada Cadaadley oo sagaashan (90km) dhinaca Bari ka xigta Hargeysa. Hawlgalada Ciidamada SNM ee Hargeysa wuxu ahaa gulufkii dagaal ee taariikhda SNM ugu muddada dheeraa, dagaalkii Mujaahidiintii SNM oo 2:00 duhurnimo ee 31kii May 1988 ay ka soo dhaqaaqeen Tuulada Bali-Samatar oo waxyar u jirta xuduudda, waxay duhur cad iyaga oo saaran Kolanyo Baabuur ah ku soo jiidheen Ciidamaddii qaybta 26aad ee loogu talogalay Difaaca Magaalada ee Teedsanaa inta u dhexaysa Xuduudda iyo Magaalada iyada oo Kolonyaddii Ciidanka ay ka war heleen Diyaaradihii Sahanka Cadowga oo Markii Ciidamada SNM xuduudda ka soo gudbeen dul marayay

 
Baroor-diiq Geeridii Abdirahmaan Ahmed Ali iyo Halgankii SNMta. Hargeysa...November 15th '03...SNN

Cabdiraxmaan Tuur oo labaatan sannadood Safiir ahaa, labaatan kale oo xigayna jabhad iyo hoggaamiye ahaa iyo geel-dhaqasho halkee ayay iska soo galaan. Waa habeen aanu booqasho iyo kormeer ku maraynay tuulooyinka xuduudda ku taxan ee gobollada bari. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee SNM. Waxaanu la soconnay wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SNM. Yicib-yabooh ayaanu goor fiid ah ku soo hoyannay. Garo� oo Cabdiraxmaan ayaa marti loogu ahaa Yicib-yabooh. Kollay habeenkaa qarbe-qarbe ayuu xaalku iska ahaayoo, sabaayad ayaanu ku cashaynay. Cadihii iyo sooryadii maalintii xigtay ayay is-raaceen.

 
HALACSIGA MAALIN-QORKA: HESHIISKII SIYAAD BARRE & MENGISTU XAYLE MARIAM EE 1988kii

Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray?...

 
Goormay Kuugu darnayd!? waxaa ka sheekaynaya Mujaahid Haybe Axmed Gure (Haybe-Laambad)

Waxa ay iigu darnayd anigoo u madax ah ciidankii 11aad ee deggenaa xeebta Bula-Xaar iyo Boolay anagoo tiradayadu ay ahayd 150 nin oo naftood hurayaal ah oo aanwaxba cunin 4 caano maal oo ah 2 habeen iyo 2 maalmood ayaa nala ogaaday oo nala soo weeraray. Waxa na soo weeraray ciidan aan ku qiyaasay 500 nin iyo Tignikadoodii. Markii aanu ka warhelnay in weerarku nagu soo maqanyahay ayaan fayliyay ciidankii dabadeed waxaan idhi, “Waa dalkeenii iyo dadkeenii waynu u dhimanaynaa ee difaaca”. Ninka ugu badani 50 midh oo rasaas ah ayuu sitaa, waxaan ku wargeliyay,oo ku idhi, “Rasaastii iyo cuntadiiba cadawga ayaa inoo sida ee sidaa ku ogaada”.....

 
  @copyright (C) 2003 - 2007 Halganews