|
Hargeysa (Halganews)- Shirguddoonka Guurtida, ayaa ka biyo-diiday soo jeedin uu golaha hordhigay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Golaha Guurtida Md. Cabdillaahi Sheekh Xasan Cismaan oo ahayd in labada gole baarlamaan [Guurtida iyo Wakiillada] fadhi degdeg ah ka yeeshaan warbixin ay Qaramada Midoobay ka diyaarisay Soomaaliya, taas oo lagu sheegay in nabadda ka jirta Somaliland aanay ahayn mid lugo adag ku taagan.
Mudanahan golaha hordhigay soo jeedintan Salaasadii, ayaa waxa uu ka dalbay shirguddoonka Guurtida inay ka shaqeeyaan sidii labada gole baarlmaan ay fadhi u wada yeelan lahaayeen, isla markaana go’aan adag oo dalka lagaga mamnuucayo ka soo saaraan wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Ahmedou Wald Cabdalla, kaas oo isagu qoray warbixinta Golaha Ammaanka loo akhriyey.
Haddab, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Md. Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre oo guddoominayey fadhigii golaha ee shalay, ayaa mudanayaasha ku wargeliyey inay arrintan ka hadlayaan, isla markaana ay go’aan ka soo saarayaan Golaha Guurtida oo keli ahi, balse aanay cid kale la doonanayn, maadaama iyagu aanay xukumin.
"Arrintii Xildhibaan Cabdillaahi ina soo hordhigay waxay u baahantahay in laga hadlo. Mudanuhu wuxuu soo jeediyey in labada gole baarlamaan fadhi degdeg ah ka yeeshaan warbixintii uu qoray ninka wakiilka u ah Xoghayaha Qaramada Midoobay, laakiin innagu [Guurtida] gole ahaan ayeynu arrintaa uga hadlaynaa oo aynu war cad uga soo saaraynaa," ayuu yidhi Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, waxaannu intaa ku daray, "Innagu gole kale ma xukuno ee innaga oo isku dhan ayeynu gole ahaan ka hadli doonaa maalinta Sabtida toddobaadka soo socda ee isdaa ula socda."
Haseyeeshee, waxa hadalka Guddoomiye-ku-xigeenka saluugay oo aanay u cuntamin qaar ka mid ah xildhibaannada Guurtida, kuwaas oo sheegay in qurux badnayd inay labada gole baarlamaan [Guurtida iyo Wakiillada] iyaga oo isku dhan go’aan ka soo saaraan arrintan, maadaama ay tahay mid culus oo ah xad-gudub weyn oo laga galay dalka Somaliland.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Guurtida Md. Cabdillaahi Sheekh Xasan Cismaan, ayaa ugu baaqay in labada gole baarlamaan [Guurtida iyo Wakiillada] in ay isugu yimaaddaan fadhi degdeg ah oo kaga tashanayaan warbixin Qaramada Midoobay ka soo saartay Soomaaliya, isla markaana ay soo saaraan qaraar dalka lagaga mamnuucayo Wakiillka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Ahmedou Waldo Cabdalla.
AA.Sheekh, Hargeysa. |