|
Laascaanood (Halganews)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay weheliyaan wefti ballaadhan oo ka kooban wasiirro, masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka soo jeeda degaanka Gobolka Sool ayaa shalay gaadhay magaalada Laascaanood.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo ujeeddada socdaalkiisu la xidhiidho xogogaal u noqoshada xaaladda guud ee gobolka iyo heerka ay gaadhsiisan tahay abaaraha degaannadaas ku habsaday, ayaa markii ay gaadheen magaalada Laascaanood subaxnimadii hore ee shalay waxa la dejiyey hoteelka Xamdi oo qiyaastii 2km dhinaca Garoowe ka xiga Laascaanood, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay odayaasha iyo waxgaradka degaankaas.
Sida uu noogu soo warramay weriyahayaga Gobolka Sool Mr. Cabdiqani Xasan Faarax (Gadari), waxa Madaxweyne-ku-xigeenka iyo weftigiisa gelinkii dambe ee shalay u ambabaxeen dhinaca tuulada degmada Caynabo oo iyaduna xarun u ah gobolka cusub ee Saraar oo ka mid ah lix gobol oo dhowaan Madaxweyne Rayaale ku dhawaaqay, halkaas oo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo weftigiisu xalay kaga qaybgaleen xaflad dadka degaanku dabbaaldegayeen gobolnimada cusub. Haseyeeshee, ma cadda in xubnaha weftigu xafladda kadib ay ku laaban doonaan magaalada Laascaanood iyo in kale.
Dhinaca kale, wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in mid ka mid ah gaadiidkii gelbinayey weftiga Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland uu ku dhacay haweenay ku sugnayd waddada dhinaceeda, iyada oo baabuurka turufeeyey gabadha uu lahaa Guddoomiyaha Degmada Laascaanood, waxaanay waraku intaa ku dareen in aannu shilkaas dhaawac weyni ka soo gaadhin haweenayda, marka laga reebo jug ka soo gaadhay foolasha sare ee ilkaha oo kala jabay.
Xafladda lagu soo dhoweynayey Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wefdigiisa oo aad u ballaadhnayd darteed ayaa la fasaxay shalay dhammaan dugsiyada Laascaanood, kadib markii uu sidaa maamulayaasha ku wargeliyey Guddoomiyaha Gobolka Sool Cali Sandulle.
Dhinaca kale, koox wasiirro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Md. Cabdi Xasan Buuni, ayaa iyaguna shalay u baqoolay dhinaca gobollada Awdal iyo Salal.
AA.Sheekh, Hargeysa. |