Calanka Somaliland
 
Sl-radio
Radiyow Horyaal
Radiyow Hargeisa
Bbc Somalilga
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
Radio-shabelle
Codka Somaliland
Radiohormuud
Radiogolis
Radiowaaberi
Radio-Waaheen
S-land-links
Aftahan.com
AwdalNews
Caynabo
Hadhwanaagnews
Hoyga-suugaanta
Hargaysanews
Hargeysa.org
Haatuf
Jamhuuriya
Qarannews.com
Radio-Somaliland
Redsea-Online
Somalilandforum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland-center
Somalilandfuture
Sl-Democracy-Watch
Sooyaal.com
Saaxil-net
Tvsomalilandeurope
Somaliland-Today
Togdheer-Online
Togdheersports
Sanaag-Web
Somaliland-talk
Golis-News
Somaliland-Edu
somalilandnews.info
Somaliradio
Radiyow-Garoowe
Radiyow-SBS
Radiyow-S-Sweden
Radiyow-Copenhag
Radiyow-Warsan
Radiyow-Banadir
Radiyow-Xoriyo
Radiyow&Tv-Jabuuti
Radiyow-Qaran
Radiyow-Dalmar
Radiyow-Sagal
Radiyow-Som(USA)
Rstvonline.com
Xisbiyo/ngo
Academy 4 P & Dev
IPR-Institute
Qurbaawi-journal
Systo.org
S-Pictures/Ahmed
S-Chamberofco
Taste Of Africa
Ururka-Sirag
Xisbiga-Kulmiye
Xisbiga-Udub
Xisbiga-Ucid
Ganacsilinks
Ambassador-Hotel
Dahabshiil-Company
Daallo-Airline
Damal-Airline
Maansoor-Hotel
Star-Africanair
Burao-cityplaza
Login Form





Lost Password?
No account yet? Register
 
Mujaahidka Todobaadka: Muj:Jaamac Cali Cilmi

Mujaahid_jaamac_Cali_Cimi_yar- 4.jpgMarxuun Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed ee Caanka ka ah Ciidamada dhex-dooda, sababaha ugu mihiimsan ee uu caanka ku ahaan waxa ka mid ahaa aqoontiisa tacliimeed oo aad u saraysay, isagoo leh aqoon iyo astaamo hogaamineed oo hufan (Leadership qualifications), Asluub iyo hab-dhaqan aad u wanaagsan. Marxuumka Mujaahid Jaamac Cali Cilmi wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii sida xun loogu cadaadiyey hab-dhaqankii caanka ahaa ee dawladdii keli-taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee la odhan jirey Kacaan-diidka, taasoo aakhirkii sababtey inuu ka ruqsaysto Ciidamada

 
a
WAXAAN LA YAABAHAY HABARTAAD ARAGTO EE ISAAQBA WAXAY KU ODHANAYSAA WAXAYAGII WAXA LOO DIRAY LAASCAANOOD, WAX ALLAALE WAXAANNU ARAGNAYNA MA JIRTO” Wasiirka Degaanka oo Dhaliilay Magacaabista Gobollada Cusub iyo Taakulaynta Sool
Thursday, 03 April 2008

Hargeysa (Halganews)- "Waxaan aaminsanahay in dadkii qabiil loo kala soocay oo si toos ah qabiil loogu kala soocay. Caynabo oo kale marka halkaa laga sameeyey dee Habar/jeclo lays israaciyey, Dhulbahante meel gaar ah ayaa lagaga tegay. Sida oo kale tan laga sameeyey Awdal oo wixii waxa loo kala sameeyey qabiilo. Iminka qoladii Ciise waxay aamisan yihiin in iyagana loo sameeyey Salal, markaa anigu waxaan aamisanahay in dalkii qabiilo loo kala qaybiyey." Sidaa waxa yidhi Wasiirka Degaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga Md. Fu’aad Aadan Cadde oo markii u horreysay si kulul u cambaareeyey tallaabada Madaxweyne Rayaale ku magacaabay gobollada iyo degmooyinka cusub.

Md. Fu’aad Aadan Cadde oo u warramayey shalay telefishanka madaxbannaan ee Somaliland Space Channel, waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland aanay haba yaraatee waxba u qaban bulshada ku nool Gobolka Sool oo dhowaan gacanteeda galay, waxaannu caddeeyey in waxa qudha ee reer Sool loo qabtay ay tahay askari haystay oo midkale loogu beddelay, balse aan haba yaraatee waxba laga qaban adeegyada bulshada iyo biyihii macaanaa ee Madaxweynuhu ugu ballanqaaday, iyadoo lacagihii taakulaynta ee loogu talogalayna waxba aan ilaa iminka laga gaadhsiin.

Waxa uu Wasiirku si kulul uga hadlay tallaabada Madaxweyne Rayaale ku magacaabay gobollada cuusb oo uu ku tilmaamay mid loogu talogalay in doorashooyinka lagu galo, isla markaana dadkii qabiilooyin loogu qaybiyey.

Md. Fu’aad oo la su’aalay sida uu arko gobollada cusub ee Madaxweyne Rayaale dhowaan magacaabay, waxaannu ku yidhi; "Wallaahi; horta dad baa loo sameeyey oo ka horiman mayno oo cidina ku dhici wayday in ay tidhaahdo gobolladaasi way xun yihiin oo nin waliba wuxuu is-yidhi, weliba foodkii baa soo dhow oo haddaad iminka gobolkaa diido ama ka hadasho dadkii baa ku nacaya oo waxa ahmiyadda la saaray doorashada soo socota, laakiin waxaan aaminsanahay in dadkii qabiil loo kala soocay oo si toos ah qabiil loogu kala soocay."

Waxaannu intaa ku daray; "Caynabo oo kale marka halkaa laga sameeyey dee Habar/jeclo lays israaciyey, Dhulbahante meel gaar ah ayaa lagaga tegay. Sida oo kale tan laga sameeyey Awdal oo wixii waxa loo kala sameeyey qabiilo. Iminka qoladii Ciise waxay aamisan yihiin in iyagana loo sameeyey Salal, markaa anigu waxaan aamisanahay in dalkii qabiilo loo kala qaybiyey."

Wasiirka oo la weydiiyey taakulayntii tirada badnayd ee loogu talogalay Gobolka Sool sida ay dadka u gaadheen ee wax loogu qabtay, waxa uu ku jawaabay; "Waxaan la yaabahay habartaad aragto ee Isaaqba waxay ku odhanaysaa waxayagii waxa loo diray Laascaanood, wax allaale waxaannu aragnayna ma jirto, waxaanse u malaynayaa in la hayo, 2%-ka cashuurahana waxaan u malaynayaa in Madaxweynuhu hayo, wixii shacbiga laga soo ururiyeyna in Madaxweyne-ku-xigeenku hayo, waxan ay dawladdu ku yaboohdayna wax qarsoon maaha oo waa la baahiyey waana $270 kun oo dollar oo la qayb-qaybiyey oo Sanaag ugu badan tahay oo ah gobolka ugu weyn oo leh $70 kun, Sool oo kale $40 kun bay leedahay, markaa waxaan moodayey in waxa la ururiyey $270 kun ka badan tahay, xataa haddii ay taakulayntii tahay oo dawladdu sideeda ugu deeqin, markaa weli dadkaa wax gaadhay gebi ahaanba ma jirto."

Md. Fu’aad Aadan Cadde isagoo ka hadlayey xaaladda Gobolka Sool waxa uu yidhi; "Madaxweyne-ku-xigeenkii iyo wasiirradii hadda Laascaanood ayey joogaan, laakiin runtu waxa weeye Laascaanood wixii la rabay in loo qabto looma qaban. Annagu markii aannu tagnay waxaannu dadka u ballanqaadnay wasiirradayadii meesha [Sool] u dhashay saddex bilood haddii nala sugo wax kasta waa la qabanayaa – dugsiyadii baa wax laga qabanayaa, caafimaadkii baa wax laga qabanayaa, biyo macaan baa laydiin gelinayaa – iminkana muddo badan ayaa ka soo wareegtay wax allaale wax loo qabtayna reer Laascaanood ma jirto.

Madaxweynuhu waxa uu hadal hayaa inuu biyo macaan geliyo, laakiin hadduu isagu rabo in uu biyo macaan geliyo hay’adihii kale maxaa loogu diri waayey. Hal dugsi sare ayaa Laascaanood ku yaal, hal xannaano ayey leedahay, hal cusbitaal oo yar bay leedahay oo Ingiriiskii ka tegay, maxay iminka hay’adihii dawladdu wax uga qaban waayeen, maxaa loogu diri waayey. Maahmaah Soomaaliyeed baa odhanaysa, dibigii Wardheer dhegihiisuna waxba ma maqlaan, indhihiisuna waxsan ma arkaan. Iminka berritaa la aroorinayaa dibadda, waagii baa baryaya oo cid la hadal hayaaba ma jirto. Markaa Sool askari, askari beddelay baa jooga; kii Harti baa meesha laga eryey oo mid huwan ah oo Isaaq iyo Gadabuursi ah baa tegay, markaa askari, askari beddelanaya dadka ma anfacayaan ee waxay ahayd in wax loo qabto, waxaanad moodaa in aanay weli baahidii halkani dhammaan, Somaliland-na nin wax uu u baahan yahay aad ka bariday ka heli maysid," hadalkiisa ku soo xidhay Wasiirku.

Waa markii u horreysay ee wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland uu si badheedh ah u naqdiyo tallaabada Madaxweyne Rayaale ku magacaabay gobollada iyo degmooyinka cusub iyo aragtidiisa ku wajahan taakulayntii loo qaadhaamay degaannada Gobolka Sool.

AA.Sheekh, Hargeysa.

 

 

 
Next >

.

Sh adan siiro.jpgHalganews iyo Qudbadaha jimcaha ee Masaajidka Xawaadle qudbadahan oo taxane joogta  ah jimce walba  halkan ka dhagayso Qudbadii Jimcahan 29.02.2008 iyo Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadan siiro)

 
Qoraalkan riix si aad u hesho ama aad u dhagaysato Qudbadihii Hore ee Sheekh Aadan Siiro

 

Hawl Galkii Badbaado ee lagu furtay Jeelka Mandheera 3/1/1983kii

Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno....

 
Hawl-galkii Birjeex Ee lagula Baxay Col.C/lahi Askar

Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo.....

 
Labadaa dil midkood gacan ku dhiiglaha isagu geystey waxa laga raafey Cali-Xaydh

midi waa geesiyadaa oo marka cadawgu kula dagaalamayo nin-ba ninka uu ka qaalisan yahay ayuu abaaraa, Aadan Shiine iyo C/Qaadir Koosaar-na geesiyaal bay ahaayeen, waa ta labaad'e waa dagaal bilaw ah oo cusub, oo ku socda in la tirtiro taariikhda halgankii lagu xoreeyey dalkan, waa ta saddexaad'e waxa looga jeedaa fidmo laga abuuro dadka dhexdiisa, taas oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qaranimada Somaliland, anigu sidaasaan qabaa, waayo cidna umay qabsan SNM dilalkaasi, haddana iyadiibaa dib loogu soo celiyey markaa anigu ma garanayo waxa looga jeedo ee aan sidaa ahayn...

 
Gabay Gees ka gees Mujaahid Dr. Cabdi Salam Yasiin ayaa tiriyay waaba gabay Khuseeya Halganka

Runa anaantii anoon sharax badan ka bixinayn Dr. C/sallaan Yaasiin oo ahaa mid ka mida halgamayaashii xiliga dheer u halgamayay  in dadku mar uun baadilku ka tago C/salaan waa mid ka mida shantii nin ee fadhiday Miiskii lagaga dhawaaqay SNM 06.04.1981kii sida Sawirka sarena aad ku aragtaan C/sallaan waa ninka taagan  ee hadlaya hadaba Dr. C/sallaan Yaasiin oo halgankii ka dib lamaqal in badan oo ay xaruntiisu tahay Dalka Saudi arebiya halkaas oo uu ku noolyahay Dr. C/sallaan ayaa hadaba tiriyay Tix la magac baxday Gees ka gees oo ka hadlaysa wakhtigii tagay iyo Wakhtagn Xaadirka ah ba isaga oo ereyadiisa ay ka mid yihiin...

 
Sannad guuradii 14-aad ka soo wareegaty Qaranimada Somaliland

Kudhawaaqista madaxbanaanida Somaliland waxa ay kadambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulayastay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare kadib markii uu halgan dheer u soo galay,waxaanu ururkii S.N.M lsmarkiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Somaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland....

 
31 May Maalin Kulansatay saddex munaasibadood oo Taariikhi ah Faysal Cali Sheekh, Jamhuuriya

Waxa kale oo Ciidanka SNM hawlgal ku qaadeen 29kii May 1988 Xerada Cadaadley oo sagaashan (90km) dhinaca Bari ka xigta Hargeysa. Hawlgalada Ciidamada SNM ee Hargeysa wuxu ahaa gulufkii dagaal ee taariikhda SNM ugu muddada dheeraa, dagaalkii Mujaahidiintii SNM oo 2:00 duhurnimo ee 31kii May 1988 ay ka soo dhaqaaqeen Tuulada Bali-Samatar oo waxyar u jirta xuduudda, waxay duhur cad iyaga oo saaran Kolanyo Baabuur ah ku soo jiidheen Ciidamaddii qaybta 26aad ee loogu talogalay Difaaca Magaalada ee Teedsanaa inta u dhexaysa Xuduudda iyo Magaalada iyada oo Kolonyaddii Ciidanka ay ka war heleen Diyaaradihii Sahanka Cadowga oo Markii Ciidamada SNM xuduudda ka soo gudbeen dul marayay

 
Baroor-diiq Geeridii Abdirahmaan Ahmed Ali iyo Halgankii SNMta. Hargeysa...November 15th '03...SNN

Cabdiraxmaan Tuur oo labaatan sannadood Safiir ahaa, labaatan kale oo xigayna jabhad iyo hoggaamiye ahaa iyo geel-dhaqasho halkee ayay iska soo galaan. Waa habeen aanu booqasho iyo kormeer ku maraynay tuulooyinka xuduudda ku taxan ee gobollada bari. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee SNM. Waxaanu la soconnay wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SNM. Yicib-yabooh ayaanu goor fiid ah ku soo hoyannay. Garo� oo Cabdiraxmaan ayaa marti loogu ahaa Yicib-yabooh. Kollay habeenkaa qarbe-qarbe ayuu xaalku iska ahaayoo, sabaayad ayaanu ku cashaynay. Cadihii iyo sooryadii maalintii xigtay ayay is-raaceen.

 
HALACSIGA MAALIN-QORKA: HESHIISKII SIYAAD BARRE & MENGISTU XAYLE MARIAM EE 1988kii

Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray?...

 
Goormay Kuugu darnayd!? waxaa ka sheekaynaya Mujaahid Haybe Axmed Gure (Haybe-Laambad)

Waxa ay iigu darnayd anigoo u madax ah ciidankii 11aad ee deggenaa xeebta Bula-Xaar iyo Boolay anagoo tiradayadu ay ahayd 150 nin oo naftood hurayaal ah oo aanwaxba cunin 4 caano maal oo ah 2 habeen iyo 2 maalmood ayaa nala ogaaday oo nala soo weeraray. Waxa na soo weeraray ciidan aan ku qiyaasay 500 nin iyo Tignikadoodii. Markii aanu ka warhelnay in weerarku nagu soo maqanyahay ayaan fayliyay ciidankii dabadeed waxaan idhi, “Waa dalkeenii iyo dadkeenii waynu u dhimanaynaa ee difaaca”. Ninka ugu badani 50 midh oo rasaas ah ayuu sitaa, waxaan ku wargeliyay,oo ku idhi, “Rasaastii iyo cuntadiiba cadawga ayaa inoo sida ee sidaa ku ogaada”.....

 
  @copyright (C) 2003 - 2007 Halganews