|
Hargeysa (Halganews)- Allaah ha u naxariistee marxuun Maxamed Khaliif Axmed oo ahaa maamulihii madarasada Al-madiina oo ku taal xaafadda Aw Aadan ee woqooyiga Hargeysa, ayaa geeriyooday kadib markii nin kale toorray kaga dhuftay feedhaha waqti uu ku sugnaa gudaha masaajid ku dhow madarasadda.
Marxuum Maxamed Khaliif Axmed, ayaa sida dad goobjoogayaal ahi sheegeen waxa nabarka halista ah ee uu u geeriyooday abbaaro salaaddii Casar ee Isniintii gaadhsiiyey nin lagu magacaabo Ibraahim Jaamac Jibriil oo masjidka nadiifiye ka ahaa.
Ninka lagu eedeynayo dilka marxuunka geeriyooday, ayaa isla habeen hore ciidammada bileysku gacanta ku dhigeen, kadib markii hawlgal ballaadhan ay ku sameeyeen goobihii loo tuhunsanaa inuu ku dhuumanayey.
Marxuumka oo sidoo kale ay tiraba laba nabar oo gacmaha ahi soo gaadheen, ayaa sida dhakhaatiirtu caddeeyeen waxa uu abbaaro 10:00 caweysnimo ee habeenkii Salaasadii ku geeriyooday cusbitaalka Hargeysa, xilligaas oo qalliin degdeg ah looga samaynayey waxyeellada ka soo gaadhay dhinaca feedhaha.
Marxuunka geeriyooday oo ilaa hadda meydkiisii yaalo cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa ehladiisu ku dacwiyeen in aan la aasin ilaa la raaciyo oo isna loo dilo ninka lagu magacaabo Ibraahim Jaamac Jibriil oo hadda laanta baadhista dambiyada ee bileyska [CID-du] ay gacanta ku heyso baadhista sababta keentay dilkan.
Waxa kale oo la sheegay in ehelka iyo qaraabada marxuunka ay qoraal ay ku dalbadanaan qisaasta ninkan u gudbiyeen xukuumadda iyo xeer-ilaalinta, iyagoo ku sababeeyey dhowrista ammaanka iyo xasilloonida dalka darteed. Dilka marxuunka ayaa ay ka dhalatay xiisad kulul, maadaama uu ka dhacay masaajid dhexdii, kaas oo ah fal-dambiyeed aan baryahan hore loogu arag dhulka Somaliland.
AA.Sheekh, Hargeysa. |