|
Waxa aan jeclahay in aan si kooban u soo bandhigo, siday ku timid taariikhda maamul xumada Somaliland iyo sida ay ila tahay in dawadeedu ku jirto. Waa qoraal aan ugu talagalay jiilka da’yarta ah ee mustsqbalkoodii daawaha saaran yahay. Waa da’da in badani u sahay urursato TAHRIIBKA, in badanina ku jirto xabsiyada Liibiya iyo Sudan ama ku dhimatay badaha. Waa jiilka maamul xumada dalku si gaar ah u taabatay ee ay tahay inay wax ka bedelaan doorashada qabiilka ku salaysan, si maamul wanaagsani dalka uga hana-qaado.
Somalidu, meel ay joogtaba waxa sal u ah qabiil iyo deegaan u gaar ah. Markii magaalo dhisantay, qabiil waliba wuxu ka degay magaalada dhinaca reerkoodu ka soo galo. Sababta kala qaybsanaanta ee miyi iyo magaalaba, waxa u sal ah dareen dhaqaale iyo mid nabadgelyo.
Hab-dhaqanka qabiilku wuxu soo maray saddex marxaladood oo kala duwan:
1. Wakhtigii Gumaysiga ka hor.
2. Muddadii Gumaysiga iyo
3. Muddadii Xorriyadda.
Wakhtigii gumaysiga ka hor qabiilka waxa u talin jiray Suldaan, Garaad ama Boqor sida ay qolaba u taqaan. Raggaa talada hayay waxa ay ahaayeen maal-qabeen baahidooda wakhtigaasina yaraa. Waxa ay ahaayeen rag karti iyo awood leh. Waxa lagu xusuustaa oo dhaxal-gal ahayd heshiisyadii ay la qorteen dawladdii Ingiriiska 1884.
Markii gumaystihu dalka soo galay, isbeddel weyn baa ku dhacay hab-dhaqankii qabiilka. Xukunkii waxa la wareegtay dawladdii Ingiriiska. Madax-dhaqameedkii wuxu noqday shaqaale dawladeed oo mushahar qaata. Wuxu soo degey magaalo. Waxa ka baylahay xoolihii miyi. Wuxu noqday sabool gacanta wax looga fidiyo. Waxa lumay awooddii, xurmadii, haybaddii iyo qaddarintii uu ku lahaa miyiga.
Lixdankii, markii xorriyadda aan qaadanay isbeddel weyn oo kalaa dhacay. Ingiriisku dhex buu u ahaa qabaa’ilka. Issir iyo diin midna lama wadaageyn. Waxa bedelay Somali abtirsiinta la wadaaga. Dhex-dhexaadnimadii ayaa luntay. Qabyaaladdii miyiga maxbuuska ku hayd magaalay u soo guurtay. Way ku il-baxday, magac iyo maamuus ayay ku heshay magaalo. Waa cusub oo siyaasad la yidhaa baa u beryay; Waxa ay ka qayb gashay, tartankii iyo loollankii doorashooyinka. Ficiltan iyo taageero qabiil baa abuurmay. Waxa adeegsaday qabiilkii: Madaxweyne, wasiir, siyaasi, aqoonyahan, maalqabeen, madax-dhaqameed, afmiishaar iwm.
Arrintu halkaa kuma xasillin ee doorasho tiro iyo faray u baahatay. Laan-dheere wuxu hoosta ka xarriiqday madaxda sare iyo talada dalka. Waxa la isugu faanay dawladdadii. Sidaas oo ay tahay reerna dhexdiisa wax isuma ogola. Reerkii tirada-yaraa, xisaabta waa laga saaray. Caddaalad-darro weyn baa halkaa ku sugan. Nin-door badan baa tasoobay.
Maxa laga dheefay?
Mabd’a iyo qabiil, meel u wada hoydaan? Dhaqankaa xumi wuxu soo jiitamayay ilaa lixdankii oo Ummaddu ku wayday; xasilooni iyo horumar. Wuxuu gabbood u noqday xukuumad gabno ah iyo nin gaabis ah.
HALIS BUU DALKII KU SUGAN YAHAY
Bal aan dib u raacno, raadkii siyaasadda qabiilka oo aan isweydiino; Maxaa reerkii ka dheefay madaxdoodii? Ma jiraa, reer si gaar ah uga faa’iday, madaxweyne, wasiir ama mudane baarlamaan? Haddii si gaar ah looga faa’iidi lahaa Berberaa ugu qurux badnaan lahayd dalka, Burco iyo Booramana wax kama muuqdaan.
Is-beddel dhakhso ah oo caafimaad qaba waxa sameyn kara madaxda wanaagsan; siiba marka madaxweynuhu yahay INDHEER-GARATO. Alla ka cabsi leh, oo og in aakhiro tahay hoyga daa’imka ah. Ku talagalkaa iyo aragtidaa dheer ayaa keenta ammaano xafid, caddaalad, dhawrsanaan, xasilooni iyo horumar. Madaxdii dalku, waxa ay noqdeen qaar hammad gaaban, oo ammaanada iyo xilkii loo igmaday u qaaba dheef u soo korodhay.
Xukuumadda JSL, ma garan culayska AMAANANADA iyo xilka loo igmaday, oo ah maamul quman (Good governance) iyo horumar. Taageerada dadweynaha waxay ku raadisaa siffo Qabiil; Wassiiro badan oo reeraha loo maqaar-saaro, cuqaal, salaadiin, af-miishaar dacaayadda u faafiya, iibka codka / "Vote" mudane khaylaawe ah iyo ku tagrifalka hantida ummadda tahay; lacag, dhul, daaro, bakhaaro, gaadiid iwm.
Dhaqankaa xumi, wuxu kobciyay musuq-maasuqii, wuxu baabi’iyay Garsoorkii, wuxu dhantaalay is-dheeli tirkii Saddexdii Waaxood ee dawladda. Madaxweynihii wuxu helay awood buuxda, uu ku baalmaro Dastuurka iyo sharcigii dalka. Wuxu diiday inuu Golaha ka ansixiyo heshiisyada xukuumaddu laga gasho sharikadaha ajnabiga. Wuxu diiday go’aanadii Golaha Wakiilada. Waxa tamar-gabay hay’adihii dabagalka; Xeer-ilaalintii iyo Hanti-dhawrkii.
Waxa bur-buray dhaqaalihii dalka. Waxa laalan Miisaaniyaddii Qaranka ee 2007. Wasaaradda Maaliyaddu weli Golaha Wakiillada ma keenin Miisaaniyaddii 2008. Ma jiraan xisaab-xidh miisaaniyadaha qarankana oo la sameeyaa ama golaha la hor keenaa. Xaalad adag oo tii Somaalia san-saankeeda leh ayaa Somaliland soo wajahday. Maxaa sababay in xoolihii ka dhoofaan Jabuuti iyo Boosaaso? Maxaa sababay in shidaalku innooga yimaad Itoobiya iyo Boosaaso? Maxaa sababay shaqo la’aanta? Maxaa sababay in laga wareego Dekeddii Berbera? Jawaabaha su’aalahan iyo sidii looga bixi lahaa waxaan kaga faalloon qaybaha soo socda.
Intaa kadib su’aalihii la weydiiyey iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:
S: Baryahan dambe waxa la sheegayaa in Madaxweyne Rayaale soo wado wasiiro cusub oo badan, iyadoo markii horeba aad ku dhaliili jirteen golaha xukuumaddiisa oo fara badan, arrintaas sideed u aragtaa?
J: Wasiiradan badan, lacagta, dhulka, shidaalka iyo waxan la bixinayo waa wax dadka loogu sawirayo reer hebel haddii aad tihiin wasiir baanu idin siinaynaa, sidii oo reer hebelku qalanayaan wasiirka, waana siyaasad faasid ah oo laga baxay, waayo haddii toban wasiir reer la siiyo, maciishada ka jabin mayso, shidaalkiina jebin mayso oo waataa Itoobiya laga keenayo, xoolihii dekeda Berbera ka dhoofayey waata Boosaaso iyo Jabuuti laga dhoofinayo oo ma beddelayso, markaa arrintani waa siyaasad faasid ah oo dadka ilaa lixdankii lagu waday, waa ta aan anigu qabo da’da yar yar ee iminku inay wax ka beddeli kara oo hebel hebel ku beddel aanay noqon ee ay noqoto kumaa ummadda wax u qabanaya.
Nimanka madaxda ah ee Afrika way u soo dhammaanaysaa runtii, markii uu dantii ummadda u soo adeegi waayey ee ammaanadii loo dhiibtay uu u qaato sad-bursiimo u soo koradhay, waa laga soo horjeestay.
S: Doorashooyinkii la sugayey ee inay qabsoomaan waa laga cabsi qabaa inay dhacayaan iyo in kale, haddii ay dhiciwaayaan idinku ma haysaan xal kale oo looga wareego?
J: Annagu waxaannu qabnaa dadku waqti ayey bixiyeen oo shan sanno ayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka loo doortay, waxaanay ku eegtahay maalintii la dhaariyey 15-ka bisha May ee soo socota, wixii maalitaa ka dambeeya madax maaha. Waxaannu annagu qabnaa in saddexda xisbi ee maantaa jiraa ay sameeyaan dawlad ku meel-gaadh ah oo dadka gaadhsiisa doorasho, waxa dib loogu dhigayaa waxa weeye aad sii joogtid. Dadka ayaa waqtiga bixiyey ee Guurtidu shaqo kuma laha, iyadaanba sharci ahayn.
S: Dawladdu iyadaa awoodii iyo dhaqaalihiiba haysee sidee looga qaadayaa?
J: Dhaqaalaha dadkaa bixiya oo yidhaa wax noogu qabta awooddana waa lala leeyahay ee waxa weeye dadkii diyaar ma u yahay inay la xisaabtamaan, miyaan dawladdii Kiiniya khasab lagaga dhigin inay raacdo wixii shacabku doonayey.
S: Shirweynihii xisbiga KULMIYE waxa uu ku soo gebogabooday si aan la islahayn wuu ku dhammaanayaa, idinku QARAN ahaan sideed u aragtaan?
J: Horta KULMIYE annaga aad buu noo taageeray muddadii aannu xidhnayn iyo markii aannu ka soo baxnayba, waxay xukuumaddu lacag ku bixinaysay oo af-miishaarada koloba ku masruufaysay KULMIYE wuu is hayaa oo wuu baa’bay, laakiin maanta maroora-dilaac ayey ku jiraan oo tii way socon wayday. Annagu waxaannu u aragnaa in mucaaridku is kaashado sidii rajiimkan aan khayrka lahayn looga qaadi lahaa meesha, waxaannu u aragnaa caafimaad soo kordhay. KULMIYE annagu khilaafkoodiina dhexdhexaadin baanu ka galnay meel wanaagsana waanu soo gaadhsiinay inay doorashadan galaana taladayadii ayey ka mid ahayd.
KULMIYE waxaannu u aragnaa mucaaridka xgga ah ee dalka ka jira, markaa haddii nala aqbalana waanu wada shaqayn, haddii aan nala aqbalani waanu wada shaqayn, waxaannuna garabka u siinaynaa in xukunkan la beddelo.
S: UCID miyaad ku qanci waydeen KULMIYE ayuun baad carrabka ku haysaane?
J: UCID adigu dhan ay u socoto miyaad aragtay?
S: Waxaad sheegtay in qolo la yidhaa Somali Focus ay hawsha tagitaankiina idiin soo diyaariyeen, markaa ma arrimihii ururka QARAN ayaad u socotaan?
J: horta haddii aannu halkan joogno iyo haddii aannu xaggaa tagnaba wixii danta dalka ah ayuun baanu u soconaa ee waxyeelo kolnaba uma socono. Aad bay waddanka Ingiriisku noo taageereen intii aannu xidhnayn jaraa’idka iyo dawladduba, waxaanay ka shaqeeyaan horumarka iyo sidii Somaliland ictiraaf loogu heli lahaa.
Urukayaguna wuxuu ku xidhan yahay qadiyadda Somaliland iyo horumarkeeda, waayo distoorka iyo sharciyadda inta la raacayo waxa la wadaa dantii ummadda, marka la ishortaago sharcigii aynu samaysanayna waa ka soo horjeed. Waxaanad ogaataa inta yar ee caafimaadka qabtaa maanta inay Somaliland tahay, waxaanay ku horumari kartaa oo ictiraafkeeda soo dhawayn kara markay sharciyadda iyo caddaaladda ku dhaqanto ee musuqmaasuqa laga baxo ee ay xukuumaddu haggaajiso hawshii loo igmaday. Fursad wanaagsan ayeynu maanta haysanaa, waxayse xukuumaddu ka doorbidaysaa, doorashadaa yaan cid cusubi soo gelin saddexdaa xisbi ee jira uun mooyaane, taasina waxay ka soo horjeedaa sharcigii, balse qoladan reer Yurub waxay wax ku bixiyaan waxan ay dimuqraadiyadda yidhaahdaan sidii dalka loogu fidin lahaa, markaa annaga [QARAN] horjoogayaga iyo xadhiggii ay na xidhayba waa xumaan dawladda ku dhacday iyo mid dalka haysataba.
AA.Sheekh, Hargeysa. |